WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 20, 2012 (Saxafi) – Wasiirka cusub ee wasaarada maaliyadda Somaliland Cabdicasiiis Maxamed Samaale iyo wasiirkii hore ee Maaliyadda, Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shalay munaasibad ballaadhan kula kala wareegay xilka wasaaradda Maaliyadda, kadib markii dhawaan Madaxweynaha Somaliland xilka wasiirka Maaliyadda ka qaaday Maxamed Xaashi, kuna bedelay Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Munaasibaddan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin, waxgarad iyo dadweyne aad u tiro-badan oo uu bixiyey hoolka Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa lagula kala wareegay xilkii wasaaradaas, iyadoo aan wasiir cusub lagu wareejin haba yaraatee wax deyn ah oo lagu leeyahay dawladda, isla markaana waxa uu la wareegay lacag xadigeeda lagu sheegay dhawr iyo toban milyan oo dollar.

Ugu horayn waxa munaasibadan xilka lagula kala wareegayay lagu soo bandhigay buugga xil-wareejinta oo ka koobnaa, shaqaalaha, shuruucda, agabka, gaadiidka, dhismayaasha iyo dhammaan hantida ay wasaaradda Maaliyaddu wakhtigan leedahay iyo waxqabadkii wasaaradda muddadii uu wasiirka ka ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

SomlegalAds

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta wasaaradda Maaliyadda, Weli Daa’uud Cigaal oo halkaas ka jeediyay waxqabadyadii uu hirgalay muddadii uu joogay Eng. Maamed Xaashi Cilmi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada waxaan leeyahay waad ka nasiib badan tahay wasiirkii hore waayo Maxamed Xaashi waxa uu kal hore la wareegay qasnada dawlada oo madhan iyo dayn lagu lahaa dawlada.

Waxa ugu horeeya ee wasiirka lagu wareejinayaa waa shaqaalaha, shaqaalaha lagugu wareejinayaa waxay u qayb samaan laba qaybood.

Shaqaalaha joogtada ah ee wasaarada maaliyada kuwaas oo tiradoodu tahay 586 qof darajadooduna ay kala tahay 78 heerkoodu yahay A, 286 Heerkoodu yahay B, 122 Heerkoodu yahay C iyo 118 Heerkoodu yahay D.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa shaqaale ku meel gaadh ah” Ayuu yidhi Weli Daa’uud. “Gaadiidka lagugu wareejinayaa waa 51 gaadhi kuwaas oo 45 ka midi ay shaqaynayaan 6-da kalana ay fadhiyaan.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa heshiis ay wasaarada maaliyadu la gashay hay’adda IOM kaas oo ah qalab software ah.

Waxa kale oo wasiir lagugu wareejinayaa heerka qasnadda dalwada iyo waxa ku jira, xisaabta waxaanu xidhnay 17-kii bisha wasaarada maaliyadu waxay maamushaa afar xisaabood laba iyadaa gaar u leh midna lacagta Somaliland-ta ah ayaa ku dhacda ka kalana lacagta adag ayaa ku dhacda.

Xisaabta ay lacagta Somaliland ku dhacdo waxa la yidhaa 488 waxaana ku jira 22,316,448825 shilinSomaliland

Xisaabta numberkeedu yahay 11 waxa ku jira 620, 21.

Waxa kale oo jira laba xisaabood oo kale kuwaas oo dawladaha hoose leeyihiin isla markaana ah lacag kab ah kuwaasna waxa ku jira 1,921804511.

Waxa kale oo jira lacag loo qaado dhinaca goboladabariisla markaana ah boqolkiiba laba lacagtaas qadarkeedu waxa uu yahay 5,4385828.

Waxa kale oo wasiir lagugu wareejinayaa oo aan xisaabta hada lagu shubin lacag 43 milyan ah taas oo hada baanka taala isla markaana ay wasaarada maaliyadu leedahay.

Intaas marka laysku daro waxa lagugu wareejinayaaa lacag qadarkeedu dhan yahay laba iyo toban milyan oo doolar (12000000$).

