WorldRemitAds

Qaar ka mid ah khubarada cilmiga sayniska ee dalka Maraykanka ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay, baytariyada telefoonada Gacanta ee Mobil-ka oo ku shaqaynaya ama ku buuxsamaya uumiga jidhka qofka sita, kaas oo uu si fudud ugu buuxsamayo, lagagan raysan karo isticmaalka korontada iyo baadi goobkeeda mar kasta loo baahnaa.

Warbixin ku saabsan tijaabo ay culimada saynisku sameeyeen iyo baadhitaanada ay goobayaan qaabkan cusub ee lagu buuxsan karo, baytariyada telefoonada gacanta oo khamiistii todobaadkii hore lagu daabacay Majalada Times ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa intaa ku daray in khubaradaasi ku hawshoon yihiin wakhti xaadirkan sidii tijaabadaas looga midho dhalin lahaa.

Majalada ayaa sidoo kale ka warantay nooca iyo qaabka cusub ee culimadani adeegsanayaan, kaas oo ah, habka loogu yeedho, “Electro-thermal” kaas oo sida ay xustay qiimihiisu aad u sareeyo oo suura gal ay tahay in halkiisa kilo watch ku kaco kun dollar, hasa yeeshee khabiiradani ku hawlan yihiin sidii ay qaab jaban oo faa’iido badan uga samayn lahaayeen.

SomlegalAds

Xubno ka mid ah kooxdaa khabiirada ah ee wada tijaabadan ayaa jariirada u sheegay, in ay wadaan hab cusub oo la tartami kara suuqana ka saari kara, baytariyada caadiga ah ee korontada ku shaqeeya, waxaanay khabiiradaasi tilmaameen in ay ilaa wali ku guulaysteen samaynta nooc cusub oo dhar ah oo qofku xidhanayo isla markaana muddo saacad ah ka dib uu kulka ama uumiga jidhka kulkii uu ka urursaday uu ku buuxsan karo baytarigiisa.

Dhinaca kale khabiiradan ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u farsamayn lahaayeen dharka hoosta laga xidho, sida kalsoomo, garamo iyo jaakeetyo suura gal ay tahay in qofku baytariga mobil-kiisu marka uu ka dhaco uu ku rido, ama dhex dhigo, jeebadiisa ka dibna u buuxsamaya oo dabkiisu noqonayo sida marka korontada lagu buuxiyo oo kale.

Talaabadan ayaa majaladu ku tilmaantay mid guul ah oo wax badan ka taraya dhibaatada dadka isticmaala telefoonada gacanta ka haysatay, dabaynta iyo buuxinta baytariyadooda gaar ahaan marka uu kaga dhaco meel aan koronto jirin, hasa yeeshee waxa jira dad warwer ka muujinaya oo ka cabsi qaba, in uu qalabka iyo farsamadan cusubi wax yeelo u gaysan karto jidhka aadamiga, taas oo khabiirada laftoodu qireen in lagu hawlan yahay sidii wixii dhib ka iman karta meesha looga saari lahaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.