Curad Baaqday Iyo Ciil Hooyo

0
28
PropellerAds
Saynab waa hooyo dhashay wiil iyo gabadh, waxay ku soo korisay agoonnimo ku siman caydinnimo ilaa ay ka qaan gaadhayeen. Hooyadu waa lama huraane waxay isa saartay xil ka badan kii lagu lahaa, guure iyo galab carrowba waxay u gashay nolol maalmeed ka iyo baahiyaha aasaasiga ah ee labadeeda carruur ah.

Markii odaygeedu noolaa waxay ku jirtay nolol dhexe, wuxuu ahaa masuul u shaqeeya dawladda isaga oo bartay aqoonta dhismaha guryaha. Intii uu noolaa wax badan muu tabcin aan ka ahayn guri yar oo afar qol ah. Saynab waxay dhashay laba carruur ah wiil iyo gabadh iyaga oo aad u yaryar uu geeriyooday aabbahood, way u dummaal seegtay, dhabankeedii iyo xooggeedii ba labadaa qof ayey galisay. Waa caado in dumarka Soomaaliyeed ay u garbo beelaan ubadkooda, waana gobannimo ay dheer yihiin haween ka dhiggooda ah.
Curad Baaqday Iyo Ciil Ninkeedu dagaalladii Qoricad 1989-kii ayuu ku geeriyooday, wuxuu la dhashay laba nin oo buuxa mood iyo nool ba. Mid ka mida labada nin dummaal ayuu ula yimi Saynab, balse way ka gaws adeegtay. Sababtoo ah wuxuu ahaa nin aanay isku san bannaanayn saygeedii, iyada laftigeedana muu jirin dumaashinnimi iyo gashi kale oo ka dhaxeeyey, geeskaanay ku dhufatay arrinkaas.
Caynwaa, waa wiilkeeda curad, waa dhammays ay si fiican u korisay, waxay ku kallihisay goobaha waxbarashada, laga bilaabo malcaamad, ilaa dugsi sare. Balse midna wax naf leh ugama keenin, dhuuxeeda ayuu quutaa, waxay u tahay wax kasta mana haysto wehel aan ahayn hooyadii. Waxay se ku qabtaa hagardaamo, iyo ciil joogto ah.
Ciil-tira waa gabadha hoos uga yar Caynwaa, way u xoog furan tahay hooyadeed, waxa xooggeeda loogu aayey iyada oo saddex jir ah, dhago nuglaan iyo tiris la’aan ayey hooyadeed ku qabtaa. Waxbarashada kuma fiicna balse xidhiidh fiican ayey la leedahay ardayda iyo barayaasha dugsiga, cidina kama soo cabato.
Caynwaa waa cagajiid caajis badan, waa shaqsi aad madax adag canaadna ah, waa curad ficilkiisu aannu marnaba ku raalli galinayn, cayda waxaad mooddaa in buug loogu dhigay, maaha mid qorigaa dab ka kuugu soo qabanaya, wixiisuna waa waxarta ii qabo qool ka aan gashee.
Saynab tacab badan iyo daal badan ayey dareemaysaa bal qiyaas hooyo aan haysan walaal, adeer, iyo tol kale oo korsanaysa carruur? Caalin waxa uu ka iibsadaa shaaha adduun buuranna ma haysto masaariif yar ayaa Jidda looga soo diraa, wuxuu hunguri ka galay Saynab, oo uu arko inaanay u qalmin inay cidla iskaga noolaato balse loo baahan yahay waysa dhawrasho.
Damacu raggu waa cajiib Caalin wuxuu eegayaa gabadhan laba dhal ka ah, ee wali is haysata dhabankeeduna nool yahay wuxuu hunguri ka hayaa inay waxay u dhasho, isna uu iska maraqsado dhuuxeeda. Saynabna waxay isu aragtaa gabadh ninkeedii dhintay oo agoon haysata oo aan lahayn jiho kale iyo nolol kale, korso carruurtaada mooyee, xinnayso, oo furaash ka xaadir kumay fikirin. Caalinse fikirkiisii ayuu ku dudduucay guurkiina way la qaadatay.
