Dareenka Dadweynaha Iyo Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta La Eryay Ku Qaabileen Isku-Shaandhaynta Xukuumadda Axmed Siillaanyo

0
13
Safka sare: Wasiirada la magacaabay. Safka hoose wasiirada xilka laga qaaday
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, March 15, 2012 (Saxafi) – Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa subaxnimadii hore ee shalay mar keliya isla oogsaday, kadib markii ay maqleen isku-shaandhayn lagu sameeyay qaar ka mid ah wasiirada iyo madaxda hay’adaha dawladda Somaliland, kuwaas oo af iyo isgaadhsiinta telefoonka isweydaarsaday si qof waliba u hubiyo cidda ay saamaysay isku-shaandhayntani, waxaana wax yar kadib suuqyada magaalada Hargeysa lagu arkay waraaqo lagu kala sawiranayo, kuwaas oo ahaa war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo ku saabsanaa isku-shaandhaynta golaha dawladda Axmed Siillaanyo.

Inkastoo mar kasta oo ay isku-shaandhayni soo baxdo sidan oo kale laysula oogsado, haddana waxay tani ahayd mid dhawaanahanba la hadalhayey, wallow dadweynuhu filayeen inay isku-shaandhayntani noqoto mid ballaadhan oo saameysa inta badan golaha wasiirada iyo madaxda hay’adaha dawladdaba, oo intooda badan saluug weyni ka jiro.

Dadweynaha caasimadda ku dhaqan ayaa inta badan waxay aad isu weydiinayeen xubno ka mid ah wasiirada ay isku-shaandhayntu taabatay ee xilalkoodii laga qaaday, kuwaas oo ay ugu miisaan cuslaayeen wasiirkii Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Wasiirkii Hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aare.

PropellerAds

Dadka qaarkood ayaa xil-ka-qaadista Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ku noqotay amakaag, iyagoo ku doodaya inuu ahaa wasiirka  waxqabadkiisu ahaa ka keliya ee ay xukuumadda Axmed Siillaanyo ku faani jirtay, isla markaana ka mid ahayd wasaaradiisu goobaha isbedelku ka muuqday, iyadoo muddadii uu xilka hayey labadii miisaanadood ee uu soo bandhigayba ahaayeen kuwo si aad ah uga badan miisaaniyadihii sannadihii ka horeeyay, taas oo sannadkii ugu horeeyayba 100% uu kordhiyay mushaharka shaqaalaha dawladda.

Sidaas oo ay tahay masuulka lagu bedelay oo ah guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee golaha Wakiiladda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ah qudhiisu siyaasi miisaan culus leh oo haysta taageerayaal badan ilaa bilowgiina Xisbiga Kulmiye ku wehelinayay Axmed Siilaanyo, Islamarkaana dadka qaar u arkaan inuu noqon doono nin ilaalin doona hantida qaranka oo aan ogoleyn inay ku baxdo sife ka baxsan sifihii sharciga ahaa ee wasiirkii hore amaanta ku mutay.

Wasiirka Maaliyadda ee xilka laga qaaday, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaan isagu ilaa imika ka hadal xil-ka-qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay, isla markaana maalintii shalay si caadi ah u watay shaqo-maalmeedkiisii.

Sidoo kale dad badan ayaa ka gows-qabsaday xil ka qaadista wasiirkii Hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aare, kaas oo ay xil-ka-qaadistiisa ku tilmaameen mid lagu degdegay, isla markaana uu ahaa xubin miisaan culus ku lahayd golaha wasiirada Axmed Siilaanyo, waxaanay ku tilmaameen inuu shakhsiyad halgankii xisbiga KULMIYE door muhiim ah ka soo qaatay isla markaana had iyo jeer ka shaqayn jiray isku soo dhawaynta dadka degaanka uu ka soo jeedo iyo xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyihii hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Muxumed Aw Cabdi oo isagana xilka laga qaaday, ayaa mar uu wargeyska Saxafi kula kulmay xarunta hay’adda Shaqaalaha oo uu si caadi ah shaqadiisii uga watay, waxa uu ka gaabsaday inuu wax dareen ah ka bixiyo sida uu u arko xilka laga qaaday, iyadoo sidaas si la mid ahna ay xubno ka mid ah masuuliyiinta xilka laga qaaday ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dareenkooda.

Hase yeeshee wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Axmed Xaashi Oday, ayaa isagu wargeyska Saxafi uga jawaabay su’aalo uu ka weydiiyay xil-ka-qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay, waxaanu ugu horeyn isagoo ka jawaabaya dareenkiisa xilka laga qaaday ku jawaabay oo uu yidhi: “Waa wax caadi oo aan filayey inuu mar uun imanayo, oo sidaan wadka u filanayo ayaan tanna u filanayey, mana jirto wax xumaan ah oo aanu u arkaa, waxaanan qabaa inay tahay uun inay dhammaatay intii illaahay ii qadaray inaan xilkaas hayo. Markii horena waxaan ahaa nin iska shaqaysta, imikana shaqadaydii uun qabsan doonaa.”

Axmed Xaashi Oday oo la weydiiyay sababta isaga ahaan wareegtada loogu xusay inuu xilka degdeg ugu sii wareejiyo wasiirka Qorsheynta, ayaa sheegay inaanu wax war ah ka hayn arrintaas. “Mabbaan arag wareegtada Madaxweynaha ee xilka laygaga qaaday, balse idaacadda ayuun baan ka maqlay.”

