WorldRemitAds

Baligubadle,Somaliland, Febuary 27, 2012, (Saxafi) – Dhul ku yaala degmadda Baligubadle ayaa shalay buuq ka abuurmay ka dib markii dawladda hoose ee magaaladda Baligubadle ama golaha deegaanka xubno ka mid ahi ay tageen.

Sida uu ku waramay wariyaha Saxafi ee Gobolka Hawd, dad cadhaysan ayaa ka hortagay talaabo dawladda hoose ku qorsheynaysay dhulkan oo aanay weli gaadhin magaaladdu, taasoo dadka lihi aad uga cadhoodeen, wariyaha Saxafi waxaa uu sheegay in dadka deegaankaasi u arkaan golaha deegaanka kuwo iskood ugu tagri-fala dhulka Danta guud oo hanti urursi ku jira halkii ay ummada wax ugu qaban lahaayeen. Warku waxaa uu intaas ku daray in had iyo jeer buuqa ka dhasha arrimaha dhulku uu keeno khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xubnaha Golaha deegaanka oo aan la xidhiidhnay ayaan faahfaahin ka bixin buuqan shalay ka abuuray dhulkan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.