Dhalashadda Nabigeenna Suuban NNKH Oo Laga Xusay Goboladda Iyo Degmooyinka Somaliland

0
24
PropellerAds
Hargeysa, Somaliland, December 24, 2015 (Saxafi) – Munaasibad balaadhan oo lagu xusayo dhalashada Nabigeenna Suuban NNKH ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo hotelka Maansoor lagu qabtay ayaa lagu waynaynayay dhalashada Nabigeena SCW, waxaana ka qayb galay wasiir kuxigeenka warfaafinta Marwo Shukri Xariir iyo haween tiro badan.
Dhalashadda NabigeennaMadasha ayaa lagu soo bandhigay qasaa’id Nabi ammaan ah, waxaana hadalada madasha laga jeediyay lagu ducaysanayay dambi dhaaf. Wasiir xigeenka warfaafinta oo madasha hadal ka jeedisay ayaa ku dheeraatay muhiimada maalintan iyo macnaha ay xambaarsan tahay in la wayneeyo.
Dhinaca kale, munaasibad lagu xusayey Dhalashaddii nabigeena ayaa iyaguna isla magaaladda lagu xusay, waxaana ka soo qaybgalay siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafad iskugu jira, waxaana isku soo dubadda riday Xildhibaan Axmed Yaasiin Ayaanle taas oo si weyn loogu xusay magaaladda
Sidoo kale, inta badan goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn loogu xusay dhalashadda nabigeenna.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.