Dhinaca kale, magaalooyinka kale ee waa weyn ayaa dareenka laga bixiyay u muuqdaa mid isku dhafan. Tusaale ahaan, Dadweynaha Magaaladda Boorama ayaa Wariyaha Gobolkaas warbixin uu ka diyaariyay sidda ay u arkeen waxaa uu ku bilaabay siddan: “Isku-shaandhayntan ayaa dadka qaarkii moodayeen mid sidaas u baaxad weyn ayaa markii dambe ee ay ogaadeen inaanay ahayn mid aan sidaas u weyneyn, isla markaana looga dan lahaa uun in xilka lagaga qaado wasiir xil shilis ka hayey xukuumadda Axmed Siilaanyo, oo ahaa wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, kaas oo lagu beddelay masuul isaguna xil shilis ka hayey golaha baarlamaanka, oo ah Sh. Cabdulcasiis Samaale. Dhinaca kale isku shaandhayntan ayaa si aad ah looga hadal hayey xubin ka tirsan masuulyiinta reer Awdal oo isna xilkii uu wasaaradda Hawlaha Guud ka hayey laga qaaday, isla markaana lagu bedelay oday reer Awdal ah oo xubin sharafeed ka ahaa Golaha Guurtida.

Markaad u dhabbo gasho isku shaandhayntan muddada dheer la hadal hayey iyo waxa ka soo baxay ayaa dad badani ka biyo diideen markii ay waayeen wax ka badan wasiirada saddexda gobol ee galbeedka Somaliland ee la dhaqdhaqaajiyey, balse aan lagu taaban wasiirada ka soo jeeda bariga Somaliland marka laga reebo gobolka Sool oo Xaabsade wasiirkii saddexaad ku wareejiyey wasaaradda warfaafinta muddo sannad iyo badh ah. Dadka magaalada Boorama, gaar ahaanna qaybaha kala duwan ayaa iyagu quuddaraynayey inay isku shaandhaynta la filayo ka heleyaan xilal loogu ballanqaaday siyaasiyiintooda ku jirta dawladda iyo kuwa bannaanka ka joogaba. Qaar ka mid ah dadweynaha oo aan wax ka weydiiyey arrimahaasi, ayaa qaarkood isku shaandhayntan ku tilmaamay mid magac ah, isla markaana ay filayeen in masuulyiintii ay saluugsanaayeen ee beelahooda kaga jiray golayaasha dawladda loogu beddeli doono kuwa ay dhaliilayeen, halka kuwa kalena sheegeen inay filayeen in loo sed-kordhiyo.

Tusaale ahaan qaar ka mid ah beelaha reer Awdal, ayaa filayey in wasiir ku-xigeenka waxbarashada, Cali Xaamud Jibriil noqon doono wasiir buuxa, taas oo ka dambaysay olole ay qaadeen hogaamiye-dhaqaameedyada beesha wasiir ku-xigeenku bilihii aynu soo dhaafnay isla markaana codkooda ay gaadhsiiyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, hase yeeshee taasi ma noqon mid ay ku guuleystaan.

Dhinaca beelaha uu ka soo jeedo wasiirka Dib-u-dejinta C/risaaq Cali ayaa iyaguna filayey in isku shaandhayn kasta oo laga sameeyo madaxtooyada Somaliland soo celin doonto xilkii taliska ciidamada ammaanka ama Booliska horena uu u hayey Cilmi Rooble Furre, xilkaas oo ay filayeen in haddii janankii hore la waayo loogu beddeli doono sarkaalka keliya ee beeshaasi kaga jira hogaanka ciidankaasi, taas oo iyaduna beenowday.

Waxa kale oo qaybo ka mid ah dadweynuhu ka filayeen isku-shaandhayntan inay galaafan doonto qaar ka mid ah masuuliyiinta qaybo ka mid ah dadweynaha reer Awdal ugu neceb yihiin xukuumadda Axmed Siilaanyo, kuwaas oo uu ka mid yahay wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo ay ku eedeeyaan inuu yahay masuul gobolkan ka qadiyey mashaariicda biyaha ee dalalka reer Yurub ugu deeqeen dalka, iyagoo inta badanna aan isku-shaandhayntaasi ku soo darin wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan iyo wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ay qaybo ka mid ah dadweynaha gobolku aaminsan yihiin inay Madaxweyne ku-xigeenka ka horjoogaan talllaabooyin uu kaga aargoosan lahaa beelihii taageeri jiray madaxweynihii hore, Daahir Rayaale, isla markaana difaaceen carqalad lagu samayn lahaa socdaalkii sannadkii hore hogaamiye-dhaqameed qurbajoog ahi ku yimi gobolada Awdal iyo Selel.

Dhinaca kale dad ayaan weli ka quusan inay isku shaandhayn kale soo socoto, halka kuwa kalena aanay laba socon waxay tari karto iyo waxay kordhin karto isku-shaandhayntani, maadaama xukuumadda Axmed Siilaanyo weli la daalaa-dhacayso maamulkii dalka, amnigiisii iyo dhaqaalihiisii, iyadoo weliba tuhunada siyaasadeed ee la xidhiidha Somalia shaki badan kala geliyeen siyaasiyiinta dalka.

Ugu dambayntiina isku-shaandhayntan ayaa dad kale u arkaan mid la doonayo in lagu galafanayoo siyaasiyiin sharaf ku leh dadweynaha Somaliland, ama goboladiisaba, kuwaas oo xilalka loo magacaabay ka saari doonaan dadweynihii ay ku dhex noolaan jireen, aakhirataankana laga yaabo in lagu fadeexadeeyo maamulkooda, kaddibna la eryo.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)