Maxaad Ka Taqaan Dhibaatooyinka Jacaylka?

1
20
PropellerAds

Qalinkii Sacad X. Maxamuud Gadhle

Dhalintiyo barbaartay

Ma dhaqaajinaa fikir

Jacaylkana ma dhuuxnaa

Dood dheer ha noqotee

Dhigashada aqoontiyo

Dhaqaalaha ma koriyaa?

Islaamnimo ma dhawraa?

Dhaqankana ma xoojaa?

Inta badan waxaan tabin jiray qoraalo faro badan oo aan kaga hadlayo  arimaha siyaayada  geelse laba jir soo wada marye aan u bilaabo dood wadaag ku saabsan jacaylka iyo haasaawaha dhamaan bar baarta iyo dhalinta Somaliland iyo dadwaynaha Af-Soomaaliga ku hadlaba anigoo odayaynta la dhextaagnaan doona  waana fikirkayga ee ka soo dhiibta afkaarta kala duwan ee laga aaminsanyahay jacaylka?

Akhriste bal dhandhanso oo dhugo maqaalkan iyo maansadan isku dhafan adigoo si qoto dheer u eegaya dhaqamada cusub iyo dhalinta. Maanta si dhaba u jaleec dhibaatooyinka uu jacaylku ku hayo dhaqankeenii suubanaa ee weheshanayay diinta islaamka.  Hadaba, inkastoo dhaqanka Soomaaliyeed ay aad iyo aad u kooban yihiin taariikhda sugan ama sheekooyinka sugan ee ku saabsan jacaylka bal aynu wax yar dib u jaleecno sheekadii Cilmi iyo Hodan.

Ka dib markii Cilmi loo xaqiijiyay in la guursaday Hodan ayaa maalin maalmaha ka mida Cilmi la tusay tobaneeyo hablood oo ka mid ah qalanjooyinkii Soomaaliyeed ee gayaankiisa ahaa si loogu guuriyo ta dookhiisa noqota waxaanu kaga jawaabay tixdan gaaban ee odhanaysa ‘Qosolkaa yari waa waxaad nagu qaldaysaane

Aniguba khadraan soo arkiyo qaararkii hodane.

In aan eebahay idin qatalin qariya laabtiina.’

Isagoo tixdan gaaban ku cadeeyay in aanu guursan doonin haddii uu Hodan seegay gabadh kalle, In kastoo sheekada Cilmi iyo Hodan tilmaamayso amaba ay xaqiijinayso in uu aragti uun ku koobnaa jacaylku. Hadii aynu halkaa ku dhaafno sheekadii Cilmi iyo Hodan, bal aynu wax yar ka xusno sheeko kale, dhaqanka Soomaaliyeed waxaa jiri jiray in ay gabadhu mudu badan u doonanaan jirtay ninka iyagoo ugu badnaan is arkay amaba aan is aragba, balse tolka ama waalidkood kulmeen. ama ninku iyadoo aan qaan gaadh ahayn u geed fadhiisto. hadaba

 mid ka mida ugaasyadii Soomaaida Itoobiya ayaa gabadh u doonanayd kalgacal badana uu u qabay ayuu nin kale oo reerkii u ugaaska ahaa aan ahayni kaxaystay isagaa arintaa ku dhacday aad uga murugaysan ayuu tiriyay tixo ay ka mid ahaayeen erayadan. ((Ninka ilo biyo leh soo arkee ooman baan ahaye.)). Iyaddoo arrintii utuntaasi keentay dagaallo culus oo sheeko dheer oo gaar u qormi karta noqonaysa. Hablo kalle oo badan oo la’isku dillayna waa badnaayeen, ama waxayba horseed ka ahaayeen dagaaladda beelaha dhex-maraa kuwo ka dhashay arrimahan haweenka iyo Jacayladda.

Sida ku cad labada sheeko ee kor ku xusan waxay ka warameen laba nin oo la yimid damac haween (jacayl) .

