WorldRemitAds

“Waxay taariikhda xumi ku qormaysaa Faysal oo noqday dadka loo adeegsanayo burburka xisbiga” Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargeysa, Somaliland, November 24, 2015 (Saxafi) – Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa shalay shaaciyey inuu xilkaasi iska casilay, waxaana uu eedeyn u jeediyay Gudoomiyaha xisbigaasi oo uu ku tilmaamay inuu bur burinayo xisbiga.

Iyaddoo Guddoomiye Faysal Cali Waraabena ka jawaabay eedaasi.

Eeda Murashaxa

SomlegalAds

Cabdirashiid Xassan Mataan ayaa sheegay inuu isku dayey inuu xaliyo khilaaf hoosta ka shidnaa oo la bilowday wakhtigii uu soo baxay Xisbiga UCID, waxaanu xusay in khilaafkaasi loo adeegsanayo masuuliyiinta xisbiga si xisbigu meesha uga baxo.

Faysal iyo Ina MataanCabdirashiid Xasan Mataan oo ka hadlay halka uu ka bilaabmay khilaafkan mudadda dheer soo jiitamayey waxa uu yidhi “Taariikhdii xisbiga Ucid iyo kii dib loogu soo neeleey ee New Ucid labaddaba waad ogaydeen, khilaafka xisbiguna maaha mid cusub ee waa mid la bilaabantay markii ay dib u soo baxday New Ucid, sida lala wada socday waxaanu UCID ku soo saarnay tacab badan iyo taageerayaashayaddii oo aad u taageeray, waxaan wakhti badan galiyey in aan maareeyo khilaafka xisbiga, haseyeeshee dagaalo badan oo ku socday xisbiga UCID ayay iyaguna qayb ka ahaadeen, waxa maalin walba la jarayey xubin muhiim ah iyo halbawlayaashii xisbiga, dabayaqaddii Octobar waxa bilaabmay dagaal laba weji leh oo mid loo adeegsanayey Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe iyo dagaal loogu tallogalay in la burburiyo,waxaan in badan isku dayey inaan xaliyo khilaafka ka jira xisbiga si aanu xisbigu u burburin, waxaaanay taariikhda xumi ku qormaysa Faysal Cali Waraabe oo noqday dadka loo adeegsanayo burburka xisbiga, Faysal laba jeer buu ku tartamay oo uu ku guuldaraystay doorashaddii, waxaana anagu heshiis la galnay in aanu abuurno UCID cusub, waxaanay ahayd inuu heshiiskaasi fuliyo oo uu daacad ku shaqeeyo, wuxuuse door biday taariikh madow iyo khiyaamo, waxanu xisbiga UCID noqonayaa kii labaad ee burbura inta ay taladda haysay xukuumadan Kulmiye”

Mataan oo go’aankiisa shaacinaya waxa uu yidhi “Hadaba qof ahaan waxaan ku qancay in wakhti intaa ka badan aanan ku lumin karin shacabkii ku qanacsanaa hogaankayga iyo taageerayaashaydii, waxaanan go’aansaday inaan gabi ahaanba kala baxo musharaxnimadii iyo xubinimaddii xisbiga, siyaasadana waxaan usoo gallay inaan dalka iyo dadkaba ugu shaqeeyo, intaasina ku niyad jabi maayo ee waan wadi doonaa waanan ku shaqayn doonnaa”

Jawaabta Guddoomiye Faysal

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eg Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay eedaynta loo jeediyay, waxaana uu ku dooday in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u waramay Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka tirsan Idaacadda VOA ayaa sheegay inaanu xisbiga UCID taageero iyo dadaal midna siinin. “Xisbiga waa la is qiimaynayaa, waa la is dultaagayaa hawshaasi ayaa la galayaa, waxa uu ka baqay uun in la xisaabin doono hawshii sidii la doonayay inaanu u shaqaynin oo aanu xisbiga taageero, dhaqaale iyo dadaal midna aanu siin”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu beeniyay inuu khilaaf soo kala dhexgalay isga iyo murrashaxan is casilay, balse uu ka cararayo qiimayn lagu samaynayo masuuliyiinta xisbiga dhexdiisa.Guddoomiye Faysal waxa uu iska difaacay eedaha murrashax Cabdirashiid ee ahaa inuu xisbiga baabiinayo. “Arintaasi waxba kama jiraan inuu khilaaf jiro wuxuu ka cararay uun waa la is qiimaynayaa, arintii way is bedeshay, wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto, aniga ayaa la’i qiimaynayaa inaan sii waddi karo iyo in la I bedeli karo, maaha FACEBOOK-ga iyo CHATTING-ka laguma noqdo siyaasi, aniga iyo Jamaal ismaanu khilaafin, ma odhan murrashax maaha, marka doorasho laga hadlayo waa in loo eegaa waar yana Somaliland iibin karaya,waar yaa dadka isku waddi karaya,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Murrshixii Madaxwaynaha oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay noo suurtagelin in aanu hellaa.

,

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.