WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 7, 2014 (Saxafi) – Dugsiga Sare Ee Dayib Guray Ayaa shalay Munaasibada soo dhawayn ah u sameeyey Maayarka Caasimada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka.

Maayarka ayaa Markii uu kulan kaasi dhamaaday waxa uu dhagax dhigay Maktabada akhriska ee uu yeelan lahaa Dugsiga Sare ee Dayib Guray Secondary.

Munaasibadan ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulaha Schoolka Dayib Guray,Xildhibaano Nac-nac,Lataliyaha Madaxwaynaha Madaxwaynaha somaliland ee dhinaca Dhalinyarada,Guddoomiyaha Waxbarashada Ee Gobolka Hawd Iyo Marti Sharaf kale oo badan.

SomlegalAds

Ugu Horeyn Waxa munaasibadan ka hadlay Maamulaha Schoolka Dayib Guray Secondary School Guuleed Goohe iidaan waxaana ka warbixiy Waxa munaasibadan loo qabtay.

SAM_4694.JPG

Waxa uu ka waramay Baahiyaha Uu qabo dugsigu ee u baahan in la daboolo,waxaana uu Maayarka ku amaanay Kaalinta Muuqata ee uu dalka kaga jiro, waxaanu yidhi“Hortu Maanta waxa Farxad wayn inoo ah inaanu noqono iskuulkii koobaad ee soo dhaweeya Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka,Runtii Mudadii aan joogay iskuulkan Dayib Guray oo Ahayd Laba Bilood waxa Caqabad wayn nagu Noqotay anaga iyo Ardayda sidii aanu u nadiifinLahayn Bilicda iskuulka iyada oo iskuulka Hortiisana uu buuxay Qashin bada, taas oo uu Maayarku wax badan nagala qabtay”

SAM_4710.JPGMaamulaha Schoolka Dayib Guray  waxa uu intaas ku daray “Hawshaas uu Maayarku Markiiba Naga dhameeyey waxa ay Natusaysaa Daacad Nimada iyo Hawl Karnimada Maayarku leeyahay Anaga oon ku hadlayn Af siyaasi,Waxaanu Leenahay Baahiya Ka jira Schoolka intii Badnayd Anaga Ayaa isku tashanay oo waanu Dabool-nay,Galaaskasta waxaanu Dhignay Mar-mar iyo samuurado Wanaagsan oo aanu keenay iskuulka si aanu ula talaabsano iskuulada Casriga ah”.

 “Mudane Maayar Waadigaas arkaya Sida ay Ardaydu u fadhiyaan Cad-ceeda iyaga oo adiga kusoo dhawaynaya Iyo Madaxda kale ee kula socota,Lakiin Maalin Danbe halkan Noogu iman may sid ee waxad noogu iman doonta Hoolka Waxa yar ka dib,waxa aynu ehel nahay oo aynu wax isku nahay cidii Dugsiga Dayib Guray wax u qabata”.

Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolada Maroodi Jeex ee Galbeedka  Xuseen Ibraahin Xasan oo isaguna Munaasibada ka hadlay Ayaa Ardayda Dayib Guray Mahad Naq Balaadhan u Diray Sida ay  Maayarka Munaasibadan ugu qabteen, waxaanu yidhi“Hadii aanu nahay wasaarada Waxbarashada Dugsiga Dayib Guray waxan uu qabtay Diyaar ayaanu u nahay Haday Noqoto Laybareeriga uu Dhisanayo iyo Buugga La keeno iskuulka iyo Macalimiinba Diyaar ayay u tahay wasaaradu, Halku Dhigiinu ha ahaado sidii Maamulahu idiin sheegay”.

La Taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee dhinaca dhalinyarada Cabdi Najax Siyaad  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xukuumadani Runtii waa Xukuumadii ugu Waxqabadka Badnayd oo waliba dhalinyarada usoo jeeda Sidii Ay wax ula Qaban lahayd Buugeedii siyaasadeedna ku jirtay,idinkana waxa laydinka Doonayaa inaad u dhabar adaygtaan oo aad noqotaan sidii Dayib  Guray oo kale,Hiigsataana Xilalka sare ee qaranka Somaliland,Munaasibadan aad Qabateen waan idinu Mahad naqayaa”.

Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Hawd Cabdilaahi Ibraahin Xasan oo isna munaasibada ka hadlay Ayaa ku dheeraaday Kaalinta uu maayarku kaga jiro Dalka waxaana uu Ardayda iyo dadka Horumarka jecel ku amaanay Waxqabadka Maayarka uu sameeeyey.

Ugu dambeyntii waxa soo afjaray munaasibadda Maayarka Caasimadda Md: cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco waxaana uu yidhi “Ubaxii Dalka waa idinka waxaanan Rajaynayaa in maamulka Hargaysa Wax Muuqda la qabto iskuulka Dayib Guray,waxaad soo qaadeen inaad dhisanaysaan Hool iyo laybareeri taasna anagu ka dawlada hoose ahaan wax muuqda ayaanu idin kala qaban doonaa,Dhismahaasna waxaanu wax idin kala qaban doonaa Markaad noo keentaan Qiimaynta Lacagta ku kacaysa.”

111(7).jpgIntaas ka dib waxa uu maayarku dhagax dhigay Halkii laga dhisayay laybareeriga uu yeelan doono iskuulka Dayib Guray,waxaana uu balan qaaday Maayarku inuu Dhisi Doono.

Dhinaca kale, Agaasimaha  waaxda Dakhli Ururinta  dowlada Hoose ee Hargeysa Yuusuf Sooraan Ismaacil ayaa cashuur ururriyeyaasha U Qaybiyay dirays cusub oo ay ku shaqayn doonaan.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay wax weyn ka tari donaan soo uruurinta dakhliga cashuurta, dadkuna ay ku aqoonsan doonaan, waxaanu yidhi “Waxaan maanta halkan ugu qaybinaynaa dhamaan shaqaalaha cashuur ururiyayaasha ah iyo kuwa Maalinlaha ah   garamaan lugu garan doono in ay yihiin shaqaalaha dowlada hoose ee Hargeysa .Meelaha loo qaybiyay dirayskan waxa ka mida dowlada hose ee Hargeysa, Madaarka Hargeysa, xarunta Saylada magaalada Hargeysa, xarunta Buurta kala jeexan iyo waliba xarunta haleeya .Waxa aan aad u mahad celinayaa Ganacsadihii Dirayskan naga soo iibiyay oo ah Maxamed Cabdilaahi Kabadhe oo qiime ka jaban kii uu China kaga soo iibsaday naga soo siiyay”.

Dhanka kale waxa iyaguna halkaas  ka hadlay qaar ka mid ah shaqaalihii loo qaybiyay dharka waxayna xuseen in ay yihiin dharkani mid ay u qabeen baahi weyn .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.