WorldRemitAds
Horumarinta Diimaha – Dawlada Ruushka ayaa talaabooyin aan hore looga baran oo dhinaca diimaha iyo horumarintooda ah qaaday muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaanu maamulka uu hogaamiyo Madaxweynaha dalkaas Vladimir Putin uu sanadkan ku hir geliyay masaajidka ugu wayn qaarada Yurub, kaas oo ay ka dhiseen caasimadda dalkaas ee Moscow, si rasmi ahna xadhiga looga jaray maalintii ciida Carafo ay kow ahayd.

Masaajidkan oo dawlada Ruushku ku bixisay malaayiin dollar waxa uu noqday ka ugu wayn qaarada Yurub, waxaana markiiba ku tukan kara in ka badan sodon kun oo qof, waxa kale oo loo sameeyay masaajidkan oo afar dabaq ah, qaybo lagu barto Qur’aanka Kariimka iyo culuunta kale ee Islaamiga ah.
Horumarinta DiimahaWaxa xaflad wayn oo furitaankii Masaajidkan loo sameeyay ka qayb galay hogaamiyayaal tiro badan oo ka kala socday dunida, kuwaas oo khudbado mahad naq u badan oo dawlada Ruushka ay ku amaanayaan halkaas ka jeediyay.
Talaabadan horumarinta diimaha Kiristaanka iyo Islaamka ee dalka Ruushku wado ayaa waxa kale oo ka mid ah, kaniisad bada hoosteeda laga dhisayo oo dawlada Ruushku maalgelinteeda bixinayso, waxaana kaniisadan laga hirgelinayaa degaanka Cape Fiolent, taas oo ku taala meel u dhow xeebta jamhuuriyada Crimea oo Ruushku sanad iyo badh ka hor kala soo noqday dalka Ukraine.
Kaniisadan oo qiyaas dhan laba boqol oo mitir dhismaheedu ku dhex jiro gunta biyaha bada, waxa si gaar ah, loogu dhisayaa Mad-habta Orthodox ee Ruushka, waxaana bilowgeedi lagu qabtay salaad duco ah oo si gaar ah loogu ducaynayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Sida wakalaadaha wararku soo wariyeen waxa salaadii ugu horaysay ee kaniisadan lagu dhagax dhigayay ka qayb galay, labo boqol oo ka mid ah, naadiga dhug dhugleyda Yey-da habeenkii ee dalka Ruushka ee afka qalaad loogu yeedho magacooda, “Night Wolves.”
Talaabooyinkan ay horuminta diimaha ku samaynayso dawlada Ruushku waxa ay lama filaan ku noqotay dadka odorasa siyaasada, kuwaas oo u waayay fasiraad ay ka bixiyaan ujeedada Putin ka leeyahay iyo wakhtiga uu ku soo beegay saamaynta uu ku yeelanayo diimaha Islaamka iyo Kiristaanka oo ah labada diimood ee ugu waaweyn dunida iyo dalka Ruushka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.