WorldRemitAds

Shirkad laga leeyahay dalka Japan ayaa ikhtiraacday dhar cusub oo si gaar ah loogu farsameeyay in lagaga gaashaanto, qaniinyada kaneecada, taas oo ka mid ah xasharaadka dhibaatada caafimaad qaniinyadoodu ku keento aadamiga.

Sida lagu soo daabacay shabakada (odditycentral), dharkan sida kaneecada laga gaboodsanayo ama difaaca uga noqonaya qofka ku labista, ayaa ah kuwo sida isku jooga mar la wada xidhanayo jidhka oo dhana wada qarinaya kuwaas oo sida maro kaneecada oo kale shabag ah, aadna miisaankoodu u fudud yahay.

Dharkan difaaca kaneecada qaniinyadeeda loogu talo galay, oo loogu magac daray, (Netsmen Wearable Mosquito Suit), ayaa lagu farsameeyay shaybaadh shirkada farsamaysay leedahay oo lagu magacaabo, Bibi Lab.

SomlegalAds

Sida wararku sheegayaan, dharkan ayaa ka kooban sadex midab oo mid kasta lagu saleeyay, dhaqanka difaaca nafta iyo ilaalinta jiilannaanta jidhka ee qaarada Eeshiya sida wayn looga ciseeyo ee  kung-fu-inspired name. waana sadex midab oo kala ah, Buluug oo loo bixiyay, “Azure Sky Summertime Rain, halka midabka cadaanka ahna loogu magac daray, Inn of the White Tiger, iyo midabka basaliga oo isna magaciisu yahay Heavenly Maiden’s Robe of Feathers”.

Dharkani waa mid miisaan ahaan aad u fudud, jidhka oo dhana wada qarinaya, sida la sheegay qiimaha halka isku joog ee qofku xidhanayo ayaa ah, 6,600 yen oo u dhiganta (US$53), waxaanu qofku isagoo ku labisan la geli karaa, suuliga (Musqusha), oo wuxuu leeyahay siibado marka qofku xaajo gudanayo uu iska furayo.

In kasta oo Japan ay ka mid tahay waddamada horumaray ee dunida, halista kaneecada iyo cudurka ay dhaliso ee Duumaduna aad ugu yar yahay, haddana waxa xiliga xagaaga dalkaas ka dhasha kaneeco badan oo diiqad gelisa dadka, waana sababta ay shirkadan reer Japan u dooratay inay xagaagan suuq geliso dhar laga gaboodsado qaniinyada kaneecada, waxa kale oo ay ku rejo wayn tahay shirkadani in ay Afrikana nooc u gaar ah, oo qiimo jaban u samayso.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.