Murashaxiinta Is Bahaystay Ee Kulmiye Oo Jawaab Sharciyeed Ka Bixiyay Fariin Loo Soo Diray Iyo Saylici Iyo Muuse Oo Ajiibay

0
14
PropellerAds

Saylici Muxuu Ka Yidhi Su’aalaha Ka Taagan Ku Xigeenimada Uu Jantay, Muuse Biix-se Muxuu U Hayaa Ragga Ka Soo Horjeeda?

Hargeysa, Somaliland, November 6, 2015 (Saxafi) – Murashaxiinta is bahaystay ee Kulmiye ayaa jawaab adag oo sharciya ka bixiyay fariin Madaxda xisbigaasi muddo ugu qabatay inay ku yimaadaan xarunta.

Dooda Murashaxiinta

“Anagoo ah musharaxiinta hoos ku saxeexan ee Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga uga sharraxan jagooyinka musharaxa madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Golaha Dhexe, waxaanu halkan kaga jawaabaynaa qoraal war-saxaafadeed ahaa oo laga soo saaray Xafiiska Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo warbaahinta loo soo mariyey musharaxiinta danaynaysa inay jagooyin uga tartamaan shirka Golaha Dhexe ee loo muddeeyey inuu qabsoomo 10-ka November, 2015, laguna wargelinayo musharaxiinta in ay saddex cisho gudahood ku yimaaddaan xarunta xisbiga si loogu sheego shuruudaha u yaalla musharraxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda.

PropellerAds

Haddaba, waxaanu u aragnaa in tallaabadani ay tahay tallaabo kale oo cid aan awood sharci u lahayni ay si badheedh ah u maroorsanayso. Waxaanu ognahay in xeerarka khuseeya musharaxiinta jagooyinka Madaxweyne, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ay yihiin Dastuurka Qaranka Xeer Lr 20/2001 iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe ee xisbiga, shuruudaha laga doonayo musharaxiintaasina ku qeexan tahay xeerarkaas, iyadoo xeerarkaasina yihiin kuwo cid kasta oo danaynaysaaba haysato. Sidaa darteedna aan loo baahnayn in nalooga yeedho xarunta xisbiga si naloogu sheego wax aanu ognahay.

Waxa iyana muhiim ah in la ogaado in aanu Xoghayaha Guud ahayn ciddii buuxinta shuruudaha xeerarku u dhigeen musharaxiinta ku hubin lahayd.

Qodobka 16aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Dhexe ee xisbiga, farqaddiisa 4aad, waxay qeexaysaa sidan: “Iv. Guddi gaar ah oo guddoonka Golaha Dhexe ee xisbigu magacaabo, Golaha Dhexena ansixiyo ayaa musharaxiinta ku hubinaysa shuruudaha kor ku xusan.”

Isweydiintu waxay tahay ma jirtaa guddidaa gaarka ah ee ay jidaysay farqadda (Iv) ee qodobka 16aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbigu?

Jawaabtu iyadoo cad, haddana waxaanu kooxda shirka toocsanaysa ee debedda uga baxday xeerarkii xisbiga u sheegaynaa in guddidii lagala xidhiidhi lahaa musharaxnimada jagooyinka looga tartamayo Shirka Golaha Dhexe ay ku xidhan tahay shir loo dhan yahay oo inoo qabsooma oo marka hore doorta guddoonkii Golaha Dhexe ee guddidaa gaarka ah magacaabi lahaa, dabadeedna uu guddidaa gaarka ah ee xisbigu shirkiisaa ku ansixiyo kadibna ay guddidaasi hawl-gasho, natiijada hubintana ku soo celiso guddoonka Golaha Dhexe si uu isna ugu bandhigo shirka.