Dhinaca daynta ma jirto wax dayn ah oo wasiirku kugu wareejinayo taas oo ka baxsan miisaaniyadda sanadka 2012, wixii ka soo hadhay sanadkii horena waxa lagu cadeeyey miisaaniyada sanadkan, laakiin waxa jira foojaro waaxda maamulka yaala kuwaas oo wasiirku jiritaankooda ku qanci waayey.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa tigidhadii istamka ahaa kuwaas oo markii ugu horaysay wasaarada maaliyaddu soo samaysay kuwaas oo cadadkoodu yahay saddex milyan laakiin heshiiskii shirkada lala galay waxay ahayd inay keento 2,975 xabo, dakhliga loogu tala galay inay soo xareeyaana waa labiyo toban bilyan kuwaas oo iyaguna yaala isla markaana daabacan.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa shuruucdii ay wasaaradu lahayd, …Waxa kale oo lagugu wareejinayaa miisaaniyadii sanadkan ee 2012 oo ah miisaaniyadii 20-aad ee ay shaqaalaha wasaarada maaliyadu sameeyaan…

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa diwaan gelintii meheradaha dalka taas oo iyaduna soft-ware ah.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa qorshaha shanta sano ee wasaarada maaliyada taas oo ku dabaqan qorshaha shanta sano ee qaranka.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa siyaasada miisaaniyada sanadka 2012, taas oo ay jirto hal qodob oo odhanaya in baanka laga soo qaado wixii lacag ah ee loo baahdo iyada oo la joojinayo lacagta garoonada diyaaradaha laga soo qaadayo isla markaana wasaarada maaliyaddu 10$ ka qaado dadka soo dagaya iyada oo tacriifadiina ay la socoto miisaaniyada golaha hor taala, lacagtaasna waxa iska leh baanka mana aha lacag ay wasaarada maaliyadu leedahay waxaana golaha wakiilada loo hor geeyey in lacagtaas uu baanku iska leeyahay.”

Wasiirkii hore ayaa iyaguna halkaas hadalo ka jeediyay.

Wasiirka cusub ee wasaarada Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey wasiirkii hore ee wasaarada waxaanu sheegay in halka uu gaadhsiiyey wasaarada ka sii anba qaadi doono isaga oo shaqaalaha wasaaradana ka codsaday inay si fiican ula shaqeeyaan waxaanu yidhi “Marka hore aad ayaan ugu mahad naqayaa wasiirkii hore ee maaliyadda wax qabadka uu dalka u qabtay, laakiin waxaan leeyahay maaha wax uu kaligii qabtay ee waa wax ay wasaaradu qabatay waayo qofna kaligii waxba ma qaban karo, aniguna waxba ma qaban karo hadii aanay shaqalaha wasaaradu si fiican iila shaqayn, xilkuna waa mid culus.

Amaanadaa iyo xilka lay dhibay waxaan ilaahay ka baryayaa inaan si cadaalada oo hufnaan aan u guto, waxaan rumaysanahay in qofku inta uu dadka u shaqaynayo in xaga ilaahayna uu abaal iyo ajar ka helayo.”

Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyaddu waxa kale oo uu balan-qaaday inuu sida ugu wanaagsan ummada ugu shaqayn doono, isaga oo dadka ka dalbaday in loo soo duceeyo “Qofka xilka loo magacaabo lama sharfin ee culays ayaa la saaray, markaa aniga culays ayaa I fuulay. Waxaan aaminsanahay in xilkani yahay imtixaan, laakiin waxaan balan ILAAHAY ku qaadayaa in wax ummadaasi leedahay aanay meel khaldan marin” Cabdicasiis Samaalle waxa uu wasiirkii hore ee Maaliyadda ku amaanay kordhinta miisaaniyada dalka oo uu sheegay inay sanadkan odoroskeedu gaadhay $106 Milyan oo doolar, isla-markaana ay miisaaniyadii sanadkii 2011-kii ay ka badan tahay $18 Milyan oo doolar.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha golaha wakiilada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mida golaha wakiilada iyo gudoomiyaha baanka Cabdi Dirir Cabdi, hase yeeshee waxaa munaasibadda ka qayb-galay xildhibaano ka tirsan goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda, Shaqaalaha Wasaaradda, iyo guddoomiyaha cusub ee hay’adda Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale iyo marti sharaf kale oo badan, kuwaas oo si aad ah ugu sacabinayey wasiirkii hore Maaliyadda, Maxamed Xaashi Cilmi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.