WorldRemitAds

Buuhoodle, Somaliland, March, 10, 2012(Saxafi) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mida madaxda dhaqanka ee deegaanka Gobolka Sool Iyo Buuhoodle ayaa jawaab ka bixiyay baaq ay SalaadiintaSomalilanddhawaan kaga dalbadeen in ay ka shaqeeyaan siddii nabad lagu gaadhi lahaa.

Garaadku, waxa uu sheegay  in  wada xaajoodka loo soo jeediyay ay shuruud ugu dhigayaan in marka hore ciidamada Somaliland laga saaro deegaanada ay beeshiisu degto  ee gobolada Sool, Sanaag iyo Buhoodle, laakiin waxa uu sheegay in aanay ka soo horjeedin nabada ka islaaxda  dhulkaas iyo in si wanaagsan oo aan dhib lahayn loo wadda noolaado. “Anagu Dhulbahante ahaan nabad diyaar ayaanu nahay, hase yeeshee Somaliland ciidankeeda  ha kala baxdo dhulkayaga, Sallaadiinta baaqooda waxa ka horeeya ciidamada oo la saaro, markaasaa la is arki karaa afartii sanno ee ay  deegaankayaga joogeen dhibaato yay wadeen, haddana  waxa ay leeyihiin nabad baanu wadnaa,Somaliland  xumaan uma hayno” ayuu yidhi Garaad Jamaac Ismaaciil.

Garaadkan ayaa waxaa uu daba-joogay Toban Suldaan oo ka mid ah salaadiintaSomalilandoo  Garaadadda beelaha deegaanka Sool iyo Buuhoodle Lixdii bishan magaaladda Hargeysa uga diray baaq nabadeed oo ay kaga codsadeen inay aqbalaan gogosha nabadeed.

SomlegalAds

Waxa kale oo uu Garaadkan amaanay soo dhaweyn uu Madaxwenye Shariifka Soomaaliya u fidiyay kooxdaKhaatumoStateoo dhawaan lagaga dhawaaqay magaaladda Taleex ee Gobolka Sool. Taasoo keentay dagaallo dhex maray ciidamadaSomalilandee aaga Buuhoodle iyo maleeshiyaad taabacsan.

Hadalka garaadkan waxaa ka horeeyay war uu hore u soo saaray siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo uu sidoo kale shuruud tan la mid ah ku xidhay baaq Madaxweynaha Somaliland jeediyay oo la xidhiidhay gogol nabadeed oo uu u fidiyay dadka tabashooyinka qaba ee reer Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.