WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 19, 2012 (Saxafi) – Masuuliyiinta ku eedaysan raashin la leexsaday iyo Cismaan Buur-Madow ayaan ilaa hadda ku xidhan Maxkamad la’aan, iyadoo aan weli la horgeyn Maxkamad.

Xeer-ilaalinta Qaranka ayaan ilaa hadda Maxkamadda gobolka Hargeysa u gudbin gal-dacwadeed iyo xaashidda eedaynta loo haysto Badhasaabkii hore ee Hargeysa, Axmed Cabdillaahi Cumar (Xamarji), Agaasimihii Guud ee dibu-dejinta, Axmed Cumar Barre iyo Lataliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, kuwaas oo in ku dhow laba toddobaad xabsiga weyn ee Hargeysa ku jira.

Sabtidii toddobaadkan ayey u muddaysnay in Maxkamadda gobolka Hargeysa ay ka furanto dhegaysiga dacwadda loo haysto Masuuliyiinta oo la xidhiidha raashin mucaawimo ahaa oo la sheegay inay leexsadeen, hase yeeshee masuuliyiintaas ayaan la keenin Maxkamadda, taas oo lagu sababeeyay galkii dacwada loo haysto oo aan lahayn.

SomlegalAds

Sida ay xaqiijinayaan warar laga helay ilo xog-ogaal ah, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirka Daakhiliga, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa guddi ka kooban Saraakiil Bileyska iyo Laanta Dambi-baadhista (CID), isugu jira u magacaabay soo geba-gabaynta baadhista eedaha loo haysto masuuliyiintan iyo guud ahaan raashinka la sheegay in la musuqmaasuqay, hase yeeshee lama ogga ilaa iyo hadda natiijada ay ka soo saari doonaan guddidaas saraakiisha Bileyska ah iyo wakhtiga ay soo saari doonaan.

Dhinaca kale, mid ka mid ah Qareenada difaacaya Masuuliyiintan ayaa Saxafi u sheegay inaan ilaa hadda la muddayn dhegaysiga dacwadda loo haysto masuuliyiintan, taas oo uu ku sababeeyay inaanay ilaa hadda jirin eed Xeer-ilaalintu u soo gudbisay Maxkamadda oo lagu eedaynayo masuuliyiintan, isla markaana baadhistii ay socoto ay hadda uun bilow tahay.

Warar kale ayaa sheegay in raggii masuulka ka ahaa raashinka la leexsaday ay dalka dibadda uga baxeen oo aanay bileysku ku guulaysan qabashadooda, taasina ay keeni karto in dacwaddan soo oodanto, maadaama aan hore loo qaban dadkii marka horeba raashinkan keenay dalka, isla markaana lagu eedaynayo inay musuq-maasuqeen.

Sidoo kale, Boqor Cismaan Buur-madow oo ay ciidamada Bileysku Khamiistii ina dhaaftay Madaarka Hargeysa ka soo qabteen mar uu ka soo laabtay socdaal uu dibadda dalka ugu maqnaa, ayaan ilaa hadda maxkamad la keenin, kuna xidhan xarunta Laanta Baadhista Dambiyada ee magaalada Hargeysa.

Boqor Buur-Madow ayaa sida la sheegay loo haystaa eedaymo iyo hadal uu hore ugu weeraray Madaxtooyada Somaliland, iyadoo ay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo xadhigiisa ka hadashayna ay sheegeen in lagu eedaymo arrimo qaran-dumis ah oo uu ku kacay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.