Haatan wiilkeedu waa toban jir, gabadhuna waa sagaal jir. Oday guuraya oo shandad iyo dhar sita ayaa gurigoodii ugu soo galay goor galab ah, yaabe! Midba wixii u dhawaa ayuu qabsaday iyagoo ku dhaygagay odaygan dharkiisii sita. Maalmahanba way arkayeen hooyo Saynab oo indha kuul iyo uunsi aanay waligood ku arag isku bukhuurinaysa. Waxay kaloo arkeen gurigii oo ay aad u nadiifisay tacab baddanna galisay, waxa intaas u dheer qol gaar ah oo ay dhigtay saabuunno, cadayo, iyo tuwaallo.
Saynab waxay ku tiraabtay; “Hooyo adeer kiin alaabta meel u dhiga” inantii Ciil-tira iyadoo farteeda dhagaha kula jirta oo xishood ku jiro ayey alaabtii uu sitay Caalin ugu gurtay halkii Hooyadeed u sheegtay, oo Caynwaa mee? Qol ayuu hoosta ka soo xidhay dalool yarna isha ayuu ku soo hayaa wuxuu eegayaa dhaqdhaqaaqa odaygan heeryeysan ee guriga soo galay.
Waxa isbaddalay jawigii guriga, uunsiga ayaa guriga isaga dab qaaday qol kasta, cuntadii guriga ayaa noqotay mid aan lagu hallayn Ciil-tira oo waxay doonto iska walaaqi jirtay, haddase Saynab ayaa dhexda u xidhatay. Gurigii waxa lagu cunay quraac aanay waligood cunin oo haylka iyo xawaashka amase udugga carfaya ee kuruska iyo beerka geela ayaa ahaa waxa subaxaa ku cusub gurigaa.
Waxa kale oo la yaab leh, hooyadood oo awal iska dhex jiifsan jirtay oo aanay il iyo baar saarin, guriga kamay guurin meel kalana may qaban, ee waa aroos, iyana way arkayaan waanay garanayaan macnaha ku jira meesha. Subixii markuu waagu baryo gabadha yar adeer keed kabaha uu suuliga ku galayo ayey u diyaarisaa, wixii hooyadeed ugu dhiib tana way u geysaa. Caynwaa shaqo kuma darsado albaab ka ayuu hoosta ka xidhaa isagoo aan jeclayn waxa guriga ka socda. Marar ka qaarkood inanta ayuu u yeedhaa isagoo leh “Kabaha ha u geyn”
Hooyo Saynab waxay kacdaa hiirta waabari, markaasay diyaarisaa quraacda xaajiga iyo ta carruurtaba, waxaanay ku kallahdaa maqaaxidii yarayd ee ay shidi jirtay. Inan kii Caynwaa wuxuu bilaabay salaadda hore inuu faraha hore ku istaago oo uu soo qaato quraacdii loogu talo galay adeerkii Caalin, wuxuu la soo galaa qolkiisa markuu basriyana weelka oo madhan ayuu halkaa daafta iska dhigaa. In muddo ah ayuu Caalin bilaa quraac ku kallahay, waxaanuu hiifay naftiisa, wuxuu la yaabban yahay guri gabadhi joogto oo bilaa quraac uu subax kasta ku baxo. Wuxuu adkaystaba hayn kari waa una sheeg Saynab, afka ayey gacanta gashatay waxaanay tidhi waad i caaayeysaa, shaki iyo hadal xumo ayaa bilaabmay odaynimo iyo waayo aragnimo ayuu ku qaboojiyey.
Subax salaad hore ayey sidii caadada u ahayd guriga ka baxday, roob ayaa soo celiyey ay ka gudbi kari wayday gurigeedii ayey ku soo noqotay, waxaanay indhaha saartay quraacdii ay u samaysay odaygeeda oo uu cunayo wiilkeedii. Waxay xaqiiqsatay hadalkii Caalin ee ahaa ku guursaday oo gurigan kamaan quraacan. Canaan ayey dhagaha goosatay waxaanay u sheegtay inuu sharaf isu yeelo iyadana ilaaliyo. Wuxuu se hoos u yidhi waad iga gardaran tahay.
