Carwooyinkii Dhaqanka Soomaalida Ee Qarniyadii 19aad – 20aad Ee Yurub Iyo Ameerika

0
16
PropellerAds
Qaar ka mid ah taariikhaynta lugihii ballaysinka u noqday ee laangooyada u sameeyay jidkii ay soo raaceen kooxo Soomaali ah oo Yurub iyo Ameerika u tacabbira xoogsi ahaan iyo dhagax-dhiggii u furfuranka Soomaalida ee dunida, dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad.

Boodhari Warsame, cilmibaadhe madaxbannaan, ayaa arrimahaas mid ka mid ah u kuurgalay oo daraaso ka sameeyey dhowaan (taariikhda kooxihii Carwooyinka Dhaqanka Soomaaliyeed ee Yurub iyo Ameerika).
HORDHAC
Qarnigii 19aad waxa uu caan ku ahaa guurguurka dadyowga dunida xilligii Kacaankii Wershaduhu uu Yurub ka tisqaaday. Waxa uu ku beegan yahay xilligii gumaystayaasha reer Yurub qabsadeen quruumo badan oo dunida guudkeeda ah, si ay u helaan alaabta caydhiin ee ay wershadahooda cusub ay ku habi lahaayeen iyo suuqyadii waxyalaaha ay soo saaraan ku socodsiin lahaayeen. Waxa abuurmay xilliyadaas fursado badan oo shaqeed, adduunka na waxaa ka bilaabmay isbeddello dhaqaale oo waawayn iyo kuwa siyaasadeed iyo isu furankii ugu horreeyey dadyow aan is camal iyo caado aqoonnin.

Gumaystayaashii Afrika qabsaday waxa dabada ka riixayey damacyo siyaasadeed, dhaqaale iyo horseed diin fidineed. Gumaysigii Ingriisku wuxuu qabsaday Yemen 1839. Soddon sannaood ka dibna 1869 waxa la furay marin-badeedka muhiimka ah ee Kanaal Al-Zuways. Furitaanka suryo-biyeeddaasi waxa uu sahlay safarradii badda iyo in ay Soomaalida u fududaato in ay marinkaasi ka soo gudbaan, soona galaan qaaradda Yurub, waxa na jidkaas soo raacay kooxo ay ka mid ahaayeen badmaaxyadii Soomaalida ee shaqo tagga ahaa.
Qabsashadii gumaysiga ee dhulka Soomaalida iyo isu furankaas dunidu waxa uu abuuray kooxo noloshii miyiga ka magaalooba oo mushahar u xaadira, lana yimaadda xirfado ay ku xoogsadaan oo dunida looga baahday, sida askar ka mid noqota kuwii gumaystayaasha, karraanni ka shaqaysa xafiisyadii mustacmaradaha, badmaaxyada ka shaqayn jirey badda; maraakiibtii xammuulka iyo kuwii dagaalka ee gumaystayaasha, ganacsiyo gaar ahaaneed, iwm.
Kooxahaas Soomaaliyeed ee xirfadlayaasha cusub noqday mid walbaa meel ayay kaga toosaysay ka qaybqaadashada furfuranka iyo la falgalka dardarta la yimid ee dunida inteeda kale kala dhexeeya dadyawgii Afrikada Bari.
Haddaba, Soomaalida sida cad uga dhex muuqday xirfadlayaashaas cusub ee aan hore loo arag waxaa ka mid ahaa Soomaalidii ciidamada qalabka sida ee Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska ugu sahaqo tagtay siyaabo kala duwan; askar, badmaaxyo iwm, iyo kooxo carwooyin bandhig dhaqan oo ganacsi ah badaha kala tallaaba, Yurub iyo Ameerikana ka cagataagleeya, kol ba waddan iyo magaalo ka dabjeexa, carwooyin dhaqan oo sannado ay ku la wareegaanna dunida fog ka sameeya dhaqaale badan. Waa kooxdan dambe midda aan u dan leennahay ee aanay Soomaalidu war badan ama warba ka hayn ilaa imminka.
Bilowgii Carwooyinka iyo Waayahoodii Shaqo

