Suuriyaan Sheegay In Somaliland Janno Gaaban U Noqon Karto Qaxootiga!

0
17
PropellerAds
Warbixin Ay Qortay Suxufiyada Katie Riordan
Hargeysa, Somaliland December 7, 2015 (Saxafi/CS Monitor) – War bixin ay ka qortay Somaliland haweenay weriye ah oo la yidhaa Katie Riordan ayay ku tilmaantay in boqolaal Suuriyaan ahi nolol dhaanta tan saaxiibadood ay kala kulmeen Xeryaha Qaxootiga ee daafaha dunida ay ka heleen dalkan aan la aqoonsan.

Warbixintan oo lagu baahiyay shabakadda wararka Internetka ee Christian Science Monitor ayaa waxaa ay u dhigneyd sidan: “Cabdulraxman Al Khalaf iyo xaaskiisa ayaa dib ula qabsaday durba sidii ay noloshoodii caadiga ahayd dib ugu soo celin lahaayeen, lamaanahan ayaa labaatan sanadood ka hor iyagga oo aan is qabin dalkooddii Suuriya uga qaxay cabsi ay ka qabeen xukuumaddi hore ee Xafeez Al Assad.
Qoys Suuriyaan ah oo Qaxootinimo ku jooga Hargeysa, Somaliland
Qoys Suuriyaan ah oo Qaxootinimo ku jooga Hargeysa, Somaliland

Waxaana ay u qaxeen dalka Yemen, iyagoo nolol ka sameeyey nolol raaxo leh oo ay ku korsadaan labadooda hablood, waxaana odaygu ka shaqeynayay oo uu maamule ka ahaa Hudheel uu ka qaato bil kasta $1,500. Sidaas oo ay tahay waxaa ay lamaanahani isha ku hayeen oo sheedda kala socdeen waxaa ka socda dalkoodii, ilaa la soo gaadhay Mudaharaadyadii sanaddkii 2011 gilgilay dunida Carabta, kaasoo dalkoodda Suuriya ka dhacay sidoo kale, islamarkaana aakhirkii isu rogay gacan ka hadal iyo dagaal riiq-dheeraaday oo lumiyay rajaddii ay ka qabeen inay dalkoodii mar uun ku laabtaan. Sidoo kale, billo ka dib waxa dalka Yemen ka dhacay bishii March isla sannadkaas dagaal barakiciyay shacabkii ku nolaa wadankaas. “Ma aanaan haysan meel kalle oo aanu tagno, aan ahayn halkan (Somaliland)” sidaana waxa yidhi Al khalaf isagoo ku sugan gurri cusub oo uu ka kiraystay Caasimadda Soomaaliland ee Hargeysa, Waxaa uu qorshaynayaa inuu furto meherad roodhida ah oo ka mid noqota bulsho ganacsigeedu kobcayo iyo assaska nolol cusub oo uu ka yagleelo dal aanu hore u maqal ka hor dhowr bilood intaan duruuftu keenin.

Yemen refugee collecting some amount from UNHCR in Hargeysa,Somaliland
Qaxootiga Yemen ka soo qaxay oo lacago caawimo ah oo ay siiso UNHCR safaf ugu jira Xarunta Oomaar ee magaalada Hargeysa, Somaliland

Iyadoo dagaallada sokeeye nafeeyeen dalkaas ayaa qaxoontiga Suuriyaanka ahi waxaa ay wajahayaan oo isku maqiiqaan wadamada la dariska ah oo adkeeyay ama xayiraadba saaray fiisaha sida Lebanon, Turkiga iyo Urdun, waxaana ay qaxoontiyadaasi la kulmaan sidoo kale gadood iyo cadho siyaasadeed xataa iyagoo ku sugan Maraykanka iyo qaarada Yurub, Taas oo sababtay in ay ka door bidaan dhul aanay hore u arkin ama aqoon badan u lahayn, sida dalkan goonida isu taagay ee Soomaaliland oo ay ku nool yihiin tiro cayiman oo qaxoonti ahi. “Waxa jira [malaayiin barokacayaal Suuriyan ah], uma sheegi karayno dadka dunnida anagu inay na caawiyaan waayo waabay na arkayaan xaalada aanu ku jirno.” sidaana waxa yidhi Cabdulqaadir Dabaq Kabawat oo ah dhakhtar ku dhashay magaaladda Aleppo ee dalka Suuriya, isla markaana mudo sannad ah degan Soomaaliland. Waxaana uu xirfadiissa kaga shaqeeyaa rugg caafimaad ama Radiology clinic, taas ayaanu ka door bidday in uu ku nolaado xeero qaxoonti. “Soomaaliland wajibkeeda ayay gudanaysaa, dadka Suuriyaanka ahna waanu ognahay sidii ay noogu qaabileen dalkooda Suuriya” sidaana waxa yidhi taliyaha laanta socdaalka Soomaaliland Maxamed Cali Yuusuf. Waxaana uu intaas raaciyay oo uu tilmaamay in ay Somaliland ku noolyihiin Qaxooti tiradoodu ka badan tahay 300 Suuriyaan ahi. Sidaas oo ay tahay adeegyadda dowladu ay bixisaa waa ay xadiddan tahay, balse waxaa Taliyaha waaxda socdaalku sheegay in dadka Suuriyaanka ahi ay heleen ama fahmeen sidii ay ugu noolaan lahaayeen Soomaaliland, in kasta oo ay ku adagtahay sidii ay hooy uga samaysan lahaayeen dalkan maadaama khayraadku kooban-yahay, ayna dareemayaan godoon ka dhashay dhaqanka bulshada Somaliland oo ku dhisan isku xidhnaan Isir iyo ehelnimo dadka ka dhaxaysa badankoodda.