Ciil-tira waxay ku mashquushay qurxinta guriga, waxay maryaha u dhaqdaa adeerkeed, gogasha uu ka tooso looguma tago iyadaa laablaabta, biyaha qubayska musqusha ayey u diyaarisaa, marmarna waxay ugu diirisaa dabka si ay dhaxanta uga duuliso. Wixii adeerkeed illaawo meel fiican ayey u dhigtaa. Waxay jeceshahay rabitaanka hooyadeed. Caynwaa wuxuu bilaabay inuu kabaha iyo cadayga ka qariyo, dharka loo maydhay ee loo wadhayna uu faro uskag leh uu ku taabto, si markay u qallalaan ay farihiisii xumaa uga muuqdaan waanay dhacday taasi in badan. Maalin kasta Caalin waa u qaylo, markuu soo tooso caday ma haysto, tuwaal ma haysto, kabo uu suuliga ku galo ma haysto, shaadh ka uu xidhana uskag baa ku dhamooqan.
Waxa lagu soo qayliyey Saynab hooyadeed oo meel miyi ah daggan, si hal haleel ah ayey u baxday oo u carartay kaliya waxa sii raacday gabadheedii yarayd ee Ciil-tira. Gurigii waxa looga sii tagay oday Caalin iyo wiilkii uu adeer ka u ahaa ee Caynwaa, habeen kii hore layska seexay in kasta oo uu odaygu beerlaxawsaday dareen siiyeyna inuu waalid u yahay, Caynwaa sheekadaasi uma qudhqudhsamin.
Caalin goor fiidnimo ah ayuu soo hullaabatay si uu isaga hoydo, una wehel yeelo wiil ka yar ee guriga cidlada ah lagaga tagay, wuxuu sidii caadada u ahayd bakooraddiisii ku garaacay gurigii sanqadh xoog badan waxa maqlay damdamtii Caynwaa laakiin go’aan kale ayuu qaatay oo aannu filayn Caalin. Kamuu furin gurigii juuqna umuu odhan wuxuu sidisii uga eegay dalool ka albaab ka, markuu odaygii garcaacii joojin waayey wuxuu ku yidhi; kaa furi maayo. Caalin isaga oo yaabban ayuu gurigii hor fadhiistay, uma dhici karo oo waa nin weyn, albaab ka ma jabin karo oo waa khasaare, cidla kama tagi karo oo meesha kuray yar ayaa jooga, talaa ku caddaatay.
Markuu Caynwaa u nuuxsan waayey Caalinna uu arkay inaan gurigani ahayn mid furmaya ayuu goor danbe oo habeennimo ah isaga hulleelay, wuxuu afka saaray guri docda kale ee magaalada ku yaal oo walaashii degganayd. Iyada oo yaabban qof ka xilligan ku garaacaya ayey hadalkiisa garatay goor danbe ayey gurigii ka furtay waxay ku tiraabtay “waar maxaa kugu dhacay”? Waxba uma sheeggin iyana may qodqodin daaradda gurigeeda ayey u gogoshay halkii ayuu iska seexday habeen kii.
Goor hiirtii hore ah ayey soo gashay magaalada Saynab oo ay Ciil-tiri wehelinayso gaadhigii Siisawga ahaa waxay kaga hor dageen waddo aad ugu dhaw gurigooda, socod aan badnayn ka dib gurigii ayey soo hor istaageen, albaab kii guriga ayey garaaceen, codkooda ayuu markiiba maqlay Caynwaa degdeg ayuu uga furay. Saynab waxay ku horraysay qolkeedii si ay maryaha iskaga baddasho una waraysato odaygeeda, waxayse la kulantay guri madhan oo furaashkeedii uu saaran yahay qayd yar oo uu huwanaa wiilkeedu, dareen aan caadi ahayn ayaa galay.
Markii uu maqlay gabadhii gurigii way timi ayuu Caalin ugu yimi gurigii, wuxuuse la kulmay waji xumo aanu filayn, ku darsoo Caalin waa dhibbane gurigiisii laga xidhay oo dib jiray, Saynabna xaggii hinaasaha dumarka ayey ka eegtay kiiska. Bal yaa isu af garta, ninkase waxan oo dhan og ee hooyadiina dareen san adeerkiina xaal ogi waa Caynwaa. Markii ay weydiisay ee ay tidhi aaway adeer kaa wuxuu ku yidhi “Maan arag” hadda waa ninkii uu guriga ka xidhay ee uu waliba ku yidhi kaa furi maayo.
