WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Prof. Maxamed Mixile Boqore ayaa waxa uu sheegay in wax ka badel lagu sameeyey xiligii shaqada haayadaha dawlada inta lagu gudo jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Waxaana isaga oo ka hadlaya arrintaas uu yidhi “Maanta (Shalay) bisha Ramadaan waa kow Ilaahay kheyr keeda ha ina siiyee, waxaan dhamaan u sheegayaa hay’adaha dawlada iyo shaqaalaha dawlada in sidii caadada aheyd maadaama oo aynu ku jirno bishii Ramadaan wakhtiga shaqaaluhu ay shaqeynayaan laga fudeydiyo markaas waxaa hay’adda shaqaalahu ku war galineysaa in saacadaha shaqadu ay noqon doonaan 8 subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo” ayuu yidhi gudoomiyuhu .

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu si gaar ah uga hadlay hay’adaha dakhli ururinta ee dalka waxaana uu yidhi “Hay’adaha dakhli ururinta sida wasaarada Maaliyadda oo kale waxaan leeyahay yaan la odhanin. saacadii uu gudoomiyaha ha’ayada shaqaaluhu sheegay baa gaadhay, laakiin waa in saacadahooda shaqo ay dhameystaan xataa hadii ilaa 4:00 pm galabnimmo ay gaadheyso“ ayuu ku soo koobay hadalkiisi gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.