Maaha qodobkani ka kaliya ee illaa hadda la jabiyey, waxa qodobbada xeer ee hore loo jabiyey ka mid ah qodobka 33aad ee Dastuurka Xisbiga farqadiisa kh ee u dhigan sidan: (Marka laga reebo awoodaha dastuurkan xeer hoosaadka Golaha Dhexe iyo Go’aamada Golaha Dhexe ay siinayaan guddida fulintu waxay leedahay awoodaha soo socda:

“Kh. Waxay socodsiinaysaa hawl-maalmeedka Golaha Dhexe”

Ku gefidda qodobka 33aad (KH), waxay meesha ka saartay wada tashigii xisbigu caanka ku ahaa, waxaanay xisbiga u gacan gelisay koox dan gaar ah wada leh oo iyadoo aan xeer siinin muddeysatay shirka, cayimaadda taariikhda qaadashada kaadhadhka, u yeedhaysa musharaxiinta, illaa haddana iska wadata diyaarintii shirka, kuna talo jirta inay shirka iska maamulato, iyadoo aanay waxba kala socon Guddoomiy ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga ee shaqada la leh hoggaanka xisbiga intiisa kale, saddexdii musharax ee ka midka ahaa afarta musharax madaxweyne, musharax mdadaxweyne ku-xigeen, musharax guddoomiye Golaha Dhexe oo dhamaantoodba doonaya in shirku noqdo saaxad loo siman yahay iyo waliba xubnihii guddida fulinta ee shaqada maalinlaha ah ee xisbiga lahayd intoodii badnayd.

Sidaa darteed, mudane Madaxweyne, adigoo ah marjacii lagula noqon lahaa khilaafaadka laysku mari waayo ee ka dhex dhasha xisbiga iyo xubnaha hoggaanka ee goonida u diyaarsanaya shirka Golahaba, waxaanu halkan ugu sheegaynaa in yeedhmada musharaxiin loogu yeedhay Xarunta Xisbigu aanay ahayn yeedhmo ka soo baxday ciddii awoodda sharci u lahayd, anagana markaa aanay naga mudnayn wax tixgelin ah.

Waxa kale oo aanu mudane Madaxweyne mar kale halkan kuugu caddaynaynaa in aanu danaynayno sidii xisbiga Kulmiye usii ahaan lahaa Kulmiyihii la wada lahaa, taas oo ku iman karta uun talada oo cidda toocsanaysaa dhulka dhigto, Xeerkii Xisbiga oo loo soo noqdo, hay’adihii shaqooyinka kala lahaa oo loo ogolaado in ay mas’uuliyadooda gutaan.

Waxay mudane Madaxweyne, noogu muuqataa mowqif kasta oo aad ka qaadatay tartanka musharaxiintaba in aad wali tahay cidda qudha ee isku soo celin karta xisbigii, waxaanu markaa kaa rajeynaynaa inaad kaalintaada qaadato oo aad xal waara u raadiso mashaakilka ka jira xisbiga, lagana dhawro degdegga middi-roortayska iyo isku-dayada looga jeedo in lagu xalaalaysto shirkaas aan loo dhamayn.”

Waxaa ku saxeexnaa qoraalkan.

1 Maxamed Biixi Yoonis oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweynaha

2 Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweynaha

3 Cabdulcasiis Maxamed Samaale oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweynaha

4 Faarax Cilmi Maxamuud oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweyne Ku-xigeenka

5 Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo u tartamaya jagada musharaxa Guddoomiyah Golaha Dhexe.

Dooda Muuse Iyo Saylici Ee Shalay

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi Saylici oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE iyo gudoomiyaha xisbiga oo isna ah musharax madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inay ajiibeen yeedhmaddii Xogyaha guud ee xisbiga Xasan Siciid, isla markaana u gudbiyeen Araajiddiii musharaxnimo.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inuu doonayo inuu dhamaysto doorkiisa labaad ee madaxweynenimo ee dastuurku u ogol yahay.

Ugu horeyn Saylici oo ka hadlaya ujeedadda uu xarunta xisbiga u yimid waxa uu yidhi “Waxaanu u nimid yeedhmadaasi ay noo yeedheen qoladda hawsha wadatay, waxaanay noogu yeedheen way noo sheegeen, waxay ahayd in araajidii musharaxnimada aan u soo gudbino, lacagtii shubno Sabtida ayayna ku eegtahay mudadda loo qabtay, sida aad ka war qabtaana, waxaan ka mid ahay hogaanka xisbiga, shaqadda laftigeeda in aanu soo kormeero siday wax u socdaan iyo diyaar garow inaanu soo kormeero si fiicana way u socotaa”.

