WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, March 16, 2012, (Saxafi) – Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa shalay xabsiga magaaladda Boorama ku ururiyay saraakiil loo haysto arrimo la xidhiidha musuqmaasuq.

Sidda uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee gobolka Awdal Maxamed Cumar kooxo ka tirsan hantidhawrka Guud oo beryahanba ku hawllanaa baadhis la xidhiidha arrimo musuqmaasuq ayaa  amar maxkamadeed xabsiga ugu taxaabay ugu yaraan saddex xubnood oo ka kala tirsan Golaha deegaanka Boorama iyo shaqaalaha dawladda hoose.

Sida warku sheegay waxa shalay gelinkii dambe xabsiga loo taxaabay laba xubnood oo kala  ah Xasan Halas oo ka  tirsan xildhibaanada Golaha deegaanka Boorama iyo farsamayaqaan Maxamed Xasan Cumar Gelde iyo farsamoyaqaan Rashiid Cali Kaahiye oo aan la ogeyn in la qabtay iyo in kale.

SomlegalAds

Inkastoo saddexdan qof ku eedeysanyihiin arrimo kala duwan, hase yeeshee waxa arrimaha musuqmaasuqa loo xidhay Xasan Halas oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka, isagoo lagu soo eedeeyey arrimo ka dhacay kawaanka casriga ah ee magaalada Boorama, halka labada kalena loo haysto inay u xidhanyihiin  Arrimo la xidhiidha muran dhul oo ay sabab u ahaayeen.

Waxa iyaguna hantidhawraha Guud amray in la soo qabto laba xoghaye oo ka horreeyey xoghayaha haatan oo la kala yidhaa Cabdinaasir Maxamuud Qawrax iyo Cabdikariim Aw Cusmaan, khasnajiga dawladda Hoose iyo  farsamoyaqaan  kale  oo ka tirsan dawladda hoose, kuwaasoo qaarkood dalka ka maqanyihiin, kuwa kalena joogaan. Ilaa imika lama oga in la qabtay iyo in kale.

Kooxaha handhawrka ah ee Boorama ku sugan ayaa laga yaabaa in ay baadhsitooda ku sii waddaan laamaha dawladda ee lagu tuhunsanyahay inay ka dhaceen musuqmaasuq iyo wax is daba marin.

Dhinaca kale, Hantidhowarha guud Maxamuud Aw Cabdi ayaa shalay ka war-bixiyey baadhitaan ay xafiis ahaan ka wadeen Gobolka Awdal. Mudane Maxamuud Aw Cabdi waxa uu sheegay in ilaa hadda la ogaaday in xafiisyada dawladda Hoose ee Degmada Boorame ay lugta kula jiraan hawlo musuqmaasuq, isla markaana xafiiska hantidhowrka guud uu si rasmi ah ugu jeediyey eedayn ku saabsan inay adeegsadeen qoraalo been abuur ah oo ay ku lunsanayeen hantida qaranka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.