Isbahaysiga Musharaxiinta KULMIYE Oo Qaadacay Guddida Madaxweynuhu Magacaabay Kuna Adkaystay Mowqif Cadaallad Doon Ah

0
21
PropellerAds

“Ninka xukuumadii uu xisbiga u ahaa badh ka tegay, ee ku xigeenadiisii ka tageen, ee ku xigeennadii Baarlamaanka, Xildhibaanadii iyo Golihii Dhexeba halkan fadhiyaan, ee wali leh waxba inagama qasna” Xirsi Cali 

Hargeysa, Somaliland, November 3, 2015 (Saxafi) – Is-Bahaysiga murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ayaa shalay Magaalada Hargeysa ka sameeyay madal ay mar kale ku soo bandhigeen tabashooyinkooda la xidhiidha qaabka loo waddo abaabulka Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas.

Madashan oo ay isugu yimaadeen inta badan xubnaha Golaha dhexe iyo guddiga fullinta Kulmiye ayaa waxa madaxda ka hadashay ka mid ahaa dad badan oo labeentii Xisbigaas ah oo ay ku jiraan labada guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf,  iyo sidoo kale laba ka mid ah hoggaanka Xisbiga Kulmiye, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) Iyo guddoomiye ku xigeenka Saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle,  Murashax Maxamed Biixi Yoonis, Murashax Cabdicasiis Samaale, Murashax Axmed Cabdi Kijaandhe, murashax Faarax Cilmi Geedoolle oo madaxweyne ku xigeen doonaya inuu u tartamo, Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ah wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, Wasiir ku xigeenkii hore ee dib u dajinta Nimco Xusseen Qowdhan iyo dad badan oo kale.

Sidoo kale, waxaa madasha fadhiyay tirobadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee xisbiga KULMIYE, tiro lagu sheegay 211 xubnood oo ka mid ah Golaha Dhexe ee KULMIYE, Taageerayaal aad u badan, Madax-dhaqameed, Haween iyo dhallinyaro.

Ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo oo madashan ilyartu is qabatay ka hadlay ayaa tilmaamay in ujeedada kulanku tahay in la isu waramo, waxaa kale oo uu cadeeyay inay ku dhagan yihiin mawqifkooda ay ku raadinayaan in xisbiga si xor iyo xalaal ah loogu tartamo cida murashax u noqonaysa, islamarkaana ay taas ku celcelinayaan, “Golaha dhexe xoogiisi halkan ayuu fadhiyaa 210  xubnood in ka badan ayaa fadhida” Ayuu yidhi waxaana uu sheegay inay haystaan Kooramkii iyo awoodii Xisbiga waxaana uu ku taliyay mar kale in laga noqdo qaabka shirka hadda la wadaa uu u socdo.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Murashax Maxamed Biixi Yoonis oo isna madashan ka hadlay waxaa uu ugu horeyn sharaxay sababihii keenay inay iska casilaan xilkii ay hayeen, waxaana uu tilmaamay in ay qaranka horayso iyo danbeysaba wanaagiisa ka shaqaynayaan oo aanay wax dibin daabyo ah ugu maqnayn, islamarkaana ay u cuntami weyday qaabkii Madaxweyne Siilaanyo u galay hawsha Xisbiga. “Dhexdhexaadnimaddii madaxtooyadda iyo maamulkii oo la afduubay markaanu aragnay waxaanu goosanay in aanaan la sii shaqeyn karrin Xukuumadda, maadaama Madaxweynihii oo toban meelood ka yidhi dhex baan ahay uu dhexnimaddii ka baxay, waxaa noo cadaatay in aanaan la sii shaqeyn Karin, waayo is aaminaadii ayaa meesha ka baxday. Mana nihin dad inqilaab wadaye waxaanu nahay dad dalkan wanaagiisa jecel oo aad iyo aad uga soo shaqeeyay sidii uu wax u noqon lahaa,” ayuu yidhi Maxamed Biixi, waxaana uu intaas ku daray oo hadalkiisa ka mid ahaa, “Annigu waxaan ahaa Wasiirkii arrimaha dibada ee dalka waxaa ugu weyn ee aan iibin jiray waxaa ay ahayd, Nabad-gelyadda, horumarka iyo dimuquraadiyadda halkii ayaanan ka sii wadayaa. Waad ogtihiin, waxaan ahaa qofkii ugu sareeyay ee Soomaali ah ee nabadaynta dunida iyo cadaalada heer sare ka gaadhay, shaqadayda ugu weyn ayay ahayd nabadgeliyadda iyo cadaaladda. Ninka Nabada Caalamka dunida oo dhami ku aamintay marna kuma dhaco inuu dalkiisa u ogolaado dhibaato. Waxaanan dalkan u immid inaan u hoggaamiyo meel wanaagsan oo horumarkiisa wax ka qabto, markaa marnaba nagama suurtowdo anniga iyo raggan kaleba in aanu wax yeelayno dalka.” “Haddii aanay cadaaladi jirin oo aanay dhex-dhexaadnimaddii jirin iyo dimuquraadiyaddii aan habeen iyo maalinba dunida u bandhigayay ee aan ku amaanayay Somaliland ee aan lahaa doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa dhacaysa markay muuqan weyday ayay timi inaan ka baxo shaqadii oo aan idhaa arrintani inama anfacayso. Ujeedadaydu waxaa ay ahayd, in uu dhaco tartan la wadda arko oo cadaalad ahi oo loo simanyahay, oo aanu noqon tartan maamulkii jiray cid u afduubayo taas oo aanaan aniga iyo raga ila midka ahi marnaba ogolaan karrin.”