Carl Hagenbeck (wikimedia Commons)
Carl Hagenbeck (wikimedia Commons)

Sannadihii 1884 iyo 1885 ayaa wakiillo ka socday Carl Hagenbeck oo ahaa ganacsade Jarmal ahaa Soomaalida la bilaabeen ganacsi ku saabsan carwooyinkaas iyo bandhigyo faneed maaweelo iyo dhaqan ah oo laga soo qaadayo Afrika, loo na soo waaridayo Yurub iyo Ameerika, si lacag looga sameeyo nooc madadaalo Yurub waagaa laga danaynayayna laga dhigto. Ganacsigaasi waxa uu ku soo sinmay horraantii 1930aadkii.
Carl Hagenbeck (1844 -1913) waxa uu ahaa ganacsade Jarmal ah oo u go’doomay soo urursiga ugaadha duurjoogta ah ee adduunka, gaar ahaan tan Afrika, kana ganacsada oo aqoonta xoolo dhaqashada isaga oo da’ yar aabbihii ka bartay. Waxa uu Jarmalka ka sameeyey beer xayawaan, Carl Hagenbeck’s Tier Park, ilaa waganna ku taalla magaalada Hamburg ee waqooyiga dalkaas.
Carl Hagenbeck waxa uu abaabulay 54 carwooyin, bandhigyo iyo xaflado maaweelo isugu jira oo dhaqannada dunida ku saabsan muddadii u dhaxaysay 1874 illaa 1913, markii uu geeriyoodey 1913 ka dib, carwooyinkaasi hoos ayay u sii dhacayeen, waa se sii socdeen ilaa muddo. Tusaale ahaan, 15 carwo oo keli ah ayaa dhacay intii u dhaxaysay 1913 illaa 1931, sida warbixinta baadhis-cilmiyeed ee Boodhari warsame weelaysay.
Laga soo bilaabo 1885 illaa horraantii 1930, waxa kooxo Soomaali ahi ka qayb qaadanayeen ganacsigaas carwooyinka oo suuq ku yeeshay waddamada Yurub intooda badan iyo Ameerika. Kooxaha Soomaalida oo badanaa laga soo qaadi jiray British Somaliland iyo French Somaliland, waxa ay ka koobnaayeen rag, haween iyo carruur ka kooban reero guuraya oo wata xoolahoodii, aqalladoodii (Aqal Soomaali) oo aan dhegaati ka maqnayn, waaxyihii iyo agabkiisii u dhan yahay, maacuun, gogol iwm. Intaa waxaa u weheliyay dhammaan noocyada xoolaha oo duur- iyo dab-joog isugu jiray.

Aqal Soomaali agabkiisii u dhanyahay oo Carwooyinka lagu soo bandhigi jiray – ©Kaydka Boodhari Warsame
Aqal Soomaali agabkiisii u dhanyahay oo Carwooyinka lagu soo bandhigi jiray – ©Kaydka Boodhari Warsame

