Ambassador Cawil Oo Ka Waramay Sheeko Dhexmartay Isaga Iyo Madaxweynihii Hore Ee Djibouti

0
11
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland November 9, 2015 (Saxafi)-Wasiirkii hore Maaliyadda ee Dawladdii Rayaale Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ka sheekeeyey qaabkii Somaliland u luntay lixdankii iyo sababta ay uga badbaadeen saddexdii gobol ee Soomaaliyeed (Jabuuti, Killka shanaad iyo waqooyi bari Kenya).

Waxa kale oo uu ka hadlay sheeko dhexmartay madaxweynihii hore ee Jabuuti iyo isagoo wakhtigaasi ahaa safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in siyaasad aan khilaaf lahayni aanay siyaasad ahayn, isla markaana uu tilmaamay in siyaasaddu ku fiican tahay in la kala aragti duwanaado, balse la ilaaliyo qadiyadda Somalilnad iyo jiriteenkeedda.

PropellerAds

AMB CAWILSidaasna waxa uu ka sheegay mar uu shalay ka hadlay xil wareejintii wasaardda Duulista, waxaanu xusay in loo baahan yahay in la isku qiro waxqabadka hadba masuulka iyo xukuumadda joogta samaysay.

Wasiir Cawil oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxyaabo badan oo dalka inaga soo maray had iyo jeer khilaafkeena siyaasadeed yaanu ina ilowsiin, qadiyadd culus ayaa inoo taala oo xajmigeeda leh oo cadowgeeda leh oo hadaynaan midnimo kaga bixin aynaan meelna gaadhayn. Dowladnimo ayaa inaga luntay lixdaankii baynu lalaabanay oo Xamar aynu geynay. Dariiq dheer ayaynu soo marnay oo halgan ah oo dhibaato leh oo burbur leh oo dhimasho leh oo jacdad badan leh, mar walba waa inaad xasuusnaato wixii shalay toole aynu soo marnay umada taariikh dheer isku xidha oo ay ku iloobaan duruufo siyaasadeed ee maalmeedka ah ee markaa jirey. Waxa ay umadu ku ilowdaa marka ay dib u eegto wixii ay soo mareen halgankii dheeraa, umadaha taariikhda isku xidha, umada had iyo jeer waxa aan ku tuhmaa shalay toole iyo Baritoole ma laha ee waa maanta uun fursaddu, waxa loo baahan yahay inaynu ogaano in dariiq dheeri ina sugayo, ictiraafkii ina sugayo. Dowlada maanta jirtaa horumarka ay gaadhay waa horumar ummadu qaranku uu leeyahay weeye, inaynu isu qirno wixii dowladu qabatay ee ay keentay oo wasiirkii keenay waa in loo qiro oo waa loo baahan yahay. Khilaafka siyaasadeed waa maamul waa kubada ay labada kooxood wada ciyaarayaan ay isku xanaqayaan, marka ay kubadu dhamaatana la isa salaamayo. Jibadii lixdankii inaga tuurtay lixdankii dowladnimadeeni waa inaynu ka kornaa oo ka sara kacnaa, waxa aan isbarbar dhigaa had iyo jeer jibaddii beriga lixdankii ina haysay ee israaca Soomaaliyeed ee Soomaali weyn iyo dareenka umada reer Djibouti ku jiray markaa ee aan jibo aan lahayn ay dowladnimadoodii doonayeen inay meel ku hubsadaan. Waxa aan xasuusta anigoo ah safiirka Nairobi ayaa waxa Taar la ii soo direy la leeyahay Xasan Guuleed (Madaxweynihii Djibouti wakhtiga) ayaa waxa ku soo maraya iyo Axmed Diini oo ku socda Dari Salaam shirkii AU-da, madaarka markii aan ka soo qaaday guriga ayaan