WorldRemitAds

“Musharaxa UCID hadaanu ahayn Jamaal Waxay ka dhigan tahay aniga oo idhaahda Guddoomiyaha UCID, sheeg wax ii diidaya” Cali Guray

Hargeysa, Somaliland November 26, 2015 (Saxafi) – Gudomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiga UCID lagu dhex tartami doono marka uu gaadho wakhtiga shirweynaha.

Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey khilaafka soo wajahay xisbiga ayaa sheegay in ay ceeb ku tahay in la yidhaahdo xisbigii waa la iibinayaa, taas oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Guddoomiye Waraabe ayaa safar shaqo uga anbo-baxay dalka ayaa sheegay inuu ka qaybgalyao shir lagaga hadlayo ururadda hanti wadaaga caalamiga ah (Socialist International) oo ka dhacaya caasimadda Luandda ee dalka Angola.

SomlegalAds

Faysal Cali Waraabe iyo Cali GureyUgu horeyn Faysal oo ka hadlaya wararka sheegay inuu la heshiiyey musharaxiinta isbahaysiga xisbiga Kulmiye ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Marka aad leedihiin guddomiye Faysal wuu iibiyey xisbiga oo wuxu ka iibiinaya isbahaysiga Kulmiye, adeer anigaad meel igaga dhacaysaan dadka bina’adamka ah in la is-ixtiraamo weeyaan. Waxa aan idiin sheegayaa xisbiga wax qalaalase ah oo ka jiraa ma jiro, wax khilaaf ahi ma jiro. Xisbi kasta marka ay doorasho soo dhawaato wuu is habeeyaa golaha dhexe oo way fadhiisanayaan, waad arkaysaa wixi ka taagnaa xisbiga Kulmiye. Xisbigu markiisa wuu tartamaa anigu sow guddomiyihii ma ihi marka wakhtigaygu uu gaadho waa la ila la tartamayaa, qof loo xidhay ma jiro oo lagu talo galay. Murashaxu waxa uu noqonaya marka uu ogolaato dowladdu ee sawirkiisa la ogaado ayuu noqon karaa imika waa sii qiyaasid. Wax musharax ahi ma jirto, sida Muuse iyo Saylici loola tartamay ayaa loogu tartamayaa, aduunka ma jirto qof ay u xidhan tahay, anagu barigii waxaanu u diyaargarawnay musharaxnimada Jamaal, Cabdirashiid Xasan Mataana waa kaa iska tagay cid illaa hadda tidhi musharax baan ahay ma jirto,laakiin xisbigu wuu isqiimaynayaa oo sidii xisbigu u soo bixi lahaa ayaa la doonayaa”

Mar wax laga waydiiyey inuu isna ka mid noqon doono musharaxiinta xisbiga ee madaxweynenimo waxa uu yidhi “Aniga yaa iga mamnuucay, ma aayad qur’aan ah ayaa iga mamnuucday, xeer ii diidayaa ma jirto, maaha in arrin weyn laga dhigo Faysal wuu tartamayaa, kuwaasi kolay waa kuwo aniga iga baqanaya, marka rag aan ogahay oo aan tamartooda aqaanno inay gacantooda u gashay waan is hor taagayaa Somaliland way u dhamaanaysaa, si aanay taasi u dhicin waa in nin karti badani UCID ka soo baxaa”.

Mar wax laga waydiiyay eedeyn loo soo jeediyey Guddoomiye ahaan ayaa waxaa uu yidhi “Ka burburinayaa ma ka xisbiga ceebeeyay baa mise waa aniga shan iyo tobanka sanno soo dhisayay, nin noo marti ah ayuu ahaayoo si hawlyarna noogu yimid si hawlyarna nooga tagay salaatul shukri baan tukaday”.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa sheegay in haddii la xalin kari waayo khilaafka UCID ay dhici karto in mucaaradka oo dhami iskugu yimaadeen xisbiga WADANI.

Waxa kale oo uu xusay inay guddoomiyaha iska arki doonaan si loo xaliyo khilaafka UCID, isagoo arrrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi.“Waxaad moodaa inuu waxa cusub yahay khilaafka UCID, waxaan hore u sheegay in dhamaadka khilaafka KULMIYE yahay bilowga khilaafka UCID, jinkii KULMIYE gallay ayaa UCID na gallay anagaana ka cuudin doona, waana ku tallo jirnaa xalkeedda, laba mid bay noqonaysaa inaanu noqono xisbiga ugu weyn ee mucaarad ee ugu adag noqono iyo inuu xoogaysto xisbiga kale ee mucaaradka ah ee WADANI oo mustaqbalka wixii mucaarad ahi iskugu wada tagi doonaan haddii sidan wax laga bedeli waayo oo gudoomiyuhu sidan wax u waddo, waana is arki doonaa”.

Cali Gurey ayaa sheegay in Djibouti shaqo ku lahayn khilaafka xisbiga ka dhex jira, waxaanu yidhi.“Marka aynu inagu is qabano markiiba cid baa laasha oo Djibouti baa dhakada laga saaraa, anaga khilaafkayaga UCID Djibouti shaqo kumalaha, anaguu naga dhexeeyaa dawadiisana anagaa haysana,cid aanu u nisbaynaynaa ma jirto, dadkuna ciday taageerayaan xaq bay u leeyihiin,anagu waxaanu qabnaa inay xukuumaddu gacanta kula jirto khilaafka UCID”. Mar kale Cali Guray waxaa uu yidhi. Isaga oo ka hadlaya su’aal Faysal laga weydiiyay murashaxa UCID oo uu ku dooday in aan wax u diidayaa jirin oo uu yidhi Cali Guray. “Haddii la i waydiiyo Gudoomiyaha Ucid miyaad adigu tahay waxaan odhan lahaa maya eh Faysal Cali Waaraabe ayaa ah. Musharaxa UCID-na hadii aanu ahayn Jamaal Cali Xuseen Waxay ka dhigan tahay aniga oo idhaahda Gudoomiyaha UCID sheeg wax ii diidaya in uu aniga Cali Guraya yahay. Musharaxa Ucid Faysal waxaa u diidaya Xeerka Ucid, isaga ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Dhexe ee u codeeyay MUSHARAX nimada Jamaal. Kalfadhi ka dambeeyay oo lagu bedelayna ma dhicin. Kolkaa wax aan dharciga Ucid ahayni aniga iga reeban. Maanta haduu Golaha Dhexe fadhiisto ma qabo in Fasal wixiisu soconayo, waayo way ogyihiin sheekada oo dhan”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.