WorldRemitAds

Ninka ugu hantida badan qaarada dunida ugu dadka badan ee Eeshiya Li Ka-Shing ayaa sheegay in shahaado jaamacadeed aanay ku xidhnayn hodantinimada iyo in qofku ganacsi wayn sameeyo.

Li Ka – Shing ayaa mar dhawaan waraysi dheer oo ku saabsan sida uu hantidan aadka u tirada badan ku helay, una abuuray ganacsigan balaadhan ee u horseeday inuu noqdo qofka ugu hantida badan qaarada Eeshiya, kaga waramay xaalado qal qalafsan oo uu yaraantiisi soo maray yaraantiisi.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Ninkan oo lagu tilmaamo maskaxda ka danbaysay horumarka maalgashiga dalka Shiinaha ayaa isagu ahaa qofkii ugu horeeyay ee maalgashi ku sameeya, suuqa saamiyada Shiinaha (China  Stock Exchange), waxa kale oo uu Shing ahaa ganacsadihii ugu horeeyay ee suuqa saamiyada Hong Kong hantidiisa lagu daro.

Li Ka – Shing waxa uu sanadkii 1928 kii ku dhashay degaanka Chaozhou, ee dalka China, halkaas oo uu ilaa uu ka qaan gaadhayay ku noolaa, inta badan noloshiisu may ahayn mid wanaagsan oo waxa uu ka dhashay qoys danyar ah.

Aabihii ayaa dhintay isaga oo fasalka todobaad ee dugsiga aan dhamaysan, waxaanu isagoo aan shan iyo toban jir da’diisu gaadhin, xamaalnimo kaga shaqo galay, warshad caaga farsamaysa oo ku taala gobolkooda, halkaas oo uu muddo ka xamaalanayay.

Sanadkii hore ee 2014 kii ayuu noqday qofka ugu hantida badan qaarada Eeshiya ka dib markii hantidiisu gaadhay, shan iyo sodon bilyan oo dollar, waxaanu xiligan maareeye ka yahay, sadexda shirkadood ee  Cheung Kong Holdings, Hutchison Whampoa iyo Li Ka Shing Foundation.

Li Ka – Shing ayaa dhalinyarada jaamacadaha dalkiisa oo uu guubaabo siinayay uga waramay, nolol adag oo uu ku soo barbaaray, waxaanu ku booriyay in ay dalkooda aaminaan oo shaqo kasta ka hawl galaan, si ay noloshooda horumar ugu sameeyaan.

Ninkan ayaa dhalinyarada Shiinaha iyo kuwa Eeshiya ee waddamada reer galbeedka jacaylkoodu ku dhacay, u sheegay in hantidiisa oo dhan uu ka shaqaystay dalkiisa, shahaadad jaamcadeed iyo fariidnimo badana aanu lahayn midna.

Waxaanu yidhi, “Waxaan xamaal ka noqday warshad caaga samaysa, waxbarashadii waan ka hadhay oo maan dhamaysan, shahadad jaamacadeedna ma sito oo mabaan gaadhin, haddana dalkaygaan aaminay oo geed walba waan u fuulay nolosha, ugu danbaytiina guul baan ka keenay idinkana sidaas oo kale ayaa la idiinka baahan yahay. Ayuu yidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.