casho ugu sameeyey habeenkii. Waa Xasan Guleed, Axmed Dinii iyo Safiir ku xigeenkayga safaarada oo ahaa nin Ciise ah oo la yidha Daahir Ciisood. Marka aanu cashaddii u fadhiisanay buu Daahir Ciisod ku yidhi Xasan Guuleed, adeer Xasanoow iska hadla ninkani waa saraakiishii Inqilaabka reer waqooyiga, marka si nefis ah u hadla. Markii uu sidaa yidhi Axmed Dinii ba hadalkii qaatay wuxu yidhi, waxa ilaahay umad abuuray, anigu Canfari baan ahay buu yidhi. Waxa ilaahay umad abuuray cid Soomaali naga xigtaa ma jirto, laakiin Soomaali ma ihi, haddii uu Xasan Guleed intiisa badweyn Soomaaliyeed geeyo ana intayda waxaan la tegi doona meel uun baan la tegi buu yidhi. Xasan ba hadalkii qaatay, wuxuu yidhi safiir horta markii aad israacdeen koonfuur maxay idiin siiyeen, ma laba wasiir ma mid ma sadex. Intii aanan jawaabin, wuxu yidhi wuxuu Allah noogu sahlay calankan (Calanka Jabuuti) anigu ma lihi, caruurtaydu ma laha, qoyskaygu malaha, beeshaydu malaha umad baa leh. Aniga iima taalo, umada Djibouti ayay u taalaa meesha ay geynayaan (Midnimada), sidiina igama suurowdo buu yidhi in shan nin umad calankeedii, masiirkeedii iyo mustaqbalkeedii ay shan nin saxeexaan bahasha buu yidhi. Umad baa leh buu yidhi iyaga ayay u taalaa, waa inta anagu jibaddii na ilowsiisay ee ahayd umad baa calankan leh, iyaga ayay u taala waydiiya iyaga. Waxa markaa weeye aan ujeedaa waxaad arkaysa Soomaalinimadii halka ay ka dhimatay, waxa weeyee Muqdisho ayay ka dhimatay. Lixdankii israaci wixii ka dambeeyey, Soomaali mabay jirin, maalintii Israaca Soomaalinimadu, israacuna Soomaali-weyn la saqiirtay ayuu israaciinaa la saqiiray 1dii July maalinti uu dhashay israaci ba israaceenii iyo Soomaaliweyn ba dhimatay, markii qaybtii sidaa u qaybiyeen Oo ay dowladii la wareegeen oo ay noqon lahayd gobol Lowyacaddo ila Ceelayo gobol Badhasaab loo soo magacaabo badhasaab uu xukumo. Halka Soomaali ka dhimatay waa halkaa weeye, xaga Djibouti kamay badbaadin Soomaalinimo, waxa ay ku badbaaday Djiboutinimo. Kililka Shanaad kumu badbaadin Soomaalinimo wuxu ku badbaaday Ethiopianimo, NFD waxay ku badbaaday Kenyanimo ee daadkii ina qaaday ba wada qaaday. Waxa loo bahan yahay in mar walba aynu xasuusnaano wixi inaga lumay israaca koonfuureed aanu raacnay waxa ay inaga lumisay saaxibo badan oo inoo diyaar ahaa inaynu isku xidhano oo Ingiriiska oo qudha ah oo cidina mabay filayn dowladnimada la ina siiyey ee Ingiriiska ilaahay inaga siiyey, in cidlo lagu tuurayo cidna ismay lahayn. Waxa weeye hawl baa inoo taala oo wada jir baynu u baahanahay siyaasada maalmeedka ee khilaafka, siyaasada aan khilaaf lahayn siyaasad maaha. Siyaasad aan khilaaf ku jirin siyaasad ba maaha, waxa ay siyaasad u tahay waa khilaaf la kala aragti duwan yahay, han la kala leeyahay, waa garoonka kubada waxa ka weyn umada inaad marba xasuusnaato danta umada, nabad galyadeeda, wanaageeda iyo horumaarkeeda. ”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)