Qaxootiga Yemen ka soo qaxay oo lacago caawimo ah oo ay siiso UNHCR safaf ugu jira Xarunta Oomaar ee magaalada Hargeysa, Somaliland
Qaxootiga Yemen ka soo qaxay oo lacago caawimo ah oo ay siiso UNHCR safaf ugu jira Xarunta Oomaar ee magaalada Hargeysa, Somaliland

Doorashadda Somaliland

Inta badan dadka Suuriyaanka ah ee soo deggay Somaliland ka hor dagaaladda Suriya, waxa ay ahaayeen rag ka shaqeeya Ilkaha iyo shaqooyin kale oo xirfadeed, taas oo ay ku buxinayaan faraqa ka dhiman dalkan oo ay ku yar-yihiin shaqaalaha xirfadlayaasha ah, islamarkaana ay ka jirto shaqo la’aan %70 oo haysata dhalinyarta. Balse, dagaalka Suuriya oo balaadhay ayaa soo koobay rajadii ay ku noqon lahaayeen guryahooddii oo aan ahayn suurta gal, taasoo ragii shaqaalaha ahaa ku kaliftay inay keenaan qoysaskoodii Soomaaliland.
Kuwa kale, sida Yaseer oo ah Injiineer ka soo jeeda magaalada Dier ez-zor ayaa ka maqlay asxaabtiisa in ay shaqooyin ka hili karaan Somaliland, isagoo dhinaca kalena arkayay nolsha asxaabtiisii gashay Xeryaha Qaxootiga ee Lubnaan ay ku noolyihiin. Waxaana uu go’aansaday inuu ka faa’iidaysto fursaddan halista ah maadaama dadku badi isku qaldaan Somaliland iyo Soomaaliya. “Waxa aan badhay Wikipedia, wow, waxa aan aminsanaa Soomaaliya in ay tahay meel xun. Waxaana ay iigu muuqanaysay anigoo dagaal ka baxsanaya oo u cararaya meel kale oo dagaal ka socdo.” Ayuu yidhi Yaseer oo codsaday inaan magaciisa oo dhamaystiran la xussin, isagoo ka cabsi qaba in amaanka qoyskiisa warkani khal khal gelin karo. Ka dib markii uu xaqiiqsaday in ay Soomaaliland tahay dal amaan ah oo madaxweyne leh, basaaboorna leh iyo lacag gooni u ah ayuu si deg deg ah u doortay dalkan, maadaama Soomaaliland baahi weyn u qabto in ay hesho Injineero fuliya mashaariic balaadhan sida koor u qaadida dhismaha madaarka Hargeysa oo sannadki 2012 dib loo habeeyey. “Mararka qarkood waxaan ka fikiraa asxaabtaydii hadaan u raaci lahaa Yurub oo badankoodu helay sharci qaxoontinimo, maxaan qaban lahaa hadaan tago halka?” ayuu yidhi Yaseer oo da’diisu 30 jir ah, islamarkaana aan xaas lahayn. Markii uu ku sugnaa Suuriyana turjumaan ahaan ugu shaqeyn jirey shirkad dhismaha ah, islamarkaana ka werwersan shaqada hadda uu hayaa marka ay dhamaato oo aanu awoodi doonin in uu lacag u diro qoyskiisa oo ku sugan mid ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan ururka Daacish ee dalka Suuriya.
Sidoo kale, Mr. Kabawat, waa Dhakhtarka eh, dhibaato tan la mid ah ayaa haysta, waxaana uu ka sii walaacsan yahay marka uu dhamaado Qandaraaskiisa oo shan bilood ahi, waxaa uu yeeli doono iyo sidda uu u maareyn doono xataa fiisaha uu ku sii joogayo dalka. Waxaana uu dareemayaa in fursado uu kaga shaqeeyo caafimaadku ay jiraan Somaliland oo muddo labaatan sanadood ah u baahneyd dhakhaatiir, laakiin, waxaa caqabad ku ah Qabyaalada.
Tan badalkeeda, waxa jira mid isagu ka duwan oo fikrad kale qaba, waa Al Khalaf, maamulihii hore ee Makhaayadda ku hayay Yemen oo aaminsan in Somaliland ay ka jirto fursad lagaga abuuri karo nolol cusub, xataa ka hor intaanu moofadda sameysan waxaa nolosha qoyskiisa dabarta macmacaan yar oo xaaskiisu ku sameyso gurriga oo laga iibsado. “Halkan waxaa ka jira fursado ganacsi oo kordhaya,” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray isagoo ka hadlaya saaxiibadiisa Suuriyaanka ah, “Meelnaba adduunka kuma noolaan kartid lacag la’aan.”
katie
Warbixin Ay Qortay Suxufiyada Katie Riordan

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.