Caalin wuxuu isku dayey inuu u warramo xaaskiisa Saynab una sheego wixii dhacay, waxayse doodoodu ku dhammaatay is af garan waa, oo maxaa sababay? Waxa sababay Caalin wuxuu eedda oodhan dusha ka saaray wiil ka yar, Saynabna way ka garaabi wayday cunugaagii ayaa albaab ka iga furi waayey, meesha hinaase ayaa ka muuqda, ka dhashay maqnaanshihii Caalin uu guriga ka maqnaa waxay istustay habeen qudha ayaad maqnayd habeen kiina uu ku waydaartay.
Shilin kasta oo ku jira jeeb kiisa uu ka waayaa, wuxuu dareemay in la baadho oo lagala baxo ama la gacan togaaleeyo, haddaba waa yaabe yaa suul daarradan wada, waa kuma qofka jeeb ka Caalin baadhanaya ee guriga jooga? Ma qof kalaa waa Caynwaa nin ka waxaas samaynayaa. Caalin wuxuu u tagay saaxiib kii wuxuuna uga warramay dhibta aanay cidina ogayn ee ka haysata gurigiisa, ee jeeb siib leh, quraacdoo laga cuno leh, kabaha iyo cadaygoo laga tuuro leh, biyaha suuligoo qabow daran lagu shubo leh, gurigoo laga xidhay leh, dib jirnimo u raacday leh, iyo hinaase aan geed ba haysan oo wadaaddu la gagab san tahay. Waar ilayn annagaa wax aragnay, taladii la wad la wad oo la ruug la ruug oo waxay ku soo ururtay gurigaa inta uu Caynwaa joogo fadhi kuuma yaal.
Saynab qudheedu way dareensatahay indha adaygga wiilkeeda iyo inaanay suurto gal ahayn nolosha ay rabto, taladu waxay u taaggan tahay ama wiil waa, ama ninkaaga waa, waad garan kartaa go’aan ka ay hooyo qaadan lahayd waxaanay qaadatay inay ka guddoonto warqaddeeda oo ay u gumowdo Caynwaa, sidii baanay yeeshay.
Markii uu gaadiiday hoos umuu eegin tacabkii hooyadii ee naf hurka lahaa, meel kale ayuu ka eegay nolosha, hadda waa qaan gaadh waxa la joogaa xilligii uu caawin lahaa hooyadii iyo walaashii, danbaanuse ka lahayn. Wuxuu ku martay oo ay is barteen gabadh yar oo jaar kooda ah oo iyana waxaan filayaa waa mid inkaaran haddaanay inkaarnayn Caynwaaba lamay ciyaarteen, oo inkaartuu qabaaa waa maxay Caynwaa? Waxa weeye waa nin ka burburiyey hammigii hooyadii eedda ugu wayni waa inuu yahay caasi dhago adag oo axmaq ah.
Muddo yar kadib waxa soo baxday sheeko sheegaysa inay gabadhii yarad ee jaar ku uur leedahay oo yey u leedahay; dee Caynwaa. Laysku carar hooyadii barooratay adeer ma leh oo waligii muu arag meel ay joogaan iyana maaha kuwo soo raadsada, kiiska meesha yaallaana waa kiis rag, maaha mid ay xallin karto Saynab oo qudhi, ninkeedii ay irkan lahaydna isa seege, talaa ku caddaatay. Waxay dantu badday inay hor tagto wajiyaal aanay rabin inay hor istaagto, waxaanay u sheegtay halka uu xaal ku maraayo, wax badan kamay gaysan waxayse la xalliyeen inay gabadha yar u maheriyaan, yeel keeda candha ba waa xubin.
In la koriyo may diidin ee waxay diidday in ubad kiisa ay koriso, ubadkiisa may diidin ee waxay diiday inay koriso kuwo aanay raalli ka ahayn oo hiif iyo haaraan ku yimi, waa u calool xumo iyo niyad jab, ilmo aan lagu faraxsanayn oo ku yimi waddo qaloocda. Hooyada wanaagsan uma qalanto ficillada noocan oo kale ah balse Caynwaa sidee laga yeelayaaa miyaa la dilayaa, illayn markuu yaraa la tuuri waaye! Wuxuu bilaabay inuu balwadda barto, ma qaad baa, ma sigaar baa, ma calaq baa iwm. Gabadhii uur ka u lahayd shinkeedii uu buuxsamay waxaanay u dhashay wiil uu u bixiyey Caynaanshe. Muddo yar uun kadib umusheedii way ka carartay habeen walba waa u dilmo iyo qaylo joogto ah, waxa la sheegay iyadoo Kiiniya gashay dibna looma arag.
