Tuuggo Ku Cusub Hargeysa: Gaadhi Laga Furtay Taariikadiisii

0
23
PropellerAds
Hargeysa, Somaliland, December 10, 2015 (Saxafi)-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka waramay Tuuggo ku cusub magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in toddobaadkii hore gaadhigiisii oo gurigoodda horyaalla laga furtay labaddii baleydh ee gaadhiga taas oo uu muddo raadinayey.

Muwaadinka ayaa sheegay in gaadhiga noociisu ahaa Vitz numbarkiisa ahaa 67314, kaas oo uu waayey jaan iyo cidhib meel lala tagay, isagoo laamaha dawladda markiiba ogaysiiyey in laga xaday bileydhkii numbarka ee gaadhiga lagu aqoonsanayey.
Tuuggo“Gaadhiga oo horyaala guriga ayey kala baxeen labaddii number ee xaga hore iyo xaga dambaba kaga kaalay, ka dib markii aanu waynay ayaanu markiiba laamaha amaanka ku wargalinay in numbarkii gaadhiga la’nahay gaadhigana laga furtay”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed oo ah muwaadinka gaadhiga laga xaday bileydhka numarka gadhigiisa.
Tuugadda noocan ah ayaa noqonaysa mid ku cusub magaaladda, isla markaana aan la garaneyn sababta gaadhiga looga xaday iyo waxa ay ku fallayaan kuwo gaadhiga ka furtay.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.