Carwooyinku waxa ay ahaayeen ganacsi qayaxan oo dhinacyada ay ka dhexayso mid walbaa dano dhaqaale ka lahaa. Waxa lacag laga samayn jirey daawashada Soomaalida iyo dadyaw kale, dharka ay xidhan yihiin, hoygooda, qalabkooda, aqalladooda, xoolahooda, diintooda iyo hannaanka noloshooda oo dhan. Carwooyinkaasi waxa ay barbar socdeen kuwii xayawaanka ee loo soo daawasho tegi jirey ama hadda ba weli lagu soo daawado beeraha lagu xannaaneeyo, si dalxiisayaashu uga il-bogtaan.
Intii ay ganacsigaa ku jireen, Carl Hagenbeck iyo xertiisu ma cidhibtirin keliya ugaadh badan oo dab iyo duurjoogtii Afrika ka mid ahayd, waxa se kale oo ay baabi’iyeen kaymihii u gaarka ahaa ee ay ugaadhu ku noolaan jirtey. Markii dambe na waxa ay uga sii gudbeen in ay sidii ascaartii ay dhoofinayeen ama xawayaankii ay soo qafaalanayeen u soo waaridaan dadyawgii ku noolaa dhulalkii ay kala boobayeen ee qaaradda madow, korkooda iyo kashoodana uga ganacsadaan si bahdil iyo nuqsaamin ku ah harqadda (dunta) sharafta iyo milgaha dadnimo!
Carwooyinku waxa ay ahaayeen muuqaallo meelmarinaya oo si ruuxi iyo nafsaani ah u badhitaaraya siyaasaddii kala sarraynta iyo qorshihii xeeleed ee gumaysiga gundhigga u ahaa. Quudhsiga ka sakow, dhiig-miirad ganacsi ku lifaaqan ayaa lagu soo ururiyey qoysas Afrikaan iyo dadyaw kale ah iyo hantidoodii, nool iyo mood ba, oo la keenay suuqyada Yurub, si loogu daawado dhaqannadooda. Afrikaan kaliya ma ahayn e ummado badan oo dunida dacalladeeda la ga kala keenay ayaa ganacsigaas lagu soo xidhay oo ka qayb qaatay. Waxaa la odhan karaa, halka maanta filinka iyo sineemadu ka joogaan dunida aya waagaa carwooyinkaasi ka joogeen Yurub oo fursad u heshay in ay sheekooyin iyo dadyaw ay dhegta uun ka maqli jireen si toos ah dadku u daawadaan dhib iyo safar dheer la’aan.

Xirsi Cige (horjoogaha baashaday) iyo colkiisii oo goob bandhig heegan ku ah – © Kaydka Boodhari Warsame
Xirsi Cige (horjoogaha baashaday) iyo colkiisii oo goob bandhig heegan ku ah – © Kaydka Boodhari Warsame

Waxaa iyana xusid mudan in kooxihii Soomaalida ahaa ee carwooyinkaas ka qayb qaadan jiray ay in badan ka badbaadeen dhagaro foolxumaa oo lagu la kacay kooxo dadyaw kale ahaa oo siyaabo badan ugu waxyeelloobay intii ay shaqadaas ku jireen. In kasta oo hawshani la xidhiidhay mashruucyadii dadbanaa ee gumaysiga, Soomaalidu dhiirraanaan iyo dan qunsi ujeeddo cad leh ayay kaga hor tageen oo kaga gudbeen caqabado badan oo soo foodsaaray intii ay shaqadaas ku dhex jireen. Tani se micnaheedu ma aha in aanay mararka qaarkood dhib dhan walba leh kala kulmin shaqadaas.
Sida cilmibaadhistani soo bandhigayso kooxaha Soomaalidu waxa ay ka mid ahaayeen kooxihii Afrikaanka kuwii ugu xiisaha iyo soo jiidashada badnaa ee loogu jeclaa dalalkii ay booqdeen. Carwooyin iyo muuqallo ayay ku soo bandhigi jireen beeraha madadaalada iyo tamashlaha, suuqyada, tiyaatarrada, maqaaxiyaha iyo beeraha xayawaanka. Kooxaha Soomaalida oo kooxdii ba ka koobnaan jirtay 40 – 120 qof oo isugu jirta dhammaan xubnaha degaan Soomaaliyeed lagu yaqaan oo da’ walba lahaa oo qalabkoodu u dhan yahay dhan walba.
Ka ganacsiga bandhigyada dhaqanka waxaa Soomaalida u wehelinayey ganacsi kaas garab socday oo ku jeeday duurjoogta dalka nooc walba oo waagaa si aabeyeel la’aan ah Yurub loogu guri jiray.
Kooxahaa Soomaalida waxaa ugu weynayd, ugu na caansanayd, sida warbixintu tusayso, koox ka soo shaqo tegi jirtay British Somaliland (Berbera) oo loo yaqaanney kooxdii Chief (hormuud) Xirsi Cige Gorse oo ahaa ninkii muddadii ugu dheerayd (ilaa 40 sannadood) Carl Heganbeck kala shaqeeyey oo la suurto galiyey in kooxo Soomaali ah loo soo waarido Yurub si jumladaysan; rag, haween, carruur, xoolo iyo agabyadoodii iyo qalabyadoodii ba, si dhaqaale looga sameeyo. Ilaa 120 qof ayay kooxdaasi ka koobnayd. Waxa ka mid ahaa xaasaskii iyo carruurtii badnayd ee Xirsi Cige. “Degmo Soomaali” (Somali Village) ayay ka samaysan jireen ama looga yagleeli jiray meelaha ay carwooyinka ku soo bandhigayaan. Aqal Soomaali, mutullayaal iyo carshaan ayay meelahaas ka dhisan jireen. Guryahaasi mar waxa ay ahaayeen muuqaallo loo soo daawasho tago oo lacago badan laga bixiyo si loo arko waxa ay ka samaysan yihiin, maacuunka iyo agabka hoos yaalla, mar kale na waxa ay ahaayeen meel ay qoysaska Soomaalidu ku nool yihiin oo degaan iyo hoy u ah. Kooxdan waxaa loo malaynayaa in ay tahay tii uu la socdey wadaad Cadan uga soo raacay in uu carruurta Qur’aanka ugu dhigo oo la oran jiray Maxamed Nuur. Maxamed kooxdaa dalka Jarmalka ayuu kaga hadhay oo uu muddo dheer iskii ugu noolaa, taariikh gaar ahaaneed oo aan halkan lagu soo koobi karin na kaga tegay .

