WorldRemitAds

Barkhad-ladiif M. Cumar

Qaabab ay madaxda dawladda hoose ee magaaladda Hargeysi ula macaamilaan dadweynaha ayeynu si taxane ah uga qoraynay baadhitaan dheer oo aanu ka samaynay, taas oo aynu xusnay masuuliyiinta ugu saraysa ee magaaladda Hargeysa  sida ay dadka u qaabilaan. hadaba maantana  waxaynu ku eegi degmooyinka qaar iyo dadweynaha waxa kala haysta, inagoo marka dambana ku gunaanadi doonna dhibaatadda ay ku hayaan ganacsiga soo koraysa.

SomlegalAds

Hawlgalkan shaqo ee degmooyinka aan ka waday waxaan ku horeeyay degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaaladda Hargeysa oo ah ta ugu balaadhan isla markaana ugu cashuurta badan marka laga reebo degmadda 26 Jun, Waxa laba qol mid fadhiyey dhawr wiil oo ah kuwa cashuurta soo ururiya oo ku sheekaysanayey, qolka kalana waxa fadhyey Gabadh u muuqata madaxda degmadda iyo laba masuul oo rag ah oo markaa la iigu sheegay inay ahaayeen guddoomiyihii degmadda iyo ku xigeenkiisii.

 Waxa xafiiskii soo galay muwaadin ka cabanaya shaqaalaha degmadda oo sheegay inay ugu soo hanjabeen inay meheradda albaabada u laabi doonaan haddii aanu yeelin waxay rabaan, taas oo uu cabasho ahaan ugu yimid muwaadinkani, waxa uu la hadlay haweenayda xafiiska degmadda madaxda ka ahayd, waxaanu muwaadinkaasi meherada haysta ka codsaday laba qodob “Walaal waxaan doonayaa meherad cusub oo dhowaan aan furay ayaa la igu yidhi cashuurtii keen, sanadna ma gaadhin, waxaana la igu soo qoray cashuur badan, mana awooddo marka in wakhti la I siiyo si aan cashuurtaasi oo badan usoo ururiyo”ayuu u sheegay, haseyeeshee, haweenayda xafiiska fadhiday ayaa si hanjabaad ah ugu jawaabtay “Iska soo xidh meherada, hadaanad lacag haysan maxaad u furatay, waxaas ma naqaano ee intaad helayso meherada iska soo xidh ama anagaa kaa soo xidhayna wax kale ma jiro” sidaas adag ayey ugu tidhi wiilkii dhalinyarada ahaa ee cabanayey. “Walaal sidaa ha ila hadline waan idin cabanayaa, waana idin dhaaranayaa kama helo meheradda anigu  lacagtan aad igu soo qorteen ee aan soo daydayo ee wakhti I sii” ayuu mar kale ku celiyey muwaadinkii, waxa hadalka la soo booday nin markaas noo sheegay inuu guddoomiyaha degmada yahay waxaanu yidhi “Waar waxaas iska dhaafoo bixi ama imika ayaanu kaa soo xidhi oo adiga ayaanu ku xidhi haddii aad mar dambe ka hadashid waxaasi, hadal badan iyo cabasho toona ma rabo ee waa bixi haddii kalana meherada ayaa laga soo xidhayaa” ayuu yidhi.

Qaabka ay wax u wadaan markaan arkay madaxda degmadaasi ayaan su’aal waydiiyey guddoomiyaha oo aan idhi ‘Arrintani miyaanay u muuqanayn inaad ganacsatada yar yar burburinaysaan markaad qaabkan ula dhaqmaysaa oo qofkii islahaaa ganacsi yar abuuro aad tidhaahdaan waanu ka soo xidh-xidhaynaa, hanjabaadna ugu dartaa miyeyna ahayn niyad jabin ganacsiga yar yar, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay “Haddii aanu lacag haysan marka hore muxuu meherada ku samaystay, waar ordoo isna soo xidha mehradana ka soo xidha” ayuu igu jawaabay isagoo ugu mano sheeganaya xafiiska uu fadhiyo iyo masuuliyada uu hayo.

