WorldRemitAds
Garoowe, Soomaaliya, February 12, 2016 (Saxafi) – Shir u dhexeeyey maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday ka dib markii maamulkaasi lagu qancin kari waayey in doorashadda sanadkan la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo lagu galo nidaamkii hore ee afar iyo badhka.

Ergayga Qaramadda midoobay ee Sooamaliya, Michael Keating oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa soo Gunaanaday Kulamadii uu la lahaa Siyaasiyiinta, Golaha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah, madaxda iyo weliba xildhibaanada baarlamaanka Puntland, iyadoo kulammadaasi aanay kasoo bixin wax natiijo ah. Madaxweyanaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Wafdigii uu Hoggaaminayay ergayga Qaramadda midoobay ee Somalia sii Sagootiyay, isagoo sheegay in Beesha Caalamka uu u sheegay Mowqifka doorashooyinka la filayo inay Sanadkaan 2016-ka dalka ka dhacaan.
Sidoo kale, Cabdiweli Gaas ayaa xusay in aanay jirin wax heshiis oo la gaadhay, balse ay isku af-garteen Beesha Caalamka inay dib isugu laabtan, madaxda Puntland iyo shacabkooda si ay arrintan uga wada-hadlaan.
“Wax heshiis ah oo la gaadhay ma jirto, balse waxaanu Beesha caalamka isku af-garannay in dib la isugu laabto. Annaga Puntland ahaana aanu sii wadno wada-xaajoodka iyo in Beesha caalamka aanu dib isugu soo laabano, aanan kawada shaqeyno sidii Somalia loo horumarin lahaa, waxaana rajeynayaa inaan isku soo laabano, meesha hadda aanu joognana aan horay uga sii socono, ” ayuu yidhi madaxweyne Gaas.
Danjire Michael Keating ayaa isagana dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Puntland si weyn loogu soo dhaweeyay, ayna dhageysteen aragtida ay ka qabaan nooca doorasho ee la isla qaatay, wuxuuna intaas ku daray in wadatashi kaddib dib la isku soo laaban-doono.
Ergayga oo Wafdigiisa ay ka mid ahaayeen; Safiirrada Maraykanka, Midowga Yurub, UK, Talyaaniga, Sweden, IGAD Uganda, iyo Itoobiya ayaa waxay Garoowe ka duuleen, iyagoo aan ku faraxsanayn diidmada Puntland ee ku aaddan nooca doorasho ee 4. 5-ka.
Ugu dambeyn, Waxaa laga dhur-sugayaa go’aanka kasoo baxay shirarka Beesha Caalamka iyo Dowladda Somalia ay Muqdisho ku yeelan doonan todobaadkan iyo wada-xaajoodyada Puntland dhexdeeda ka furmaya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.