Guddoomiyaha Xisbiga UCID: “Haddaanay Ina Ogoleyn Awdal Iyo Laascaanood Miyaa Dunida La Inaga Ogolaanayaa?”

0
20
PropellerAds
Hargeysa, Somaliland, December 25, 2015, (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa tilaamay in ay wax lala yaabo tahay in xukuumaddu tidhaahdo Sicir bararku faraha ayuu ka baxay oo ay xallin kari weydo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng FaysalSidoo kale, waxaa uu ka waramay tubta bulshada Somaliland ku heli karto citiraaf  oo uu sheegay inay tahay in bulshada Somaliland la mideeyo. balse inta gudaha ay ka jirto kala qaybsanaan aanay suuro gal ahayn in aqoonsi la helo. Wuxuu sheegay in saluugga gobollada bari iyo galbeed door ku leeyihiin citiraaf helista loona baahan yahay in dalka la mideeyo. “Kuwa bariga iyo galbeedka joogaba,,waxaa la doonayaa in la soo celiyo siddii lagu heshiiyay midnimadii Somaliland 1991-kii iyo 1993-kii oo xooga la saaro in bariga maamulkeena iyo hurumarkeenaba la geeyo, Buuhoodle way cabanaysaa, Xudur wey cabanaysaa.. Taleex dagaalo ayaa ka socda haddii aanu dhulkaas maamulkeenu gaadhin, hadaan sharcigeenu gaadhin, Ictiraaf heli mayno. Marka aynu gudaheena haggaajino ayaynu dibada ictiraaf u doonan karaa, anniga ayaa u socod badan oo marka aanu dibada tagno, waxaa lagu leeyahay halkan waxa ka kacay nin reer Laascaanood ah iyo nin reer Awdal ah oo waxay leeyihiin anagu ma ogolin. Haddaanay ina ogoleyn Awdal iyo Laascaanood miyaa la ina ogolaanayaa,.waa inaynu is ogolaano, oo dadkeena aynu midayno markaas ayaynu ictiraaf helaynaa oo horumar sameyn karaynaa..
Sidoo kalena wuxuu naqdiyay wasiirka ganacsiga Somaliland oo dhawaan sheegay in xakamaynta sixir bararku faraha ka baxday islamarkaana ay dhaaftay heer wasaaraddu xakamayso, waxaanu Faysal sheegay in la xakamayn karo haddii lagu dedaalo, isagoo walaac ka muujiyay sixir bararka jira. “Waxaan ku darayaa..Sicir bararka maanta jiraa waxaa uu dhabarka ka jabiyay dadkeenii masaakiinta ahaa. Ninkan wax iibinayaa waxaa uu dusha ka saarayaa wixii kacay ninka miskiinka ah iyo gabadha miskiinadda ah. Markaa waa in sidii sicir bararkaas loo joojin lahaa laga shaqeeyo. Maalin dhaweyd waxaan maqlayay Wasiirka oo leh Sicir bararkii faraha ayuu ka baxay, wax kasta waa la qaban karraa wax gacanta ka baxayna ma jiro. Siduu uga baxay gacanta..waa in xal loo hellaa sicir bararka. Ha niyad jabina waynu soconaynaa illaa aynu ictiraafkii ka hello Insha Allah.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.