Waxa isaguna qaabkaasi anshaxa xun leh ee ay ula dhaqmayaan ka xanaaqay muwaadinkii oo yidhi “ Mar haday sidaa tahay iska soo xidha, iyadoo la iska xidhaa ii dhaanta”ayuu yidhi inta uu iska soo baxay, waxaase hadalka ka xanaaqay ninkii igu yidhi guddoomiyaha degmadda ayaan ahay “Adigaan ku xidhi meherad baad sheegaysaa, waar qabta oo xidha”ayuu yidhi inta uu ka soo daba kacay muwaadinkii oo iska sii socda.

Arrimaha noocan oo kale ahi maaha kuwo cusub waa wax maalin walba ka dhaca degmooyinka kuwaasi oo masuul waliba halka uu joogo ku ciqaabo muwaadinka uu ka awood roon yahay, mararka qaarkoodna aad naxaysid qofkii oo baryootamaya iyo masuulkii oo si arxandaro ah ula dhaqmaya, waxaase aanaad la yaabeen kol haddii madaxdii u saraysay dawladda hoose ee waliba dadku soo doorteen u dhaqmayaan sidii aynu soo aragnay maxaad u malayni shaqaale hoosaadkoodda, hore loo yidhi Awrba awrka hore ayuu socodkiisa leeyahay.

Waxa iyaduna wax lala yaabo ah dunida horumartay waxay ilaaliyaan dhalinyarada abuuraysa ganacsiga yaryar ee soo koraya, balse dawladda hoose ee Hargeysa waxay ula dhaqantaa ganacsiga yar yar qaab burburin u eg oo aanay doonayn inay koraan ganacsigoodu, tusaale ahaan ganacsigii yaryaraa ee suuqa Hoose jiray ee cashuurta ugu badan ay ka helaysay dawladda hoose way burburisay oo kumanaan qoys ayaa soo baxay oo shaqo la’aan guryahoodda iska joogga, qaarkoodna aan dabka loo shidin, iyadoo la heli karayey in loo baneeyo goob ay ku ganacsadaan haddii aan ujeeddo laga lahayn ama ganacsiga yaryar ee danyartu ku noolayd la doonayn in la burburiyo.

Sidoo kale, waxaad arkayaa tacadiyadda ka dhexdheca xafiisyadda dawladda Hoose marka ay u yimaadaan muwaadiniin hawli ka soo gasho ama mid qiimo badan lagu dalacay oo ka cabanaya cashuurta badan ama mid hawlo kale ka soo gashayba.

Dulmiga iyo tacadiyadaasi waxa aynu tusaale usoo qaadan karnaa waxaad arkaysaa, iyadoo ninkii meharada lahaa ku jiro shaqadii oo ay xaasidnimo albaabka ugu laabayaan, iyagoo laga buuxo, iyagoo sugi lahaa wakhti aanay dad u joogin oo ay wada  hadli lahaayeen, waxa maalin walba taagan degmooyinka muwaadiniin shaqo abuur sameeyey oo meherad samaystay oo la leeyahay ama lacagtaasi bixi ama meesha xidh, ayey u dan tahay in la xidho meherada, labadda dhinacba faa’iiddo ayey ugu jirta in la shaqeeyo. Si kastaba wax ha u jiraane Waxa halkaasi kula kulmay dhalinyaro yar yar oo jaamacadaha qaarkood ka qalinjabiyeen oo ku andocoonaya inay ganacsi yar yar abuureen u xidhmay cashuuraha badan ee laga qaadayo, iyadoo xataa aan la sugin wakhti ay ku bixiyaan lacagtaasi. waxaana loo baahan yahay in hay’adda la dagaalka Musuqmaasuqa iyo maamul wanaagu ay baadhitaanno ku samayso mararka qaarkood ay shacab iska dhigaan si loo ogaado dadka sida fiican xafiisyadda ugu adeegaya dadka iyo kuwa qaabka qalafsan ula dhaqmaya dadka, masuuliyadana waxay saaran tahay inay wax ka qabato hay’addaasi si shaqaalaha dawladda loo hagaajin lahaa anshaxa ay dadka ula dhaqmayaan, ganacsiga yaryar ee la bilaabayo la dhiirigaliyo lagalana qabto dhaqaale burburinta ay ku hayso dawladda Hoose.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.