Waraysi Khaas Ah: Cabdinuur Allaale Iyo Xusuusta Halabuurkii Weynaa Ee Ibraahin-Gadhle – Qaybtii 3aad

0
14
PropellerAds

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Qaybtii 3-aad

PropellerAds

–Halgankii Gobonimo-doonka ayaa waqtiyadaas bilaabmay, annagana waxa na fuushay masuuliyad culus oo ah inaannu dadka isku soo dhaweynno. Tiroba afar Xisbi ayaa waddanka markaa ka jiray. Shacabku waxa uu u badnaa Xisbigii LPE oo uu Xasan Guuleed madax ka ahaa, waxaana u mideeyay oo ummadda hoos-keenay, sida la odhan karo kooxda Gacan Macaan. Dabadeed waxaannu dhignay Riwaayaddii Geeddigii Koowaad oo uu dhigay Ibraahim Gadhle. Waxa xigtay Riwaayaddii Ilma Geeska Afrika oo uu lahaa Xasan Cilmi, kana warramaysay siyaalihii Gumeystuhu ku yimid Geeska Afrika. Geeddigii Labaad iyo Gaashaanle muu dhiman oo ahayd Geeddigii Saddexaad, kuna socotay Taariikhdii nin Gaashaanle la odhan jiray oo ka mid ahaa raggii Gobonimada u soo halgamay ayaa iyana daba raacay. Taxanayaashaas iyo isku-xidhnaantayadii oo aannuu raalli ka ahayniba waxay ahaayeenbaa la odhan karaa dareennadii dhaliyay in Gumeystuhu aad noola sii colloobo.

Su’aal: Xilligaas aad ka hadlayso, waxa Soomaaliya ka jiray dhaq-dhaqaaq Gobonimo-doon, waloow aanay Mustacmarad ku hoos jirin, hadana waxa jirtay aragti Soomaali-Weyn la odhan jiray, markaas inna wax xidhiidha ma lahaydeen baad odhan kartaa kooxihii Faneed ee Soomaaliya gudaheeda ka jiray?

Jawaab: Marka aan Soomaaliya ka hadlo, xilligaas xidhiidh aan sheegi karo oo naga dhaxeeyay ma jirin, laakiin markaan iskay ugu kuur-galay Taariikhdaas, waxaan ogaaday in ninkii Halgamaaga ahaa ee la odhan jiray Maxamuud Xarbi ee u dagaallamayay Gobonimada Jabuuti ay jireen Fannaaniin reer Soomaaliya ah oo dhinacyada wacyi-gelinta kala shaqayn jiray, siiba raggaasi waxay ahaayeen niman dhinacan Waqooyiga (Somaliland) ka soo jeeda. Tusaale ahaan; Cali Sugulle oo ay Riwaayadihiisa ku jireen: Bal ila jiidaay, Waa Jabuutiye, Jidkii Gobanimee, run ahaanna Ina Sugulle kaalin weyn buu ka qaatay halgankii Gobonimo-doonka ee Jabuuti.

Su’aal: 1970-nnadii Riwaayadihii Jabuuti laga dhigay ee dhaq-dhaqaaqa Gobonimo-doonka xidhiidhka la lahaa ee sidaan maqlay aad Jile-ha ka ahayd, sida aad-ka ah u baahay, dadkuna wada-yaqaannaan, waxa ka mid ahayd Riwaayad uu Gadhle lahaa oo mar aan weydiiyay magaceeda uu iigu sheegay: Adduunyada isha keliya leh, heesaheedana ay ka mid ahaayeen; Maxaa deyr-cad geel hallaabayoo, bal hadda markaa Riwaayaddaas doorkeed ku lahayd, maxay se ku saabsanayd?

Jawaab: Riwaayadda asalkeeda nin Abiib Siciid la yidhaahdo ayaa dhigay, wuu nool yahay, waana nin reer Hargeysa ah. Mar labaad oo lagu celiyay ayaan anigu wax ka dhigay. Maxamed Mooge ayaa markaas oo ahayd 1973-kii, mar labaadkii aannu ku celinaynay magaalada yimid. Waxa kale oo iyana jooga ragga uu ka mid ka yahay Cabdi Qays iyo Bashiir Xaddi, waa waqtiyadii ay Siinleydu bilaabmaysay. Hadaannu kooxda Gacan Macaan nahay waxaannu dhaqan u lahayn in fannaanka nagu soo dega aannu soo dhaweynno, sooryo u sameynno, lacagta keydka noo ahna aannu 100,000 Fr. gacanta laga geliyo, kaddibna aanu weydiinno bal ka uu rabo in uu annaga wax nala dhigayo iyo haddii uu Barnaamij isaga khaas u ah wato. Riwaayaddan oo socota ayaa dabadeed Maxamed Mooge la xafidsiiyay. Maadaama aannu ka shaki qabnay in Maxamed Mooge laga reebo, waxa dhacday in labadayadaba sawirka nalagu dhejiyo, waayo waraaqo Baasaabboor-Soomaali ah ayuu sitaa. Mar kasta oo Riwaayad la dhigayo, laba Toddobaad ka hor dhigitaankayaga ayaa Censura nala soo marin jiray xagga Bilayska ah, illaa ay dhiga yidhaahdaanna lama dhigi jirin. Markii ay Censura-dii soo baxday ayaa la yidhi wax Soomaaliya ka yimid masraxa ma soo fuuli karo. Sidaas darteed, Riwaayaddii oo uu Maxamed Mooge ku lahaa Lix hees, anigay igu soo noqotay, illeen haddii kale ma dhigmaysee.

La soco qaybo kale oo xiise badan……..

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.