Ciidamada Iran Oo Weeraray Doon Budhcad Badeed Ka Afduubtey

0
27
PropellerAds
Ciidamada Iran – Garowe, Somalia, November 30, 2015 (Saxafi) – Ciidamada Badda dalka Iran ayaa weerar ku qaadey koox budhcad badeed ah oo doon Kaluumeysi kaga haysatey deegaanka Ceel Huur.

Doontaan oo magaceeda la odhan jirey FV Maxamad ayaa waxaa saarnaa 15 Kaluumeysato ah kuwasoo budhcad badeed afduubtey la tagtay deegaanka Ceel Huur oo hoos taga maamulka Galmudug.
Dad deegaanka ah ayaa sheegey in doontan ay soo weerareen diyaaradaha qumaatiga u kacaa, kuwasoo ay u suurtagshey iney budhcad ka furtaan doontaas.
Ciidamada Iran Oo Weeraray Doon Budhcad Badeed Ka AfduubteyWararku waxaa ay sheegayaan in todobada ka mid ah budhcad badeedii la laayay, laakiin, warku ma tilmaamin in ay jiraan wax dhibaato ah oo gaadhay la haystayaashii doontaas ku xayirnaa.
Weerarkaas ayaa la rumeysan yahay iney ka dambeeyeen ciidamada Badda Iran oo ku sugan biyaha badda Cas.
Doonyaha dalka Iran oo kaluumeysi sharci daro ah ka sameeya xeebaha Somalia ayaa weerarkani noqonayaa kii ugu horeeyey ee dalka Iran ku soo furto dad maxaabiis ah oo ay budhcad badeed ka qabsatay.
Dalka Iran ayaa waxaa ka jooga Biyaha Badda Cas maraakiib dagaal kuwasoo isha ku haya dagaalka ka socda dalka Yamen.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.