WorldRemitAds

Shuusha, Tuunis, March 20, 2012 (Saxafi)- Inka badan 75 qof oo Tabriibayaal Soomaaliyeed ah, ayaa laga badbaadiyay dooni kula xumaatay badda u dhexeysa Yurub iyo Afrika ee Middetereeniyaanka, waxaana tahriibayaashaasi la geeyey xero qaxooti oo ku taalla dalka Tuuniisiya.

Dadkan Tahriibaayey ee badda Midhetereeniyaanka laga soo badbaadiyey ayaa la geeyey xero Qaxooti oo ay hore ugu jireen 800 oo qof oo Soomali ah Qaxooti ah.

Mid ka mid ah Qaxootigan hore ugu jiray Xeradan lagu dajiyey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay 75 qof yihiin, isla markaana ay doonto kaga xumaatay badweynta Midhetereeniyaanka, isagoo ninkaasi oo magaciisa la yidhaa Cali Diiriye ka waramaya waxa uu yidhi “Abbaare shalay 6:00 waxaa yimid xerada bas sida 75-qof oo Soomaali ah, markii aan weydiinnay sababta loo keenayna waxaa naloo sheegay in dooni ay kula xumaatay badda u dhexeysa Afrika iyo Yurub,”

SomlegalAds

Markab dagaal oo dowladda Tuuniisiya ay leedahay ayaa badda ka badbaadiyay tahriibayaashan, kaasoo u soo qaaday dhinaca dalka Tuuniisiya, waxaana tahriibayaasha qaarkood ay sheegeen in sababta ay safarka u sii wadan waayeen ay tahay doonida oo dalooshantay “Dadkan waxay noo sheegeen in doonida ay ka daleeshantay oo ay biyuhu soo galeen, waxayna sidoo kale sheegeen inay badda ku jireen saddex maalmood ayna ku socdeen Talyaanigana,” ayuu intaas ku daray Cali Diiriye.

Tahriibayaashan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa la rumeysan yahay inay doonida ka raaceen dalka Liibiya, halkaasoo shantii sano ee ugu dambeysay u ahayd Soomaalida marin ay uga gudbaan dalalka Yurub, gaar ahaan dalka Talyaaniga oo xuduud la leh Liibiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.