Sabankii Hotel Weerarka

0
15
PropellerAds

Xaaladaha nabad galyo daro iyo xirfadaha argagixisada ka hawl gasha dalka aynu jaarka nahay ee Somalia waxay soo martay heerar kala duwan. Ka sifayntii Muqdisho dadka aan ku abtirsan beesha Hawiye iyo dagaaladii Caydiid iyo Cali Mahdi waxa ahaayeen qaybtii hore wax noqday ciyaar daba dheeratay, qaybtii labaad waxay ku bilaabantay Ururkii Al-İtixaad ee Ethiopia ilahay ku saliday, iyo samaysankii sabankii dagaal oogeyaasha ama wixii adduunyada looga yaqaanay ‘War Lords in Muqdisho’.

Qarnigii tagay ama dabayaaqadii boqolkii sano ee ina dhaafay, Koonfurta Somaliya waxay ku macasalaamaysay qas, qalalaase iyo qalaanqal joogto ah oo ay ka dhasheen macluulo iyo kumanaan qof oo naftoodii ku waayay.

Qarnigan bilowday Koonfurta Somaliya waxay ku soo dhawaysay samaysanka ururkii la odhan jiray, ‘Islamic Courts Union’ iyo fariintii dad badan kalka iyo laabtooda kasbatay ee hal ku dhiga u ahayd, ” LADAGAALANKA SHAHAADO LA DİRİRKA“. Fariintaas iyada ahi dad badan ayay soo jiidatay, xaqiiqdiina jiritaanka Somaliland khatar culus ayay galisay, waxa jiray wadaado seef la booda iyo dhaliinyaro war laaweyaala oo fariinta u riyaaqay. Marka Ururka Maxkamadaha Islaamigu meel qabsanayaan waxay odhan jireen, “Dadkaa noo yeedhay“. Somaliland wakhtigaa dad badan oo ay suurogal ka tahay inay u yeedhaan ururkaa bilaa ujeedada ah way ka buuxeen.

PropellerAds

Sidii dadka loogu beer laxawsanayay shahaadada ayaa la difaacayaa ayaa waxa mar qudha soo if baxay urur argagixiso oo tabo iyo xirfado cajiiba adeegsanaya islamarkaana talo iyo tusaale ka helaya ururada argagixisada ee caalamiga ah. Somaliland dhowr jeer ayay weeraro dhiig ku daatay ka fuliyeen, laakiin way ku adkaatay baroonsinka ku aastaan sida Xamar Cadeey iyo Baydhabo Janaay. Waxa suurogaliyay laba arrimood.

  1. Dawladii uu gadh wadeenka ka ahaa Daahir Rayaale waxay dhaqaale badan gelisay sirdoonka iyo dhega-dhegaynta, waxay cilaaqaad iyo war is weydaarsi heer sareeya la samaysatay dawladaha jaarka. Islamarkaana Daahir Rayaale wuxuu mansabyada amniga ugu sareeya u magaacabay dad khibrad iyo aqoon buuxda u leh sida: Cabdilaahi Ciro, Xuseen Kenyaati iyo Alle ha u naxariistee Saqadhi Dubad. Isku soo wada duubo Somaliland illaahay wuu garab mariyay musiibadii maxkamadaha. Laakiin khatartii may dhamaanin.
  2. Dadka Somaliland oo noqday qaar foojigan oo wixii amniga dhaawacaya dhan uga soo wada jeedsada. Tiraba dhowr jeer ayay dhacday in dadku fashiliyeen guryo lagu abaabulayay qaraxyo waaweyn oo halaag keeni lahaa. Dhaqan ahaan bulshada Koonfurta iyo waqooyigu way ka duwan duwan yihiin, waliba markay timaado wax sheegida iyo dareenka wax wada qabsiga guud. Muqdisho waxa ka jira dhaqan caana oo la yidhaa, MA KASAYO, qofku way adag tahay inuu waxa uu og yahay sheego. Wax qarinta afka qalaad waxa lagu yidhaa ‘Culture of impunity’, waa dhaqan hadii uu bulshada ku faafo keeni kara inuu burburo amniga iyo kalsoonida bulshadu.

Qaraxii Saxafi HotelWakhti xaadirkan aynu ku jirno, Muqdisho maalin walba Hotel ayay Al-Shabaab gashaa oo dad ku xasuuqdaa, siday xaqiiqdu tahayna hoteladaa amaankoodu wuu adag yahay, laakiin, hadana weeraradu waa isdaba joog. Muqdisho uun maahee Kampala, Djabouti iyo Nairobi, weeraro culculus ayay ka fuliyeen, Hutelo waawayn ayay weerareen. Addis Ababa lafteeda weerar fashilmay ayaa ka dhacay. Waxa muuqanaysa in wararadoodii ay dhanka Hotelada u duween. Hoteladu waa meelaha dadku isugu yimaadaan ee ay khasaaraha ugu badan ka gaysan karaan.

