WorldRemitAds

Montagne Posee, Seychelles, March 24, 2012 (Saxafi) – Diyaarad sida 19 ka mid ah maxaabiis budhcad baddeednimo ugu xidhan xabsi ku yaal jasiiradda Seychellesayaa maanta ka soo dagaya madaarka Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland wax war ah kama ay bixin arrintan, hase ahaatee sidda aanu ka soo xiganay Ilo u dhuundaloola wasaaradda Duulista, diyaaradan Budhcadbadeeda sidda ayaa Ruqsadii imaanshaha maanta ee madaarka Hargeysa ka qaadatay Somaliland.  Hore, ayaa loo qorsheeyay in kooxdani noqdaan dufcadii ugu horeysay ee lagu soo wareejiyo xabsiyada Somaliland, kadib markii ay dhawaan heshiis qalinka ku wada duugeen Madaxweyneyaasha labada dal ee Somaliland iyo Seychelles, kaas oo dhigaya in budhcad baddeeda Soomaalida ah ee lagu maxkamadeeyo dunida lagu xidho oo ay xukunka xadhigooda ku dhamaystaan xabsiyada Somaliland.

Maxaabiistan oo isu arragta marka la eego doodahooda inay ahaayeen Kaluumaysato lagu xadgudbay ayaa waxaa XabsiyaddaSeychelleslagu ururiyay oo Dunuubtaas u xidhan 92 maxbuus.

SomlegalAds

Jasiiraddan aadka u yar ee laga soo waaridayo Maxaabiista ayaa waxaa  ay qayb ka tahay waddamo badan oo Maxaabiista Budhcadbadeeda ah lagu hayo, taasoo keentay in Somaliland culays lagu saaro inay aqbasho oo qaadato doorka Haynta maxaabiista, iyaddoo waddamada sidda weyn u danaynaya oo Ingiriisku ugu horeeyo loo arkayay inuu dabada ka riixayay xeerar doraad uun Madaxweyne Siilaanyo  dhaqan-geliyay oo Xukuumadda u saamaxaya arrintan.

Alan Cole, oo ah qareen la shaqeeya mashruuca qaramada Midoobay ee la-dagaalanka budhcad baddeeda ayaa hore u yidhi markii uu soo baxay warkan lagu soo rarayo Maxaabiistu. “Soo wareejinta maxaabiistani waxay sunti doontaa wareejintii ugu horeysay ee maxaabiis budhcad baddeed dib loogu soo celiyo dhul Soomaaliyeed (Somaliland), taas oo ah tallaabo lama huraan u ah in la khafiifiyo culayska saaran xabsiyada waddamada gobolka ku yaal.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la kala wareegista maxaabiistani fursad u noqonaysaa in Seychelles ka  badbaado khasaare kala kulmay sannadkii 2009 afduubka loogu sameeyay dad u dhashay Seychelles si loogu soo furto maxaabiista dalkeeda ku xidhan. Taasoo keentay in DawladdaSeychellesay si qarsoodi ah diyaarad ugu qaado 23 maxbuus oo ku eedaysnaa budhcad badeednimo, kuwaas oo loo soo duuliyay dhinacaSomaliasi ay ugu soo bedeshaan saddex muwaadin oo afduub loogaga haystay. Laakiin maamulka degaankaas ka talinayey oo aan la ogeysiin heshiiskan isku bedelka ah darteed ayay sababtay inay qabsadaan diyaaradii oo ay saarnaayeen saraakiishiiSeychelles. Balse, tan badalkeedda. Waxa jira walaac xoogan oo ummada Somaliland qaar badan oo ka mid ahi qabaan oo la xidhiidha cawaaqibka ka dhalan doona go’aankan Somaliland ku ogolaatay Haynta maxaabiista, maadaama ay hore sidoo kale dhibaato uga soo gaadhay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo gaadiidkoodii oo rar u qaaday Puntland la qafaashay, islamarkaana lagu xidhay Budhcadbadeed ku xidhan Somaliland. Waqtigana waxa Gacanta budhcadbadeeda ku jira Markab u raranSomaliland, iyadoo Budhcadbadeeda lagla xidhiidhay muujisay in ay diidanyihiin dhaqanka Xukuumada Somaliland kula macaamisho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.