WorldRemitAds

Djibouti, March 17, 2012, (Saxafi) – Maymuun Muxiyaddiin Maxamed waxay jeclayd inay oroddo isla markaana ku ciyaarto kubadda cagta waddooyinka Muqdisho, balse waxay sheegtay inay u diideen isboortiga xoogagga Al-Shabaab, isla markaasna ay go’aanstay inay u qaxdo dalka Jabbuuti.

“Waxay igu yidhaahdeen haweenka looma oggola inay ciyaaraan isboortiga. Waa inaad joojiso ciyaaraha aadna xidhato xijaabka,” ayay tidhi Maymuum oo ka sheekeynaysay arrintan iyada oo ku sugan xerada qaxoontiga Cali Cadde ee dalka Jabbuuti.

Maymuun waxay sheegtay inay inta badan xidhan tahay dharka xijaabka marka laga reebo marka ay ciyaarayso kubadda cagta ama ay ordayso, iyada oo xustay inay weli aad u jeceshahay isboortiga.

SomlegalAds

Sannadkii la soo dhaafay xoogagga Al-Shabaab waxay fareen Maymuum seygeeda inuu koontaroollo xaaskiisa, laakiin se Cabdi Abuukar oo 23-jir ahi wuxuu ogaa in xaaskiisu ay ka hesho ciyaarta kubbadda cagta, wuxuuna u sheegay inay tahay inay iyada kala hadlaan arrintaas. Waxayna taasi keentay in gurigooda habeen la soo weeraro lana dilo ninkeeda.

“Markii uu saygaygu dhintay. Waxaan lahaa afar bilood oo uur ah,” ayay Maymuun tidhi, iyada oo sheegtay inay dhashay gabadh ka hor intii aanay go’aansan inay ka haajirto Muqdisho. Maymuun waxay sidoo kale xustay inay haysatay 30-dollar markii ay Muqdisho ka soo ambabaxaysay.

Maymuun waxay tagtay xerada Dhadhaab ee dalkaKenya, halkaas oo ay uga sii gudubtay Jabbuuti. “Dhibaato badan ayaan ka mutay gaadhista Dhadhaab,” ayay tidhi. “Laakiin jidka Jabbuuti waa mid nabad ah.”

Markii ay Maymuun gaadhay Jabbuuti ayaa waxay ku aragtay dhallinyaro Soomaali ah oo uga tallaabaya badda cas dalkaYemensi ay u gaadhaan Sucuudiga halkaas oo ay u arkaan inay nolol wanaagsan taallo. “Waxaan ahayn 38-qof markii aan soohdinta Jabbuuti ka soo gudbaynay,” ayay tidhi Maymuum oo sheegtay in 31-qof oo ka mid ah ay markiiba dooni u raaceen dalkaYemen. “Aniga iyo gabadhayda yar ee Faadumo waxaa na caawiyay hay’adaha qaxoontiga Jabbuuti, waana degnay, waayo anigu ma doonayo inaan ku dhinto badda.”

Hadda Maymuun waxay aroortii dhigataa iskuul, gelinka dambe ee maalintana waxay kubadda cagta la ciyaartaa wiilal. Dhawr jeer oo hore ayaa lagu qalqaaliyay inay ka badda cas ka gudubto balse way diidday, waxayna ku adkaysanaysaa inay ku noolaato dalka Jabbuuti.

Waxay sheegtay in aanay doonayn inay ka tagto dookheeda isboortiga, iyada oo intaa ku dartay inay mar walba xusuusan tahay kuwii dilay ninkeeda. “Insha allaah, haddii xitaa aan ku guuleysto billad ama koob ma iibsan doono,” ayay tidhi. “Waxaan ku haysan doonnaa meel ammaan ah, waxaana tusi doonaa gabadhaydu marka ay weynaato.”

Ugu dambeyn, Maymuun waxay sheegtay in mustaqbalkeedu aanu ku xidhnayn colaad, awood, dhaqaale ama ammaan. “Ma doonayo lacag,” ayay tidhi. “Waxaan doonayaa oo keliya inaan helo fursad aan kubadda cagta ku ciyaaro oo keliya.” ayay Maymuun ku sheegtay warbixin ay soo saartay hay’adda

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.