Guddida Sicir-Bararka Loo Xilsaaray Oo La Kulantay Shirkadaha Isgaadhsiinta Midkood

0
26
PropellerAds
Hargeysa, Somaliland, December 20, 2015 (Saxafi) – Guddi dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xilsaaray inay soo baadho kana soo tallo bixiso sicir-bararka dalka ka jira ayaa la kulmay Madaxda sarsare ee Shirkada Isgaadhsiinta TELESOM, kulankan oo ka qabsoomay Qasriga madaxtooyada ayaa qaatay saacado dhawra.

Guddigan oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa shirka ay shalay yeesheen waxaa uu la xidhiidhaa ama daba socda shirar dhawra oo gudidu hore ula yeelatay Sariflayaasha iyo dad ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo sicirka lacagta. Waxaana war arrintan madaxtooyadu ka soo saartay intaas ku daray oo lagu yidhi. “Guddigu halkaas ayay ka sii wadi doonaan shirar kala duwan oo ay gudidu la yeelan doonto cid kasta oo ay u arkaan in ay fikrado iyo talooyin la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa sicir bararka dalka ka jira, ujeedadii loo aas aasay gudiduna ay ahayd inay xal-waara ka keenaan arrimahaa saameeyey bulshada qaybeheeda kala duwan.
Guddida Sicir-bararka
Kulankan galabta (Shalay) ayaa ahaa mid lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha doorka sicir bararka iyo aragtida shirkada TELESOM ay ka qabto sidii lagu xalin lahaa ama lagu soo af-meeri lahaa, laguna soo dabaali lahaa sarifka lacagaha qalaad halkii uu hore uga kacay iyo in laga hoos marin karaba.
Waxaanu kulankani noqday mid ku soo dhamaaday talo iyo tusaale la isla gorfeeyey loona balamay in meel looga soo wada jeedo wax kasta oo suuragal ka dhigaya hoos u dhiga sicirka lacagaha qalaad.
Ugu danbayn waxa halkaasi ku soo xidhmay kulankii ay u dhamaayeen gudidii madaxweynuhu u xilsaaray arrimaha sicir bararka oo uu gudoominaayey madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna gudoomiyaha gudida iyo madaxda sarsare ee shirkada TELESOM. ”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.