Run ahaantiikandhaqankeenii suubanaa iyo shareecada islaamkaba ka soo hor jeedaa waakanaan daawada lahayn, sida ku cad maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa ((nin  waa inta naag ka soo hadha )) .

Waxaa kale oo aynu sheekooyinkaa hoos ku xusan ka faa iidaysan karnaa in uu faraq wayni u dhaxeeyo jacaylkii hore iyokanmaanta .

Jacaykii hore iyo kan maantu waxay aad ugu kala duwan yihiin xaga anshaxa, xishoodka iyo xiisaha, tusaale ahaan jacaylkaa hore wuxuu dhinac walba ka dugsanaayay dhaqanka, waxaanu ku koobnaa aragti laysku caashaqo oo quruxi keentay iyo Isir ama dun la’isku calmado, halka jacaylkan maanta laysku caashaqo u jeedooyin badan sida ay tilmaamayso maansadan ee aan ugu magac daray (DHIBTUU GAYSTAY JACAYLKU)

 Dhab ahaan jacaylkana

Dhinacaan ka joogeen

Dhambaalkani ku soo qoray

Dhalaan habaabis weeyaan

Dhalo wuu ka fudud yahay

Waa dhool xagaayoo

Dabayluhu dhirbaaxeen

Ninka dhayal u haystow

Dhugo oo warkaygani

Inta dhoohan ee maqan

Dhawaaqayga gaadhsii

Inta dhalinta waashiyo

 Inta dheef ku gurataan

Dhambaalkani u dirayaa

Intuu dhama’a galiyiyo

Intuu dhiilo uu baday

Dhambaalkani u dirayaa

Inta dhuuni raacdiyo

Inta dhoof ku doontaan

Dhambaalkani u dirayaa

Intuu dhaba dhabeeyiyo

Intuu dhagaha awdaan

Dhambaalkani u dirayaa

Inta magaca dhawrtiyo

Inta dookha dhaaftaan

Dhanbaalkani u dirayaa

Inta dhadhama raacdiyo

Inta dhalasho doontaan

Dhambaalkani u dirayaa

Ninka dhayal u haystow

Dhugo oo warkaygani

Inta dhoohan ee maqan

Dhawaaqayga gaadhsii

Dhabayaasha caashaqa

Iblaysbaa dhigaayoo

Aadam  iyo dhashiisii

Damacaba dhex dhigayoo

Dhagartiisii qaabiil

Gayaankiisa dhaafiyay

Dhibaatada aduunyada

Jacaylkaaba dhaliyoo

Dhiigaba ku daadshoo

Dhagartaba bilaabee

Ninka dhayal u haystow

Dhugo oo warkaygani

Inta dhoohan ee maqan

Dhawaaqayga gaadhsii

Waxaan dhoof  u raadshaa

Inta taladu dhaaftee

Raga dhiiran ee kulul

Dhooruhu ka ciil baxay

Een dhimana noolayn

Ilayn waa dhibtiisii

Dheeldheelintiisiyo

Dhicis kiisu badanaa

Ninka dhayal u haystow

Dhugo oo warkaygani

Inta dhoohan ee maqan

Dhawaaqayga gaadhsii

Inta wiil dhigayga ah

Caashaq kala dhantaaloo

Garashadu ka dhoohdoo

Dhabadii halaagiyo

Dhinac yaala geerida

Ilayn waa dhibtiisee

Dhagartiisu badanaa

Ninka dhayal u haystow

Dhugo oo warkaygani

Inta dhoohan ee maqan

Dhawaaqayga gaadhsii

Dhalintiyo barbaartuna

Kamadheregto waanada

1 COMMENT

  1. horta sidiisaba waxa lagu magacaabo jacayl waa dhibaato aad u wayn oo bulshada aad u saamaysa kolay jacaylku dhibaato socota weeyi markaa waxaan dadka kula talin lahaa inay ka dheeraadaan cudurkaa xun ee layidhaahdo LOVE

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.