WorldRemitAds
Dedaalka dacwada ee ay ku kacaan culimada Islaamku waa ka sababay in diinta Islaamku noqoto ta loogu galista badan yahay dunida, inkasta oo ay diinta Islaamku tahay mid xaq ah oo Rasuulkeeni suubanaana inoo balan qaaday in guri kasta sida falaadhaha cad ceedu u galaan ay u geli doonto, haddana dedaal badan oo ay sameeyaan dadka daaciyiinta ah ee Muslimiintu waxa uu horseed u noqdaa in malaayiin qof oo halowsanaa ay ku soo dhacaan jidka Alle ee xaqa ah.

Haddaba waxa galinkii danbe ee jimcihii aynu soo dhaafnay dalka Sucuudi Carabiya ka dhacay dhacdo aad u qiimo badan oo ay 180 qof ku muslimeen, ka dib markii uu Muxaadaro Sheekh Daaci ah oo u dhashay dalkaasi u qabtay boqol qof oo ka mid ah jaaliyada reer Filibiin ee ka xoogsada dalka Sucuudiga.
180 Qof oo ku Muslimay SucuudigaSheekhan oo lagu magacaabo Rajami Cajami waxa uu muxaadaradaas si wayn ugu bayaamiyay fariinta dhabbta ah ee ay xambaarsan tahay diinta Islaamku waxaanu dhinacyo badan ka tusay hanuunka iyo Risaaladii Nabigeeni Maxamed (NNKHA) uu dunidan soo gaadhsiiyay taas oo sida muuqata aad u taabatay dareenka dadkii ku sugnaa goobtaas oo intooda badani aan wax diin ahba aaminsanayn ama diimo aan Alle rumaysnayn haystay.
Sida wargeyska Al Bayan uu ku waramay dacwada xafiiska fidinta diinta Islaamka iyo wacyi galinta jaaliyadaha dunidu waxa ay sababtay in dadkii wacyi galintaa loo qabtay boqolkiiba sideed iyo toban ka mid ahi muslimaan halkaasna shahaadada loogu qabto.
Wallow aan la odhan karin dhamaan dadkani waxa ay ku muslimeen uun muxaadaradaas laakiin waxa jiray dedaalo badan iyo kutubo hore loogu qaybiyay, waxa kale oo jiray daaciyiin laftoodu ka soo jeeda dalkaas oo wacyi galin iyo dacwad kula dhex jiray muddooyinkii u danbeeyay.
Diinta Islaamka ayaa ah diinta loogu qaadashada badan yahay dunida waxaana warbixino si sir ah ay u diyaariyeen reer Galbeedku muujinayaan in kontonka sanadood ee soo socda dadka ugu tirada badan dunidu noqon doonaan Islaam, iyaga oo walaac ka muujiyay dadyowga asal ahaantoodi kiristaanka ahaan jiray ee reer galbeedka dhaladka ah ee diinta qaadanaya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.