Guddoomiyaha Ceel-Sheekh “Waxaanu Ka Digaynaa In Gobolada Hareeraha Naga Xigaa Isku Dayaan inay Deegaankayaga Fadhataystaan”

0
26
PropellerAds
Ceel-Sheekh, Somaliland, February 12, 2016 (Saxafi) – Maalin uun kadib, shir saddex geesood ahaa oo Arbacadii dorraad ka dhacay Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo la sheegay in lagu go’aamiyey in la diiwaangeliyo dadka ku dhaqan deegaanada Waqooyiga Hargeysa ee ka caaganaa doorashooyinka, ayaa waxaa durba ka soo yeedhay dhawaaq ka digaya arrimo sii murgin doona muranka xuduudeed deegaanadaas oo u dhexeeya gobolada Maroodi-Jeex, Saaxil iyo Awdal.

Guddoomiyaha degmada Ceel-Sheekh, Xasan Cismaan Cumar (Xasan Dheere), ayaa ka digay wax uu ugu yeedhay fadhataysi uu sheegay inay durba deegaanadaas ka bilaabeen gobolo la jaar ah Maroodi Jeex, waxaanu ku baaqay in deegaanadaas laga daayo faragelinta lagu hayo.
Xasan Dheere oo shalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Saxafi isagoo ku sugan Ceel-Sheekh, ayaa waxa uu sheegay in maalintii shalay ay deegaano ka tirsan dhulkaas waqooyiga Hargeysa ay xubno ka tirsan maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera booqasho ku yimaadeen, halkaas oo uu sheegay in sida loo sheegay dadka u farayeen fariimo khaldan oo ah in gobolka Saaxil loo soo ogolaaday inay diiwaangelin ka sameeyaan halkaas.
“Deegaanada Ceel-Sheekh, Duguxo, Habayti, Cabdi Geedi, Bulka, Dhamal, Dameera-Joog, Xayaabley, Ceel-la-helay, Qabile, Af-Cad, Boodaale, Qudhaco iyo Bil-dhaaleyba, dhammaantood inay ka mid yihiin Gobolka Maroodi-Jeex, sidaas darteed, waxaan uga digayaa gobolada jaarka la ah Maroodi-Jeex, inay isku dayaan fadhataysi ay ku bililiqaystaan deegaankaas, marnaba ma ogolaanayno in cid kale dhulkayaga faraha la soo gasho, taasna waxaanu aqbalayno maaha, geeri baanuna ka xignaa,” ayuu yidhi Xasan Dheere, isagoo intaas ku daray in la wada ilaaliyo nabadgelyada, oo aan colaad laga abuurin deeganaadaas nabdoon iyadoo wakhtigan halkaas ka jiraan abaaro ba’an oo dad iyo xooloba saameeyay.
“Dawladda iyo maamulada gobolada hareeraha naga xigaba waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo deganaansha deegaanadan, isla markaana laga shaqeeyo sidii dadkani xuquuqdoodii dastuuriga ahayd u gudan lahaayeen, isla markaana ay ahaadaan gobolkoodii ay horeba uga tirsanaayeen. Maaha in maalintii xuquuqdoodii la ogolaaday haddana lagu bilaabo bililiqaysi iyo fadhato oo intay masuuliyiin dawladeed soo dhuuntaan dadka waxaan jirin u sheegaan, cidna waxyaabaha noocaas ah ka yeeli mayno.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.