WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 2, 2014 (Saxafi) -Agaasimaha waaxda dakhli ururinta ee Dawladda hoose ee Hargeysa Mr. Yuusuf Sooraan, ayaa u soo jeediyey shacbiga ku nool caasimadda Hargeysa inay soo bixiyaan cashuuraha ku hadhsan.

Sidoo kale, waxa kale oo ay sheegeen agaasimaha waaxda dakhli ururinta iyo cashuuraha dowlada hoose lagu dhirii gelinaya bulshada caasimada ku nool in ay bixinta cashuuraha kala duwan ee sida sharcigeenu uu qeexayo, halka ay ku kala bixinayaan xarunta dowladda hoose ee caasimadda ee degmo ahaan.

Waxa kale agaasime Yusuf Sooraan sharaxad dheer ka bixiyey  nidaamka cashuurta dowladda hoose ay bixiso iyo sida ay uu kala mudan yihin cashuuraha oo uu sheegay inn dadweynaha ku dhaqaan magaladda Hargeysa la fahamsiyo laguna dhirii geliyo ilaalinta bixinta cashuuraha oo mamulka dowladda hoose heeganka ugu jirto. Waxana baaqa uu agaasimaha waaxda dakhli ururinta iyo cashuuraha dowladda hoose Hargeysa uu dhigna sidan:

SomlegalAds

“Cashuurtu waa astaanta dowladnimo oo hormood uu ah horumarka iyo dhismaha dowladnimo iyadu Sharciga uu jiddeeyo bixinteeda, taasoo lagu daboollo baahiyaha kala duwan ee lagu horumariyo magaalooyinka. Sidaa-daraadeed waxa muhiim ah oo ilaahay loogu mahadiyo in dadweynaha caasimadda Hargeysa ku dhaqani ay fahmaan muhiimada ay hambaarsan tahay bixinta Cashuur maalmeedka, Cashuur sanadeedka, iyo Cashuuraha kale ee ku waajibay oo kaalin wayn xil balaadhan iska saaraan.

Labadaa qoddob aan uga mahadnaqaya dadwaynaha sharafta leh sidaa xilkasasnimo ay isu xiil qamaan bixinta cashuurta sanadlaha ah ay gaadhay biliihii dabyaaqada sanadka in ay mudada ka hadhsan iska soo bixiyaan wixii cashuuro ah.Waxa kale oo aan raacin lahaa oo aan fursadan kaga faa’idaysanayo in aan cashuuraha kala duwan ay dowladaha hoose qaadaan sida ardayada guryaha, jagooyinka banaan iyo meheradaha ganacsi kala duwan ee caasimada ku yaala.

Waxa kale  oo aan dadweynaha sharafta leh aan u bandhigaa wakhtiyadda kala duwan ay bixin karaan cashuurta oo ah sanad kasta oo cusub horaantiisa ama dabayaaqada ee bisha lixaad sanad walba, halka hantida ma guurtada ah ee iyaduna maamulka dowlada hoose sharcigu siinayo inay qaado cashuurta sidaa guryaha kiraysan bil walba shanteeda, halka cashuur maalmeedyadana aanu qaadno subax kasta oo ay shaqaalaha dowladda hoose ka soo ururiyaan magaladda.

Waxan ugu mahad-naqayaa cashuur bixiyeyaasha cashuurtoodii sharcigu ku waajibiyey soo bixiyey bilihii hore ee sanadkan, sidoo kale waxaan aad ugu mahadnaqayaa cashuur bixiyayaasha wakhtigan cashuurta dowlada hoose ee caasimadu ku leedahay ku bixinaya heer degmo iyo xaruntaba”ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Dakhli aruurinta ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa.

Ugu dambayn dhammaan dadwaynaha caasimada deggan ee dibad-jooga ama dalka gudihiisa jooga ee lagu leeyahay Cashuuraha kala duwan ee ay ka midka yihiin Ardiyadaha dhismaha, Ardiyadaha dhulka banaan IWM lala socod-siinayoo inay iska soo bixiyaan inta bishan November lagu jiro haddii ALLE yidhaahdo.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.