Maxamed Biixi Yoonis waxaa kale oo uu ka hadlay wax qabadka uu dalkan u soo galay, waxaana uu yidhi. “Dad badan ayaa yidhaa Maxamed waa qurbo-joog, waa run qurba-joog waan ahaa, laakiin muddo dheer ayaan dalkan ka soo shaqeeyay oo aan macalin ka soo ahaa oo rag badan oo halkan fadhiya ayaa ardaydaydii ahaa… Waxaan ka hawl-galay oo aan aad iyo aad uga shaqeeyay shirkii Boorama. Shirkaas Kow iyo tobankii kun ($ 11,000) ee lagu unkay qabashadiisa ninkii u soo ururiyay ayaan ahaa ee u soo diray Alla ha u naxariistee Sheekh Ibraahim iyo Saleebaan oo halkan joogay dedaal badan ayaanu gelinay, markii la dagaalamayayna ragga dhaqaalaha ugu badan ku bixinayay ayaanu ahayn. Markii danbena 1993-kii waxaan ahaa ninkii Saddex milyan oo dollar u keenay Somaliland, ee halkaas maanta curyaamintu tahay lagu bilaabay oo boqolaal qof oo caguhu go’een loogu sameeyay caggaha Cabdiraxmaan Aw Cali oo madaxweyne ku xigeen ahaa ayaa joogay oo aan xadhiga ka jaray illaa maantana waa ay jirtaa aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah, waxaa iigu murugo weynayd maalintaas inan yar oo Lix jir ahayd oo la yidhaa Faadumo Biixi oo Iskuul loogu magac daray imika ayaanu labadda Lugood u xidhnay aniga iyo Cabdiramaan anaga oo ilmaynayna. Wax qabadkaas waan sii wadaynaa anigoo aaminsan in aan leeyahay awoodii iyo aqoontii iyo xidhiidhadii aan dalkan meel wanaagsan ku gaadhsiin lahaa.” Ka sokow tan waxaa uu ku taliyay in dib arrinta loogu noqdo xisbiga.

Sidoo kale, Murashax Maxamed Cabdi Kijaandhe oo isaguna ka hadlay madasha ayaa tilmaamay in aanay ku gelayn qaabka Xisbiga shirkiisa loo waddo. Waxaa kale oo uu xusay guddiga habeen hore madaxweyne Siilaanyo u magacaabay khilaafkan, waxaana uu akhriyay qoraalka Madaxweynuhu ku soo saaray oo uu sheegay inuu ka turjumayo mawqifka madaxweynaha oo weli sida uu sheegay dhinac ka raran. “Waxaa kale waa iska araare, waxaa uu ku yidhi Madaxweynuhu guddiga waxaan idiin magacaabay inaad si madaxbanaan u hubisaan eeg maaha inaad soo xalishaan waa inaad hubisaan inuu jiro wax qaladaad ahi, wixii aynu bisha ka hadlaynay oo dhan ayuu shaki geliyay. Warqada Madaxweynuhu soo qorayna waa taas oo maaha mid xalinaysa dhibaatada ka dhex jirta Kulmiye noomana cuntamayso” Ayuu yidhi.

Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah murashaxiinta madasha ka hadashay ayaa isna taariikh dheer oo xisbiga iyo madaxweynahaba ay isla soo mareen ka waramay, waxaana uu tilmaamay in ay u han weynyihiin xisbiga balse ay qabaan saluug, waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha uu hore uga aqbalay inuu ka tanaasulo oo uu Guddoomiye nimada oo uu muddo u soo diyaar garoobayay uga hadho Muuse Biixi. “Waliba waqtigaas afeef ayaan dhigtay aan leeyahay, tartanka danbe yaanay dhicin iyo waayahay.” Ayuu yidhi, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha looga fadhiyay inuu dhex ahaado, waxaa kale oo uu xusay in murashaxiintan waxaa is raaciyay ay tahay cadaalad doon iyo ficilka madaxtooyadda oo dhinac noqotay ka dhashay.  Waxana uu tilmaamay in aanay tagayn shir sidaas ku socda oo loo baahan yahay in la xalilo dhibaatada oogan. “Ragga musharaxiinta ah waxaa laga qaadaa Lacag, ilaa hadda ragayaga musharaxiinta ah ilaa hadda nalama waydiin lacag, waayo waxaa la diidan yahay musharaxnimadayada. Haddii shirka sida 10-ka bisha loogu qoondeeyay laga bedeli waayo horta intayadaas midna ma tagayo ee ogaada. Siday hadda ku socoto, hadday tahay afduubkaas anagu tagi mayno. Haddaanu tagi wayno waxa dhacaya ayaan idiin sheegayaa, saddex xubnood oo gole ka fuul ah ayaa la keeni doonaa oo bedela saddexdayadan si tartanka loo qurxiyo ee bal taas meel ku sii qorta, waayo ragga tartanku dhab ka yahay marka la diido waan in wax u eeg tartan uun la sameeyo,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

“Maanta waxay taagan tahay musharaxii Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen yaan lagu tartamin oo aan sare loo qaadayne si hoose loo leeyahay. Malaha waxa qurux badnaan lahayd in madaxweynuhu musharaxiinta u yeedho uu yidhaa shalayba Muuse in guddoomiyenimada lagula tartamo waan u diidaye maantana musharaxnimada yaan lagula tartamin. Dhibkan iyo buuqanba ma dhaceen. Ololaha intaas oo sanno socday xoog iyo xoolo laguma waayeen.”

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in aan la yaraysan karrin awoodda shirkan shalay isugu timi, Islamarkaana jidka guuldaradu yahay inaad dadka yaraysato. “Nin baa la yidhi Ragg ka waran, waxaa uu yidhi wixiisana u daa waxaana ugu dar, waa lagu celiyay haddana oo waxaa la yidhi ku noqo, wuxuu yidhi waxa iga yaqaan ninka sagaal nin oo walaalo ah siddeedna dilay kii sagaalaadna u xidhan yahaye hala weydiiyo. Immika Ninka xukumaddii uu xisbiga u ahaa badh ka tagay, ee ku xigeennadiisii ka tageen ee ku xigeennadii baarlamaanku halkan fadhiyaan, ee guddidii fulinta badankeedii ka tageen, ee musharaxiintii la tartamaysay halkan fadhiyaan ee golihii dhexe ka tageen ee wali leh waxba inagama qasna ee inoo wada bal bari aynu taariikhda eegno,”  ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Odayaal iyo madax kale oo xoog leh ayaa iyaguna madashaa ka hadlay, waxaana ay ku nuux nuuxsaddeen baahida loo qabo in arrimahan la xalilo.

Daawo Khudbadihii halkaas laga jeediyay oo Muuqaal ah:

Xildhibaan Waabeeye

Xildhibaan Axmed Kijaandhe

Musharax Cabdicasiis Samaale 

Musharax Maxamed Biixi

Musharax Faarax Geedoole

Marwo Nimco Qawdhan

Xirsi Cali X. Xasan

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.