Macallin Maxamad Nuur (?) iyo dugsigiisii Carwada (Jarmalka) – ©Kaydka Boodhari Warsame
Macallin Maxamad Nuur (?) iyo dugsigiisii Carwada (Jarmalka) – ©Kaydka Boodhari Warsame

Muuqaalladii kooxahaa Soomaalidu soo bandhigi jireen waxay dhammaan ahaayeen kuwo nolosha dhabta ah ee degaan Soomaaliyeed ka turjumayay, mararka qaarkood ka badbadin ba ha ku jirtee. Tusaale ahaan; muuqaallo colaad (dagaal) iyo nabad (heshiis iyo garran), xaflado farxad (aroos) iyo murugo (tacsi), isboorti (fardafuul, warmo rid, qaanso iyo leeb, legden, iwm), heeso, gabayo iyo cayaaro dhaqan, waxsoosaar (falkin, magdid, qorid, dhoobid, bir tumid, hub samayn, aqal dhis, dhar samayn, iwm), muujin dad (dharxidhasho, is qurxin, iwm) iyo deegaan (dhirta, xayawaanka iyo ciidda) iyo waxyaalo kale oo badan. Qof kasta oo kooxda ka mid ahi waxa uu ahaa shaqaale qandaraas soo saxiixay oo mushahaaro u xaadira, soo na bandhiga naftiisa iyo xirfado gaar ah oo looga baahday adduunkaa ay bandhigyada ku qabanayeen.

Kooxahani marba waxa ay ku laaban jireen dhulkoodii oo ay muddo u fasax tegi jireen, macaashkii ay soo shaqaysteenna ku maalgashan jireen. Qaar ayaa ka hadhi jirey, qaar cusubi na way raaci jireen. Sida warbixinta baadhiseed ee Bodhari Warsame ka tibaax bixinayso, kooxaha Soomaalidu waxa ay ahaayeen dagaalyahanno aan waaban oo xaqooda dhacsada meel ay joogaan ba. Dhawr dhacdo oo muranno ku saabsanaa wixii dheef laga siinayey carwooyinkaas ay soo bandhigi jireen ayay Soomaalidu galeen dirir faraha lagaga gubtay oo qaarkood ilaa maxkamado Yurub la is la tegay.

