WorldRemitAds

Ceel-afweyn, Somaliland, March 23, 2012 (Saxafi) – Mudaharaad kooban oo ay ku dhaawacmeen sadex qof ayaa shalay ka dhacay magaaladda Ceelafweyn ee ay ka soo jeedaan Boqor Buurmadow iyo labadii Agaasime guud ee dibu-dajinta iyo Arrimaha dibeda ee midina ku jiro jeelka Hargeysa ka kalena ay xukuumaddu xayiraada ka saartay inuu dalka ka baxo.

Wararka aanu ka helayno magaalada Ceelafweyn ayaa sheegaya in shalay galinkii hore uu magaaladaas ka dhacay  mudaharaad kooban oo lagaga soo horjeeday xadhiga ay xukuumaddu kula kacday madax dhaqameedkooda iyo Agaasimayaal u dhashay deegaankaasi, waxaanay xukuumadda ka codsanayeen in xorriyadooda loo soo celiyo.

Sida ay wararku sheegayaan waxa dhaawac soo gaadhay sadex qof oo ka mid ah dadkii mudaharaadayay, arrintan ayaa dadka qaar ku tilmaameen mid ka dhalatay kooxdii mudaharaadaysay oo isku khilaafay gubista sawirka Madaxweyne Siilaanyo iyo Calanka Somaliland, halka warar kalena sheegayaan in maamulku abaabulay koox dhalinyaro ah oo ka hortagta mudaharaadayaasha, iyadoo markii danbena ay ciidamadda booliisku qab qabteen qaar ka mid ah mudaharaadayaashii. Hase ahaatee maayarka Degmada Ceelafweyn ayaa isagu dhacdadan ku tilmaamay mid kooban oo aan wax saameyn ah lahayn. “Wax dhibaato ahi ma dhicin, dhalinyaro kooban ayaa isku xanaaqday dabadeed mid ka mid ah tantoobo ayaa ku dhacday..markaa laba ayaa dumar ah ayaa la xidhay oo haddana la sii daayay.” Sidaas waxaa yidhi maayarka degmada Ceelafweyn oo aanu arrintan wax ka weydiinay xalay, waxana uu intaas ku daray oo uu ku dooday in aanay jirin wax mudaharaad ahi oo balaadhani.

SomlegalAds

Dadkan mudaharaadayay ayaa diidan xadhiga Boqor Buurmadow oo dhawaan madaarka Hargeysa laga taxaabay isaga oo ka soo noqday waddanka Isu taga immaaraadka Carabta iyo sidoo kalle masuuliyiin muddo laba todobaad ah xabsiga ugu jira eedaymo musuqmaasuq oo la xidhiidha raashin la dhacay, kuwaasoo aan illaa hadda la cadeyn danbiga ay galeen.

Masuuliyiintan Ceelafweyn looga mudaharaaday oo kala ah agaasimihii hore guud ee wasaaradda dib-u-dejinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenkaSomalilandwaxa xabsiga ku weheliya gudoomiyhii hore ee Gobolka Hargeysa oo isna sidoo kalle xukuumadda in badan laga dalbadday inay cadayso danbiga loo haysto.

Masuuliyiintan ayaa la filayaa in sabtidda la keeno Maxkamad si dacwadoodu loo dhagaysto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.