Qoolcadey: Booqashadii Madaxda Iyo Falanqaynta Dr. Gabalaax

0
22
Booqashada Qoolcadey
PropellerAds
Hargeysa, Somaliland, March 10, 2016 (Saxafi) – Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa doraad kormeer ku tagay seeraha Banka Qoolcadey oo dawladdu dib u soo noolaynayso.

Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirul dawlaha Xannaanadda Xoolaha, Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka, Agaasimayaal Guud, Aqoon yahano, Mas’uuliyiinta Degmada Sallaxley, Madaxa hay’ada DANIDA oo Wakiil ka ahaa qaadhaan bixiyeyaasha kale.
Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Cabdilaahi Cukuse oo seeraha banka qool-caday ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday sida ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dedaal ugu jirto xidhista banka Qool caday kaas oo waxtar balaadhan u leh Bulshada deegaanka iyo xoolahoodaba.
Dhinaca kale, waxaa jiray mudanayaal iyo dad cabasho ka muujiyay hawlaha seerahan loogu kaydinayo xoolaha.
Dr, Axmed Yuusuf Cismaan (Gabalaax) ayaa faallo ka sameeyay Seerahan. Waxaana uu u dhigay sidan: “QOOLCADEY MAXA LA ISKU HAYAA?.
Guudmar.
  1. 1. Qoolcadey.
Marka hore waa tuulo koonfur ka xigta Magaalo madaxda dalka ee HARGEYSA, waxaaney ka tirsantahay Degmadda SALAXLEY ee gobolka Hawd. Waa mid ka mid ah deegaannadda aad ugu wanaagsan xoolo dhaqashadda, waana marin hayaan, waxaanay muddo ahayd meelaha ay beeluhu kaga baxsadaan xilliyada xun ee jilaalku xummaado ama xilligga loo tirsado jiritaanka abaareed. Hadda dhulka “DUUD” ah ee QOOLCADEY 60% in ku dhadhow baa seero goosi bilaa tacab gelin ah si gaar ugu oodan dad reer miyi iyo reer magaalba leh. Tanni waxay mararka qaar keentaa iska horimmad iyo iskudhaca reer guuraagga iyo “DAAQ-GOOSATADA” ah, wakhtiyadda “Labada Xilli Hayaan” ee Guban iyo Ooggo. Wey jiraan dad yar oo si waxtar leh u degey xoolo yar oo nolosha qoysaskooda anfaca ugu haystaa, waxayse aafaddu yuururtaa dhul badan baa si xikmad darro ah uga xidhan kuwan iyo kuwa guurraba.
  1. 2. Banka “. QOOL-CADEY”.
Banka Qoolku waa ban intiisa badani ka xigto Koonfur Galbeed xadna kala leh dhinaca Galbeedka Banka Gunburaha. Dhinaca baaxada waxa uu ku jira bananka baaxada “HEERKA LABAAD”. Banku waxa uu ka midyahay bananka soo koobmaya ee dhirtu ka soo buuxineyso hareeraha ama xagga Idhinka Waxana la qabaa inay Bannanka sidan u soo yaraanay ee dhiroobayaa baryo taariikh foggi ka danbeysey inay ahaanjireen dhul “QODAALO” kuwaasoo ay dadyowgii hore beeran jireen.
Si kasta ha ahaadee waa ban siyaasadda reerguuraagga lagu wada wadaagga oo aan reerra xeer ahaan ugu xidhneyn, taasoo aaney reer guuraagga dhexddiisa sina uga jirin xeer lagu kala sheegto daaqsinta dhulka. Siyaasaddan Wada Waddaagga Nimcooyinka Dabbiicigga ee u dejisan Dadkeenna reerguuraagga waa mid maanta Laga xajiimeynayo dhinacayadda Magaalooyinka u dhow xoolo-daaqeenka iska horimaad hadduu dhacana waxa sii murgiya ama ka dhex abbuura inta badan reer magaalka sheegta reeraha kuwaasoo qaarkood ay khilaafka dhadhammo iyo siyaasadba halkaas ka baadh baadhaan.
Banku waxa uu ahaan jirey seero reerguuraagga loo keydiyo si ay ugu baxsadaan xilliyadda ku xummaada qaar badan oo la mid ahana inta maalgellin badan, fikir iyo shaqo la galiyey ayaa laga dhigey meelo aad ula dhaceyso qurruxddooda iyo sida dad iyo degaanba waxtar ugu yihiin, kuwa u dhashey iyo kuwa la dhasheyba, waxana laga dhigey dhul ay u gaara oo ay xooluhu si ammaan badani ku jiro u wada daaqaan. Reerguuraagguna sannadkii hore ha u danbeeyee wey wada daaqeen bari iyo galbeedba. Hase ahaatee is dul baxii markiiba waxa uu ka sii dhigey dhul gubtey, kaas oo nin yaqaaney uu la fajacayo hadduu maanta dhex tago banka Qool-cadey.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.