WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 16, 2012 (Saxafi) – Qaar badan oo ka mid ah haweenka gobolka Hargeysa, ayaa si adag u naqdiyey xadhigga iyo xil-ka-xayuubintii lagula kacay badhasaabkii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Dib-u-Dejinta, Axmed Cumar Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, waxaanay Madaxweyne Axmed Siillaanyo ka dalbadeen inuu sharciga horkeeno masuuliyiinta iyo caddaymaha eedda uu u jeediyay ee ah inay lunsadeen raashin mucaawimo ah.

Ugu horeyn shirkaas jaraa’id waxaa ka hadashay Xaliimo Cismaan Raagge oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka Hargeysa ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa: “Waxaanu halkan isugu nimi annagoo ah haweenkii gobolka Hargeysa, inaanu ku cabbirno sidaanu uga xunnahay ragga sabab la’aanta lagu xidhxidhay ee uu ugu horeeyay guddoomiyihii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi. Aad baanu uga xunnahay mujaahidkii xalaasha ahaa oo xaq-darro lagu xidhay. Sharcigan gabay maatidiisa, af-miishaarkana guneeya, sharciga ganaaxay wadhatadiisa, wasiirana goobiyeeyay.   Raashinkan waxaa lagu wadday Somalia oo dhan, waxaan halkan ku hayaa warqad uu qoray Xirsi ninka la yidhaahdo oo uu cashuur-dhaaf ugu samaynayo xoolahan, markii cashuur-dhaafkan la samaynayeyba xeelad baa ku jirtay, waxaa saxeexay Madaxweyne ku-xigeenka. Xoolahaas waxaa qaatay oo la siiyey Axmed Maxamed Geelle. Ninkaas xoolaha qaatay waxa qabtay Axmed Cumar Cabdillaahi, gudoomiyihii gobolka Hargeysa. Haddaba yaa sii daayey tuuggii uu qabtay Badhasaabkii, waxa la doonayaa ninka sii daayey tuugii uu qabtay. Nasiib darro’se waxaa lagu bedelay ninkii qabtay oo ah Badhasaabka. Waar ma ninkii tuugga ahaa ayaa noqday nin xalaal ah, ninkii qabtay ee xalaasha ahaana ee wax qabanayey lagu sheegay tuug. Dadku maanta ma indho la’a oo lama joogo afartankii, kontonkii  iyo lixdankii, ee waxaynu joognaa 2012-kii, wax qarsoomaana ma jiraan. Waa ayaan-darro ninkii shalay Siillaanyo xabbadda iskaga dhigayey ee ololihii wixii la oggaa nagu hayey, in maanta isagoo xalaal ah in isaga tuug laga dhigo, tuugii uu qabtayna laga dhigo nin xalaal ah. Waase wax laysku bartay, waad noo cusboonaydeen, laakiin waanu idin baranay. Waa ayaan-darro in Siillaanyo halkii uu codka ugu badan ka helay oo ah Hargeysa iyo Gabiley inuu iyagii ka bilaabo, oo sidii ciidamadii Maxamed Siyaad Barre in hablahoodii iyo inamadoodii inta guryahoodii ruufka sare looga soo daatay, waxaanay qabin dusha laga saaray maanta u xidhan yihiin oo loo haysto. Cid waliba way ogtahay in hablahayagii iyo inamadayadii reer Gabiley laysku garaacay.

SomlegalAds

Waar ma gobolka Hargeysa wuxuu abaal u helay masabid, ma wuxuu abaal u helay xadhig, waar ma wuxuu abaal u helay fadeexad iyo duca-qabe. Walaahi waanu ka xunnahay oo maaha abaalkayagii. Beesha galbeedka gobolka Hargeysa, anigoo keliya oo Xaliimo ah oo UCID ah ayaa ka baydhay, inta kaleba KULMIYE ayay ahaayeen oo cod kale meel ma marin, laakiin maanta ayaan-darro weyn baa ku dhacday. Waxaan la qaadan karayn, oo aan loo adkaysan karay, oo aanaan geyin baa nagu dhacay, waxaadse ka heshaan baad leedihiin.

Waxaan leeyahay Siillaanyooy, addaa lagu doortay, addaa Madaxweynihii dalka laguu doortaye, maaha inay cid kale dalka nagu maamusho, maaha in naloo adeegsado cid aanaan dooran, inaad samayso wasiirka wasiiradda ceeb bay kugu tahay, annagana waa nagu gef iyo meel-ka-dhac. Siillaanyooy, waa laguu han-weynaa, laakiin waa lagaa hamo-jabay.”

Khadra Cali Dheere oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa Madaxweyne Siillaanyo u soo jeedisay inuu sharciga horkeeno raggii raashinka markii hore leexsaday ee inta la xidhay la sii daayey, waxaanay sheegtay in nasiib-darro ay tahay in dadkii doortay loogu abaalgudo ceeb iyo duco-qabe, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa oo ay Khadra tidhi: “Waa nasiib-darro raggayaga ku dhacday in kii hore aad 45 cisho xilka kaga qaaday, kii ku xigay oo ahaa Maxamed Xaashina isagoo aan xilkiisa ka soo bixi waayin aad mid kale ku dishay, waxase ayaan-darro Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hay’adii ugu sareysay haystay, oo aanu Madaxweyne-nimo ugu halgamaynay inuu ku doorsado xil shan iyo afar cisho kadib la odhanayo duco-qabe.

Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Aamina Ibraahim oo ka mid ah haweenka shirkaas jaraa’id qabtay ee gobolka Hargeysa, waxaanay Madaxweyne Siillaanyo u soo jeedisay in looga fadhiyo eeda iyo ceebaynta lagu eedeeyay Badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee la xidhan. “Madaxweyne, ama wasiir kula galgalo ama reer kula galgalo, waxaa lagaaga fadhiyaa wixii aad ku xidhay, ee aad ku ceebaysay, ee aad xilkii kaga xayuubisay, ee aad sharaftii meel ugaga dhacday,” ayey tidhi Aamina Ibraahim.

Waxa kale oo iyaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay Canab Jaamac Xirsi, Faadumo Garow, Kinsi Bile Cabdillaahi iyo qaar kale oo ka mid ah haween gobolka Hargeysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.