Hadaba, Somaliland dhacdooyinkan maxay ka baran kartaa? Sidaan qabo Hotelada waawayn ee Somaliland amaankoodu wuu liitaa, cid kasta ayaa iska dhex mushaaxda, xaflado kumanaan qof ka qayb galaan ayaa lagu dhigaa. Laakiin wali ilahay waxba inagumuu keenin, waxbana inagu keeni maayo.

Hotelada iyo goobaha kale ee muhiimka ah amaankooda la adkeeyo ayuu damiirku ina farayaa. Waxa iyaduna muhiima in amaanka ilaalintiisa hawl culus ka galaan dad waynuhu oo wax kasta oo ay ka shakiyaan ciidamada amaanka u gudbiyaan. Mar horeba dadka Somaliland way fahamsanaayeen oo waa sababta ugu wayn ee Alshabaab bulshada u dhex gali kari wayday. İnkasta oo anan ahayn qof amaanka iyo ilaalintiisa aqoon buuran u leh hadna dhaqan aan dalkan Turkey ku arkay waxaan filayaa in amaanka ilaalintiisa uu horumarin karo.

  1. Boqolkii guri ee meel ku yaalba hadii loo sameeyo gudi mutadawac ku shaqaysa oo ka kooban dadka xafaada degan ee masuulka ah, gudidana lagu xidho saldhiga booliiska ee ugu dhow, haday arkaan guri lagu abaabulayo waxyaalo shaki lehna ay markiiba ciidamada amaanka wargaliyaan. Waynu ka badbaadi waxa hareereheena ka dhacaya.
  2. Ciidamada Booliska waxa qurux badan in loo sameeyo, hot line iyo ciidan mar walba diyaara oo marka meel wax la soo sheegaba aan maqaaxiyaha jaadka looga yeedhine diyaara oo tababaran.
  3. Dadka socotada ah ee dhamaan Hotelada yar yar iyo kuwa waawaynba degan waa inay jiraan qaab dadka degan tirakoobkooda, waxay yihiin iyo waxay wadaanba loola socdo. Islamarkaan waxa amnigu ku jiraa in aan qof aan Passport ama waraaqo sidan aan laga kirayn Hotel.
  4. Kantarooladeenu way iska furan yihiin, Gorayo heeryaysan ayaa kasoo gali karta. Ciidamada Kantaroolada waa in la xoojiyo.
  5. Qaabka guryaha loo kiraysto waa in wax laga badalo, waa in aan Jamac iyo Xadiyo kasta oo aan wuxuu yahay la garanayn guri laga kirayn. Waa inay jirtaa qaab dawladu ula socoto guryaha la kiraysanayo. Muqdisho dhamaan qaraxyada la abaabulo waxa lagu soo diyaariyaa guryo ay Alshabaab kiraysatay.

Waxa ugu muhiimsan qof kasta oo ajnabiya oo wadanka soo galayaa sharci kusoo galo, hadii uu dhulka kasoo galo waa in loo sameeyo xarun qofku tago oo iska diwaangaliyo, isagoo sheegaya sababtuu u yimid, halkuu degan yahay iyo mudada uu joogayo. Qofka u socda sabab macquula waa in lasoo dhaweeyaa oo inta uu joogana amaankiisa loo damaanad qadaa.

Dadka waa in aad loogu wacyi galiyaa in aanay la macaamilin qof bilaa sharci wadanka ku dhex mushaaxaya, oo wuxuu ka shaqaynayo aan cidİna sheegi karin. Waa in dadka iyo gaar ahaan Hotelada la seexdo lagu wargaliyaa in hadii ay la macaamilaan qof aan wadanka sharci ku joogin ay ganaax mudan karaan.

Xafiisyo badan oo nocaasa hadii wadanka laga furo xitaa shaqo abuur ayaa ka dhalan lahaa, cashuuraha dadka soo galaya laga qaadayo iyo ganaaxyada sharci jabiyeyaasha laga qaadayo ayaaba kumanaanka qof ee ka shaqaynaya mushahar u noqon lahaa dawlada ay wax uga soo hadhi lahaayeen.

Hadaynu ku shaqayno uun daacadi ma hungowdo khatar ayaynu ku suganahay.

AHMED MOHAMUD•SATURDAY, Herriot-Watt University, Edinburgh Business School, MBA. Gazi Univeristy, Department Of Social Science, Economic Development and Growth, Ankara, Turkey.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)