Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay Inay Buuxiyeen Xilal Iyo Boosas Banaanaa Oo Sarre

0
18
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE
Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, June 2, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay buuxiyeen xilal masuuliyiintii hore u hayey laga eryey xisbiga.

Sidoo kale, waxa guddida fulinta lagu daray xubno cusub oo bedeli doonno boosas ay baneeyeen siyaasiyiin xisbiga ka mid ahaa,

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo u qornaa sidan “

Ku: Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere)                         = Hargiesa =

Ku: Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi)                         = Hargiesa =

Ku: Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan)         = Hargiesa =

Ku: Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde)                  = Hargiesa =

Ku: Yuusuf Cismaan Faarah                                          = Hargiesa =

Ku: Aniisa Nuur Cigaal                                                  = Hargiesa =

Ku: Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere)                       = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye                                = Hargiesa =

Og: Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye                                  = Hargiesa =

Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamud       = Hargeisa=

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Buuxinta Xubnaha Guddida Fulinta ka bannaannaaday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markuu arkay xilalka bannaannaaday ee guddoomiye-ku-xigeennimo iyo Guddida Fulinta ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3-aad ee xisbiga.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markuu arkay muhiimada buuxinta xilalkaa bannaani u leeyihiin waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, si aannu xawligoodu isu dhimin, waxa uu go’aamiyey:

–      In Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE.

–      In Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) – ahna sidoo kale Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

–      In Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

–      In Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

–      In Yuusuf Cismaan Faarax – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

–      In Aniisa Nuur Cigaal – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, ay ahaato xubin Guddida Fulinta ah.

–      In Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

Dhammaan masuuliyiinta xilalka kor ku xusan loo magacaabay waxa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya. Xil gudasho wacan.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.