WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 27, 2012 (Saxafi)- Labaddii maalmood ee ugu dambeeyay waxa Imtixaanka qiimeynta ah u fadhiistay 420 shaqaale dawladeed ah, kuwaas  oo ka  kala hawlgalayey 14 hay’adood oo dawli ah.

Guddoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi ayaa sheegay in aan qiil loo hayn, isla markaana aan tobabar loo fureyn shaqaalaha ka dhaca imtixaanka, oo uu qofka dhaca uu sidaas ku shaqo waayayo.

Shaqaalahan oo sanado badan ka shaqaynayey hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa rajo beel ka dhigaysa, iyaddoo ay muujiyeen walaac xoog leh arrintan.

SomlegalAds

Imtixaankan loogu talogalay in lagu qiimeeyo shaqaalaha ayaa markii hore, lagu sheegay in ciddii ku so bixi wayda imtixaankaasi uu helayo jaanis wax loogu dhigo isla markaana tobabar lagu siiyo, isaiyadoo dhawr jeer xukuumadda KULMIYE ku dhawaaqday in aan suuqa lagu siideynin, isal markaana aqoontoodda kor loo qaadayo.

In ka badan laba boqol oo ka tirsan shaqaalaha dawladda ayaa shalay u fadhiistay imtaxaankii qiimaynta ahaa ee ay hay’ada shaqaalaha dawladu qaado.

Shaqaalahan shalay Imtaxaanka u fadhiisatay ayaa isugu jiray Darawalada Gaadiidka, Nadiifisooyinka iyo hawl-wadeeno kale, halka doraad laga qaaday 190 shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dawladda ah.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha oo cadaynayey in la bedelay siyaasadii hore ee ahayd in ciddii imtixaankaasi qiimeynta ah wayda aqoontoodda kor loo qaadayo, ayaa waxaa uu yidhi.“Siyaasadii waxbaa laga bedelay ninka maanta imtixaanka waaya waa nin ka baxaya khadka wax kale oo loo hayaa ma jirto, cid wallow ku dadaal inaad imtixaankaasi ku guuleysato, ku talo gal qiil aanu u haynaa ma jirto” ayuu ku wargeliyey shaqaalaha.

Xukuumaddan cusub ayaa shaqaale faro badan qoratay, iyadoo  aan si cad oo ay dadku u siman yihiin loo soo bandhigin boosaskaasi ay shaqaalaha cusubi galeen, haseyeeshee hay’ado badan oo dawli ahi shaqaale cusub qortaan, waxaanay u muuqataa in shaqaalahan loo dardaar warinayo lagu bedeli doono boosaska ay baneeyaan, maadaaama oo ay isku bateen shaqaaluhu.

Ilaa hadda si cad xukuumaddu uma cadayn cidda lagu bedeli doono boosaska baneeyaan shaqaalaha waaya Qiimeynta in shaqaale cusub la qoranayo iyo in la iska daynayo.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.