WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 18, 2015 (Saxafi) – Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa ayaa markii koowaad sheegay inuu ka noqday Mawqifkii hore uu u aaminsanaa islamarkaana uu Hargeysa ku soo wajahan-yahay.

Buubaa oo Waraysi gaar ah magaalada Dubai ee isu taga Imaaraadka Carabta ku siiyay Telefishanka Caalamiga ah ee HORN CABLE TV ayaa waxaa uu sheegay in waayaha siyaasiga ah ee Soomaalidu is bedelay. Islamarkaana la gaadhay waqtigii Somaliland loo ogolaan lahaa dawladnimadeedda,. Taas oo uu sheegay in dani ugu jirto Soomaaliya.

SomlegalAds

Ugu horeyn Buubbaa oo la weydiiyay sababta Hargeysa ugu soo socdo inay la xidhiidho is bedel dhinaca mawqifkiisa siyaasadeed ee uu hore u aamin sanaa ah ayaa waxaa uu yidhi. “In Muddo ah su’aashaas waa la I weydiinayay in badana waxaan lahaa Somaliland waan tagayaa oo Hargeysa waan tagayaa…

Tan mawqifka siyaasadeed ee aan aaminsanahay qof Soomaali ah ayaan ahay oo jecel Soomaalinimadda..Laakiin jawiga siyaasiga ah ee hadda socda ee gayiga Soomaaliyeed ka socdaa waa mid ay lagama maarmaan tahay in cid waliba halka ay ka soo jeedo ay ka dhaadhiciso mawqifkoodda siyaasiga ahi sidda uu yahay.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray. “Sidaas aawadeed, waxaan tagayaa Hargeysa, anigoo arka in mawqifkii hore ee aanu is lahayn midnimadu dusha haka timaado in aanay soconayn oo wax aan hoosta laga heshiinin aanay dhacayn, midnimaduna ku imman karto uun iyaddoo raali wax walba la iskaga yahay.

Sidaas aawadeed ay tahay in aan ku noqdo dadka aan ka dhashay aan ku noqdo oo aniga oo jecel dadka Soomaaliyeed guud ahaan. Laakiin, gaar aaan Somaliland halka ay taagantahay ee ah in waddanku noqdo laba qaybood oo kala ah qaybtii Ingiriisku xukumi jiray iyo qaybtii Talyaanigu xukumayay oo walaalo ah oo mid waliba gooni u taagan tahay. Taasi maanta waxaan arkaa inay tahay mid danta labada dhinacba ay ku jirto oo laba dal oo wada saqayn kara oo walaalo ah ay noqonayaan. “ “Arrinta labada dawladoodna maaha mid Somaliland uun dani ugu jirto waa mid Soomaali ah oo dhan dani ugu jirto. Waayo xaaladda ka taagan Koonfur maanta iyo dib u gurashadda ku dhacday dawladii dhexe iyo maamuladan kala duwan ee badan ee la sameynayo ay dawo u tahay labadan dawladood oo mid waliba iyadoo gaarkeedda u taagan ay is kaashadaan.”ayuu yidhi Buubaa.

Ismaaciil Buubbaa oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu cadcad Soomaaliya ee dhalasho ahaan ka soo Jeedda Somaliland, Islamarkaana xilal wasiirnimo oo culculus ka soo qabtay, waxaa la weydiiyay sababta uu waqtigii hore u arki waayay waxaana uu yidhi. “Taasi may ahayn mid maalmihii hore taagnayd, laakiin, maanta waqtigeedii ayaa la gaadhay inay dani ugu jirto Soomaali oo dhan ayaanan u arkaa” Ayuu yidhi.,

Sababta uu u garowsaday ayaa haddana la sii weydiiyay, waxaana uu yidhi, “Waxaan u garowsadday xaaladda ka taagan Koonfurta ayaad moodaa markaad eegto in dawladdii dhexe qiiro qiiro ku jirto oo maamul goboleedyaddii ay meel culus taagan yihiin oo qaarkood kolba yidhaahdaan dawlada dhexe ma aqoonsanin. Markaa waxay illa tahay in maanta Soomaalidu sida ay ku hagaagi kartaa ay tahay in laga faa’iidaysto Somaliland oo si wanaagsan u gaamurtay oo garanaysa sidda maamul loo dhiso.”

Waxaa uu sheegay in Somaliland haddii la aqoonsaddo oo ay qaadato fursadda ah inay Soomaaliya ka caawiso dhismaha maamulka ay cid wal oo kale kaga wanaagsantahay. Islamarkaana aan loo baahan doonin ciidamo lagga keeno meel kale. Taasna ay dani ugu jirto Soomaali oo dhan. “Laakiin, Somaliland lafteedu talaabo ma qaadi karto hadaan la ogolaan inay noqoto dawlad leh awoodihii dawladi lahaan jirtay ee ay Koonfur wax kaga qaban lahayd.maanta Burundi iyo Yuganda iyo wadamo badan ayaa leh wax baanu u qabanaynaa oo jooga Koonfur aniga waxay ila tahay waxaas oo dhan Waxaa kaga haboon Somaliland.” Ayuu yidhi Ismaaciil Buubbaa.

Sidoo kale, waxaa uu ku dooday in Somaliland looga baahan yahay inay la timaado jawi suurta-galin karra in ay Caawiso Soomaaliya. Isaga oo ku dooday in uu ogyahay siyaasiyiin iyo hoggaamiyayaal xoogan oo ogol in Somaliland la aqoonsaddo oo ay madaxbanaanaato. Laakiin, habkii taas loo marayay laga rabo Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.