Ciil-tira waa duco qabto iyadaa koolkoolisa oo booskii hooyada u buuxisay Caynaanshe, hawl kasta oo guriga ah culayskeedu iyaduu ku dhacaa, dabka ku jir, dharka dhaq, guriga masax, adeegga doon, hooyo cuntada u gee, dhexda ayey u xidhatay hawshii gurigooda, waxa kaaga daran waa gaari gaasiran. Nin aan duunyo haysan oo iska xammaal ah ayey is fahmeen, hooyadeedna may dhibsan ee way ku taageertay ninkii ayaa gacanta qabsaday waxaaanay yagleeshay guri ay leedahay, Caynaanshe waa wiilkii yaraa ee uu Caynwaa dhalaye hore ayey gacanta u sii qabatay, si ay u koriso.
Saynab haatan waa gabowday, itaal badanna kuma jiro waxa xooggeedii la tagay nolol xumo iyo dayac joogtaysan oo dhan kasta kaga habsaday, gabadheedii cuntada u karin jirtayna la guursay oo ka fogaatay, Caynwaana qoriga dab ka uguma soo qabto iyadaa buu dirsadaa! Wuxuu go’aansaday gurigii yaraa ee ay dhaxanta ka galaysay inuu iibsado iyadoo nool, wuxuu ku qanciyey ganacsi ayaan inoo abuurayaa oo jac iyo mac ka siinayaa, waa hooyee kumay dhago adkaan, gurigiina iibi.
Koob shaaha kamuu siin meel uu jaan iyo cidhib dhigayna may arkin oo xagguu tagay? Waa aroos oo markiiba naag buu guursaday shidaanaba shidan. Islaantii waxay buul yar ka samaysatay dhul bannaan oo ay habaryarteed leedahay, faro madhan ayey ka joogtaa wiilkeedii, gurigeediina cun, cidlada waxa kaga xun gabadannada dhaxanta.
Waxay aad u xasuusataa hooyannimadii iyo halgankii korniinkiisa, waxay aad isu diidsiisaa dhaqan xumadii uu la kowsaday bilawgii noloshiisa. Murugada ugu weyn ee ay dareen taa markay xasuusato af xumadii iyo hadalladii hooyannimada ka arradnaa ee u quudhi jiray. Waxay cafis Ilaahay ka baridaa dhibaatadii Caalin ku dhacday ee uu Caynwaa u gaystay.
Caynwaa lacag fiican ayuu hadda haystaa noloshiisuna waa mid ay balwadi la dagtay, maaha nin xasuusan hooyo, mana rabo inuu xasuusto. Goor habeennimo ah ayuu madaxa xabbad kaga dhuftay nin ay wada joogeen, lama yaqaan wuxuu u sheegtay wuxuuse bilays ka u sheegay inay kaga qaraxday xabsiga ayaa lagu hubsaday. Hooyadii markii ay maqashay waxa dhacay way u soo rafaadday si bal ay mar’uun ay usoo aragto wiilkeeda, waxaanay cunto ugu gayn jirtay xabsiga uu ku jiro, waqtiyada qaar waxay codsan jirtay inay aragto sida maalmaha arbacada oo kale.
Maxkamaddii dil ayey ku xukuntay, mana jirin cid u qaadday abbiil iyo dib u eegis toonna, maalin Jimce ah ayaa la taagay goobtii lagu toogan jiray dad ka, madaxa ayaa soddon xabbo lagaga dhuftay halkii buuna ku allaystay. Hooyo Saynab waalli iyo inay isla hadasho ayey bilowday, waxaana qaylo dhaan loogu diray Ciiltira oo miyi u hayaantay, muddo ka dib ayey u timi hooyadeed oo bayhooftay, waxaanay go’aan satay inay meel ku wada noolaadaan.
Maxamed Aadan Tarabbi

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.