WorldRemitAds

W/Q. MM Kastan

Indheergarad u dhashay dalka Shiinaha oo la odhan jiray “Confucius” isaga oo safar ka mid ah safaradiisa Buuraha maraya, ardaydiisuna ay la socdaan waxay arkeen ruux Dumar ah oo ooyeysa, markii uu weydiiyay waxa ka oohiyey waxay ku jawaabtay; ‘Shabeel ayaa odaygaygii iyo carruurtaydii iga cunay, kadibna waxa uu ku yidhi; maxaan halkan ku dhigay haddii

Shabeel uu joogo? Waxay ku jawaabtay, waxaan halkan u joogaa maaha meel uu joogo hoggaamiye, dadka dulmiya. Cunfucius ardaydiisii waxa uu ku yidhi; “Xusuus qorkiina ku qora, madaxweynaha Daalimka ah waxa dhaama shabeelka dad cunka ah.”

SomlegalAds

Waxaan doonayaa:

Nin aad u jeclaa inuu madaxweyne noqdo ayaa u tagay nin boqor ah, waxaanu ku yidhi ‘’boqorow waxaan doonayaa inaad ii sheegtid sida aad boqor ku noqotay?’’  Boqorkii ayaa ugu jawaabay ‘’Aniga aabbahay boqor ma ahayn, waxaana la I boqray ka dib markii uu dhintay boqorkii dalka xukumi jiray oo ahaa mid aan caruur lahayn’’. Boqorkii oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa qofka doonaya inuu madaxweyne in marka hore wax walba oo wanaaga naftiisa ka bilaabo kadibna reerkiisa, waa in aanu gacan gudhan yeelan iyo guddoon jilicsan, caddaaladdana saaxiib ka dhigto. Waa in uu dulqaad yeesha, geesinimo iyo fulaynimo u dhexeeyaa iyo isaga oo si habboon wax u yaqaanna’’. Ninkii oo ahaa nin daacad ah oo madaxweynanimadana jeclaa ayaa yidhi ‘’ madaxweyna-nimooy maanta wixii ka danbeeya ku daayey mar haddaan in ka mid ah shuruudahaaga buuxin kari waayey’’

Micnaha Xilka:

Xilka macnihiisu maaha umadaada dhac boob oo khiyaamee, ee macnaha xilku waa sida ay odhanayso maah maahdan Ingiriiska ah to be a chief of the people is to be server them.  Oo micnaheedu yahay madax shicibka markaad u noqotid macnaheedu waa inaad u adeege noqotid, laakiin waa nasiib darro dalkan [Somaliland] waxa lagu dhaqmaa gaar ahaan masuuliyiinta maah maah kale oo ingiriisiu ah oo iyana odhanaysa The Watch man is the thief  oo macnaheedu yahay kii ilaalinayay ama ilaalin lahaa ayaa ah kii dhacayay ama tuuga ah.

Waa Ciidan Xoog leh:

Caddaaladdu waa ciidanka keliya ee runta ah ee hub la’aan loo adeegsan karno wax kasta, laguna gaadhi karo, waddo kasta oo kale aan iyada ahayna shaki kuma jiro in ay tahay waddo lagu goblamo.

Waxa la waydiiyey Plato oo lagu yidhi; “caddaaladda iyo geesinimada iyama ayaan u baahanahay?” Waxaanu ugu jawaabay; “Caddaaladda ayaa idinkaga filan oo aad kaga kaaftoomi kartaa wax walba.”

Sida oo kale, Khaliifkii shanaad Cumar Binu-Cabdicasiis, mid ka mid ah Badhasaabyadiisii ayaa waxa uu u soo qoray warqad uu ku odhanayo; “Amiirkii Mu’miniitow, waxaan u baahanahay intaa iyo intaa oo aan xabsi ku dhiso.” Cumar Binu-Cabdicasiis, jawaabtiisu waxay noqotay; “Hantida aad isoo waydiisatay iyo xeelado kale oo aad adeegsato guul kuuma horseedayaan, shicibkuna kuma hoggaamsanayaan, laakiin waxa hubaal ah haddii aad caddaalad gabbood uga dhigto in ay si dhib yari ah kugu hoggaansan.

MM Kastan

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.