WorldRemitAds

Imaarada Dubai ayaa tartanka caalamiga ah ee Guinness World Record Book-ga ku gashay talaabo aan wali mid la mid ah nooceeda hore loo qaadin, taas oo ay ku soo bandhigeen, kitaabka ugu wayn xajmi iyo baladh ahaan ee ka waramay shakhsiyadii Nabigeeni Maxamed (NNKHA), kaas oo todobaadkan lagu soo bandhigay magaaladaas.

Dr. Maxamed Saciid Cawlaqi oo ah ninka firkaradani maskaxdiisa ka soo maaxatay, oo warbaahinta kula hadlay goobtii bandhiga kitaabkan lagu qabtay ayaa sheegay in fikradani ku dhalatay,wakhti hadda laga joogo laba sanadood, xiligaas oo ay meelo ka mid ah dunida ka dhaceen, aflagaadayn iyo cadaawad ka dhan ah diinta Islaamka iyo Nabigeeni Suubanaa Maxamed (NNKHA)

Haddaba si sawirka dhabta ah iyo shakhsiyada Nabi Maxamed looga dhaadhiciyo dad badan oo aan aqoon u lahayn waxa uu Digtoorku sheegay in ay go’aansadeen sidii qaab warbaahinta caalamka oo dhan gasha loogu soo bandhigi lahaa, taasna u gartay ama ay u soo baxday in fikirkan la qaato.

SomlegalAds

“Reer Galbeedka qaar ka mid ahi, waxa ay dhawaanahan ku kacayeen in ay sawir xun iyo wax aan u qalmin Rasuulkeeni ka baahiyaan oo warbaahintooda mariyaan, haddaba si sawirkaas foosha xun looga saaro meesha, waxaanu isku keenay culimada waaweyn ee Islaamka waxaanay soo ururiyeen akhlaaqdii iyo wanaagii Nabigeena (NNKHA), ka dibna si fudud oo qaabka ay wax u fahmi karaan ah ayaanu ugu gudbinaynaa, anagoo adeegsanayna warbaahinta.” Sidaa waxa yidhi Dr. Cawlaqi

Daabacadaa kitaabkan ayaa socotay laba sanadood, waxaana sida digtoorku sheegay markii hore, caqabadi ka qabsatay sidii loo heli lahaa makiinad ama madbacad daabacda, waayo? Dhamaan madbacadaha jiraa awood uma laha in ay daabici karaan, kitaab xajmi iyo balaadh ahaan qiyaastiisukanoo kale leeg tahay.

Digtoorku waxa uu tilmaamay in ugu danbayntii madbacad u gaar ah kitaabkan loogu sameeyay dalka Jarmalka, taas oo dhamaytirtay, waxaanu kitaabkani ka kooban yahay 430-bog oo mid walba qiyaastiisu dhan tahay afar mitir iyo 25cm, oo aan isku dhagsanayn.

Kitaabkan ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay maalintii shalay saacadu markii ay ahayd sideedi subaxnimo, waxaana taageerada dhaqaalaha ku baxay lahaa ku xigeenka Xaakimka Imaarada Dubai, Sheekh Xamdaan Bin Raashid Aalla Maktuub.

Kitaabkan ayaa loo sameeyay bog gaar ah oo uu ku yeelanayo, barkulanka Facebook, halkaas oo ay iska diiwaan galin karaan, shan milyan  iyo sadex boqol oo kun oo qof, waxa kale oo boqol nuqul oo ka mid ah la siiyay boqol qof oo taageero ka gaystay ama qoraalkiisa suura galiyay.

In ka badan laba boqol oo waddan ayaa lagu wadaa in kitaabkan loo dhoofiyo oo lagu soo bandhigo, waxaana loo sameeyay ama loo farsameeyay qaab lagu daalacan karo, waxa kale oo laga duubay cajalado CD ah oo laga dheehan karo, waxaanu noqonayaa kitaabkii ugu waynaa ee lagu soo bandhigo shakhsiyadii Rasuulkeeni Maxamed (Nabad galyo iyo naxiriisi korkiisa ha ahaatee), kaas oo qayb ka noqonaya gargaarka iyo u hiilinta Khayru Khalqi Laahiga.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.