Cayaar dhaqameed, Xirsi Cige ( bidixda dhexda – dharka madow) – ©Kaydka Boodhari Warsame
Cayaar dhaqameed, Xirsi Cige ( bidixda dhexda – dharka madow) – ©Kaydka Boodhari Warsame

Ma sugnayn xuquuqda Soomaalidaas la dhiig-miiranayey, la ma na siin jirin xaqsoor u dhigma waxa ay qabanayeen; marka la eego xilligaas iyo hindisayaashii ka dambeeyey ganacsiga sifadaas lahaa, hase yeeshee marka ay timaaddo in laga duudsiyo intii lagu la heshiiay, waxa muuqata in aanay waxba la hadhi jirin oo xuquuqdooda intaas ay dhoyga u yeesheen aanay ka tanaasuli jirin, taas ayaa na dirirta keeni jirtey.
Waxa la hayaa hadallo laga duubay dadkaas Soomaalida xilliyadii Gramophone- ka wax lagu duubaa soo baxay. Waa gabayo, geeraarro, buraanburro, heeso iwm. Codadkaas ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee Soomaali laga qabto, inta ilaa hadda la hubo. Waxa kale oo laga reebay dadkaas qalab, agab, muuqaallo iyo sawirro badan oo ka soo jeeda kooxahaas iyo carwooyinkoodii oo dunida ku kala firiqsan.
Waxa cilmibaaristan ka maqan oo aan wax badan ama wax ba laga ogayn waa taariikhda afka (oral history) ee ku saabsan cidhibtii raadkooda markii ay dalka ku soo wada laabteen, tafiirtii ka hadhay iyo halka ay ku sugan yihiin, iyada oo ay badiba dib waddanka ugu laabteen. Kooxda Xirsi Cige Gorse ayaa ugu raad muuqata. Waxaa laga war hayaa in Xirsi Cige uu magaalada Berbera ku yeeshay hanti faro badan oo sida loo badinayo ilaa waagan raadkeedii wax ka dambeeyaan. Waxaa sugan in uu hanti xoog leh oo uu carwooyinkii ka shaqaystay geliyay soo dejinta (import) jumlo iyo tafaariiq makiinadaha harqaanka oo waagaa aan laga aqoon dalka, uu na ka keeni jiray dalka Jarmalka. Xirsi, sida loo malaynayo, waxa uu dhashay abbaaraha 1856, waxa aanu geeriyooday wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Cali Xisri Cige oo ah wiil uu dhalay ayaa Jarmalka muddo wax ka bartay, kuna hadli jirey afafka Jarmalka iyo Ingiriisiga. Inta sugan ee laga warqabo, waxaa Cali ugu war dambaysay isaga oo Cadan oo reerku ganacsi fiican ku lahaa jooga, halkaa oo uu reer Carl Hagenbeck oo ay aad isu yiqiinneen reer Xirsi Cige kala soo xidhiidhi jiray ilaa 1950-meeyadii.

Xirsi Cige, hoggaamiyihii kooxdii Carwooyinka ugu caansanayd ee ugu shaqada iyo muddada dheerayd iyo in ka mid ah qoyskiisii ballaadhnaa ©Kaydka Boodhari Warsame
Xirsi Cige, hoggaamiyihii kooxdii Carwooyinka ugu caansanayd ee ugu shaqada iyo muddada dheerayd iyo in ka mid ah qoyskiisii ballaadhnaa ©Kaydka Boodhari Warsame

Haddaba, cilmibaadhistani waa mid wali socota oo aan xog kooxahaa Carwooyinka ku saabsan ee la gaari karo aan ka tegayn, taariikhda afka lagu kala wariyaana waa mid qaddarinteeda u qalanta leh, sii ba Soomaalida oo ilaa waagan taariikh badani kaga xayiran tahay isu dhiibkaa afka ah. Sidaa awgeed, waxaan codsanaynnaa ciddii wax ka haysa taariikhda kooxahaa Carwada iyo mahadhooyinkii Xirsi Cige iyo kooxdiisii in ay nala wadaagto wixii xog ah, si cilmibaadhista loo raaciyo oo ay isu buuxiso.

Mahadsanidin in badan.
Diyaarinta qoraalka: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Cilmibaadhista: Boodhari M. Warsame
bodhari.warsame@gmail.com

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.