WorldRemitAds

“Markaan kuu ololaynayay waxaan aaminsanaa waa Oday halgamay oo aan cida dadkan kala jecleyn…”

“Dadkaasi danyarta ah sidda loogu tacadiyey ee ay arxdan daradu ka muuqatay iyo qorshe la’aantu, waxay saameysay kumaan kun qof…”

Madaxweyne maalintii aad ka soo degtay, waxaan filayey in aad tagto goobaha ay ku dhacday Atomic Bomku (Hubka Wax Gumaada)…”

SomlegalAds

Hargeysa, Somaliland, March 12, 2012, (Saxafi) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo waqtigan hogaamiya urur siyaasadeedka UMMADA ayaa si kulul u dhaleeceeyay habdhaqanka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Dr; Gaboose oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweynuhu indhaha ka qarsaday xaalada qalafsan ee  ay ku sugan yihiin  dadka muwaadiniinta ah ee codkooda siiyay, gaar ahaan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay hawlgalka ay dawlada hoose  ku sifaynaysay wadooyinka mara badhtamaha Magaalada Hargeysa. “Waxaan ogsoonayahay in caasimadu ay tahay indhihii qaranka inay qurxoonaatana waa waajib saraan Umadaa iska leh qaranka oo ay ka turjunayso aragtidooda, hasa yeeshee dadkaasi danyarta ah ee la raray sidda loo fuliyay ee loogu tacadiyey ee ay arxdan daradu ka muuqatay iyo qorshe la’aantu, waxay saameysay kumaan kun qof oo kale kuwaas oo maanta quutal daruurigoodii meel ay ku og yihiin aanay jirin, dadkaas  oo ahaa bulsho is xanbaaraysay ahna kuwa ugu jilicda san bulshada Somaliland iyada oo qaar ka mid ah meelaha ay ku ganacsanayeen ee hareeraha wadooyinka ay u adkaysanayeen boodhka , qiiqa baabuurta iyo milicda taas oo aan qofna u adkaysteen kana raadiyeen quutal daruuri haddii uu ka helayo dalkiisa meel ka wanaagsan, waxa dulsaarnaa dadka kale oo qaar xamaaliin ahaayeen,qaar ilaalinayeen alaabta,qaar isku gudbinayeen alaabta,waxaana halkaa ku dumay bulsho aad iyo aad u laxaad badan, waxaan ku tilmaami karaa mid ka mida masiibooyinka Qaranka oo taariikhdu qori doonto ficilka lagula kacay umada Somaliland.”

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Waxaan Madaxweynaha xasuusinayaa in isaga oo doonaya in la hagaajiyo bilicda Magaalada uu magacaabay Gudida bilicda oo aan  anigu Gudoomiye u ahaa, gudidaasi waxay soo saartay warbixin laga hadlayey boqolaalka xadhka ah ee Magaalada dhex mara ee Laydhka iyo Telefoonada sida ee wadooyinkii xabinay gaawaadhidan ciidii ka badatay ee aan nidaan iyo maamul midna toona lahayn qashinka iyo nadaafad daradan magaalada haysata, markii aanu arintaasi soo saaranay, cida laga rabay inay fuliso waxa ahayd Wasaarada arimaha Gudaha, markaad tahay Masuul doonaya inuu hagaajiyo danta Ummada waa in uu kala tashadaa cida ay khusayso, aniga oo taas raacaya waxaan isugu yeedhay Gudidii Bacadlayaasha oo aan isugu yeedhay Wasarada waxaan gaadh-siiyey in ay Caasimadu u baahan tahay in caasimadaha aduunka ay la tartanto, waxaan ka qayb galiyay taladii waxaan ka cosaday inay nagala shaqeeyaan arintaasi, dadkaasi markay soo tashadeen waxay la yimadeen inay iyagu iskood wadooyinkaas uga guurayaan iyaga oo aan cidna gaadiid iyo wax kale ka doonayn, waxaanay naga codsadeen in dhulka iyo geerashyadaa maalaayiinka ka batay meel loo qoonyeeyo, ama meel loo iibiyo, meeshaaas loo qoondeeyayna inay dib u bixiyaan lagactii ku baxday arrintaa Madaxweynaha ayaan ula tagay nasiib darada dhacdayna waxa weeye inaan ku guulaysan waayay, arintaasna anigu waxaan u arkyey inay dadkaasi gar u lahaayeen dhulkaasna waa la heli karayey.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ururka UMADA.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waa uu sii wadday hadalkiisa arrintan la xidhiidha waxaana uu yidhi. “Hadalkaygani waa daba qabasho Madaxweyne iga rumayso maalintii aad ka soo degtay Madaarka Hargeysa ee aad ka soo noqotay shirkii London ee ummadoo dhami Guusha ku tilmaantay, waxaan filayey in aad tagto goobaha ay ku dhacday Atomic Bomku ( Hubka Wax Gumaada) inaad soo daawatid oo aad dadkaagii soo eegtid hadaanad soo eegi karayna inaad soo bandhig tid mawqifkaaga aad ka aamisan tahay, ilaa hadeerna waad aamusantahay Madaxweyne, dadkaagiina gidaarada ayay yaalaan, waxaan kugula talin lahaa Qaranka aynu wada jecel nahay ee qof gaar ka hayn, markaan ololaynayey ee aan kuu ololaynayay ee aan si daacada kuugu ololanayey mid qudha ayaan aamisanaa waxaan aaminsanaa waa Oday halgamay oo aan cida dadkan kala jecleyn, waa oday waayo arag ah oo aan deg-deg maamulkiisu noqonayn, waa oday Cimrigiisa jecel inuu shantaas shano taariikh wanaagsan kaga tago, waxaan kuu hubaa inay bar madow kugu tahay cid kastoo kula talisabta arintaasi maanta Hargeysa ka socotaa.”

Gudoomiyaha ururka Ummada ayaa sidoo kale ka hadalay khilaafka Golaha Deegaanka ee Gabiley waxana uu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay jirin wax digreeto ah oo Golaha Deegaanka Gabliye lagaga xaniby inay shir galaan, haddaanay jirin mid uu maamulka iga dambeeyay soo saaray, arrintaasi iygaa ka jawaabaya.” ayuu yidhi Md. Gaboose.

1 COMMENT

  1. waxa layaab noqotay sidii dr gaboose loo rumaysan lahaa hadaladiisa waayo imika waxa uu ku dhaliilayaa xukuumada dadkii ay ka kicisay laamiyada iyo wadooyinka halbawlaha u ah hargaysa markii uu wasiirka ahaana waxa uu lahaa dadkii guryaha laga gubay iyaga yaa is gubay waxaan la hubin gaboose in uu sii hayn doono gudoomiya nimada ururkiisa waayo waa nin gad gadis badan oo marba waji cusub la soo baxa waxaan leeyahay dawaynaha soomaaliland yaan lagu hungoobin ninkan waayo lama hubo bari waxa uu lasoobixi doono

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.