Mar la waydiiyey su’aal ahayd “Mudane madaxweyne waxay dadka qaar qabaan in ay kaaga haboonayd intaad madaxweyne ku xigeen u sharaxan tahay inaad madaxweyne isku soo sharaxdid ama siyaasadda iskaga nasato, dadka sidaas qaba maxaad ugu jawaabaysaa ayaa waxaa uu yidhi “Waa bani’aadam oo nin waliba si buu u fikiraa, anigu madaxweyne ku xigeen ayaan ahaa, dastuurkeenu wuxuu sheegay inuu qof kasta oo madaxwene ama madaxweyne ku xigeen ahi uu leeyahay inuu laba jeer tartamo, waxaanan doonayaa in hawshii aan qaranka u hayey shanta dambe u sii waddo nin waliba isagaa garanaya meesha u fiican ana waxaan u arkay inaan madaxweyne ku xigeenkaygii mar kale isku soo sharaxo”

Mar la waydiiyey in musharaxa kale ee kula tartamay ee wasiirka Caafimaadku hadii uu ku guulaysto inuu u hanaynayo, waxa u yidhi “Xisbi dimuqraadi ah ayaanu nahay, wixii xisbiga ka soo baxa cid waliba way ku qasban tahay, ”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay inuu musharaxiinta kale ka dalbanayo inay kulmaan, isla markaana garnaqsadaan kii gardarana uu khaladkiisa qaato.

Ugu horeyn Muuse Biixi oo ka hadlaya ujeedadda ay u yimaadeen xarunta KULIYE, waxa uu yidhi “Waxaanu u nimid xoghayaha guud ayaa noo yeedhay oo wixii shuruuda ah looga baahnaa noo sheegayay, wixi ay na farayeena way na soo fareen, arjigayagii waanu geynay wayna ku mahadsan yihiin”.

Gudodomiyaha waxa la waydiiiyey sababta uu musharaxiinta kale hab odaynimo ugu dhamayn waayey khilaafkoodda, waxaanu yidhi “Imikaan u baahnahay walaladayo, waxay ka cabanayaana diyaar baanu u nahay inaanu xalino”.

Mar uu ka jawaabayay inuu shirkii dib u dhacayo iyo in kale, waxa uu yidhi “Shirkii wakhtigiisii ayuu dhacayaa, qoladii gacanta ku haysay waa kuwan noo yeedhay hadda araajiadii ayaanu dhiibnay, sabtidda hadii aanu ka dambeyno waxa la yidhi wakhtiga idinka dhacaya, cidii shirka wayday waxay noo sheegeen in aanan daqiiqad ka daahin sabtida galinka hore”.

Gudoomiye Biixi ayaa warbaahinta u marayey Baaq ku jihaysan musharaxiinta kale, waxaanu yidhi “Saxiibaday waxaanu ugu baaqaynaa in aanu isku nimaadno oo xafiiskii xarunta iskugu nimaadno, wixii dhaliil ah farta isku saarno oo waliba anigoo gudoomiyihii ahaa wixii khalad ah ee aan sameeyey farta ii saaraan ama la I tuso oo aan qaato, waana rag loo baahanyahay, waana in xarunta xafiiska ku wada hadalno haddii ay halkaasi doonaa dibada waanu ugu tagayna”.

Si kastaba ha ahaatee, isbahaysiga musharaxiinta ayaa iyaguna wali ka gaws qaniinaya inay tagaan xarunta xisbiga, iyagoo sheegay in aanu doorashadaasi cadaalad u dhaceen, isla markaana madaxweynaha ku eedeeyey in aanu dhex ka ahayn musharaxiinta xisbiga KULMIYE oo uu dhinac la safan yahay.

Daawo Madaxweyne Ku-xigeenka Saylici: 

Daawo Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi:

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.