Dheef La’aanta Dimuquraadiyada Somaliland Oo Laga Cabsi Qabo Inay Farriin Xun U Dirto Afrika Iyo Su’aalaha La Isku Weydiiyay Garoomadda Siyaasadaha Dunida Lagu Faaqido

0
15
PropellerAds

Marka dhinaca Adduunyadda kale la inaga soo eego Immisa Cusbitaal ayaa Somaliland ku yaala?

London, UK, Febuary 3, 2018 (Saxafi) – Wargeyska BMJ (British Medical Journal) oo inta badan wax ka qorra Culuunta Caafimaadka ayaa maqaal dheer ku faa’qiday geedi-socodka horumarka la taaban karro leh ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaaday dhinaca dimuquraadiyadda iyo sida beesha caalamka ee hawshan daba ka riixdaa uga gaabisay inay wax taakulayn ah ka geysato.

Maqaalkan oo adeegyadda caafimaadka ee Somaliland nuxur ahaan xoogga saaray, Islamarkaana tilmaamay inay ka mid tahay meelaha adduunka ugu liita, ayaa waxa uu dhinaca kale cadeeyay in bulshadda caalamku isku canaanayso in taageero la’aantooda Somaliland keeni karto inay waddamada kale ee Afrika tusaale u noqoto waxtar la’aantooda. Waxaana maqaalkaas oo dheer, u dhignaa sidan. “Dalal ka ku yaala geeska Qaarada Africa, waa kuwo ku caan baxay ama lagu garan ogyahay xasillooni darro, guud ahaan, musuq maasuq iyo is maandhaafyo siyaasadeed. Waddamadani, waxay hadheeyeen Jamhuuriyada Somaliland oo iyaddu ah, mid xasiloon, dimuqraadi ah, oo ka abuurantay, kala xayashadii, nidaamkii milateri ee Siyaad Barre. Gooni isku taaga Somaliland, waxa laga dhawaaqay May 1991.

PropellerAds

Markii ay duntay dawladii dhaxe ee Soomaaliyeed, waxa burburay dhamaan adeegyadii bulshadda oo ay ka mid ahaayeen kuwii caafimaadka, dhismayaashii, agabkii, waxana barakacay kumanaan xirfadlayashii caafimaadka ah iyo kumanaan shacabkii dhulka ay colaadu ku habsatay ah, iyadoo ay u weheliso in dhidibadda loo saaray dhaqaaliihii qaranku.

Somaliland, dawlada shacbigeeda oo ka biyo diiday tumaatidii soo gaadhay samaysay waxaa ay dib u habaysay dhamaan adeegtaydii, waxay dhidibada u taagtay nabada, jaranjaradda horumarka oo loo kala horeysiiyay sidii ay ugu kala mihiim sanaayeen, kaalintii labaad ayaa lagu hormeeyay horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha, kaasi oo sees loogu dhigay, jaantuska (Qorshaha horumarinta ee heer qaran) oo afka qalaad ku noqonaya ‘NATIONAL DEVOLOPMENT PALAN , oo loo qoondeeyay wajigi hore  dhamaadkii kal sadexaad 2012-2016. Halkana laga sii anba qaaday jaan tuska xigay oo u qoondaysan 5 sanno ee xiga 2017 -2022.

In kasta oo aan ilaa hada dunidu u aqoonsan dalkan mid iskii u jira, hadana jamhuuriyada Somaliland iyaddu waxay ku guulaysatay inay isku maamusho nidaam dimuqraadi ah, dhamaan xuduudeehedii, ciidan iyo shacaba waa ay jirtaa, waxayna ku guulaysatay inay hirgaliso siyaasadeeda dibid iyo gudo iyo shacab dhan sedex milyaan iyo badh 3.5.

Somaliland waxay kasbatay inay noqoto hormoodka dimuquraadiyadda geeska Afrika waxa indhaha bulshada caalamka la yaab ku noqday doorashadii ka qabsoontay sanadkii tagay dabayaaqadiisii 13 November 2017. Taasi oo si bilaa rabshad ah loogu doortay Madaxweynaha talada hada haya mudane Muuse Biixi Cabdi,

Micheal walls oo ahaa madaxii goobjoogayasha caalimaga ah ee dooorashadii Somaliland waxa uu qoray sidan soo socoto, “Waxaan la dhacsanahay in aan joogno oo aan wakiil uga noqono dunida kalle halkan doorashada Somaliland, waxay indahayagu qabteen kacaankooda dimuquraadiga ah, waxaan hambalyo u diraynaa, hayadda doorashoooyinka qaranka ee Somaliland, waxaan leeyahay, isha ayaad kala hesheen”

Lidka xaalku siduu yahay, bar-tilmaameedyada laga qiyaas qaato marka loo kuur-galyo adeegayadda caafimaadka ee bulshadu weli waa kuwa ugu liita dunida, iyadoo ay ka maqan tahay wada jaanqaadka kuwo kalle oo cirka isku shareeray, waxaana loo malaynayaa in saamayn ay ku leeyahay adeega isgaadhsiinta casriga ah ee loo yaqaan internetku iyo aalada faraha badan ee technoolagigu inay kaabeen si dadbana ugu loogeen hormorka kaalmaha kale oo aan ahayn kan caafimaadka.

Dunida soo koraysa, waddamada aanu lugaha adag ku taganayn dhaqaalahoodu oo laga caawiyo horumarrinta iyo kor u qaadista, dar dargalinta adeegayada caafimaadka bulshadu, kama jiro, sababto ah, maqnaansha aqoonsigii beesha caalamku, waxa uu keenay in aanay qayb ka noqon mashruuca daryeelka caafimaadka dunida “Sustainable healthcare globally,” mana helo wadanku taageero toos ah oo heer caalami ah oo ugu timaada wadanada deeqda bixiya iyo kuwo kalleba, iyadoo loo malaynayo dalka Ingriiska oo wadankani ka mid ahaa kuwii u ka gumaystay Geeska Afrika, in aanu dhaqaalle sidaa u buuran u lahayn marka loo barbardhigo kuwo ay jaarka yihiin.

Wakhti xaadirkan adeega habqanka ah ee dowlada dimuqraadiga ah ee Somaliland wuxuu leeyahay

1 Hal Cusbitaal oo heerka koowaad ah,(Single national Hospital)

1 Hal cusbitaal oo heer qaran ah, xanuunada dhimirka (Single Mental health hospital)

5 Shan Kale Oo Ah Kuwa Loo Yaqaan Cusbitaalada Waaweyn Ee Heer Gobol (regional referral hospital) iyo 3 sedex cusitaal oo heer degmo ah (3 district hospital).

Guud ahaan gobolkan Gees ka Afrika ku yaala, oo ka mid dhulka ugu xun ee maatida iyo hooyada uurka lahi ay ku le’daan. Somaliland waxa u guntaday shacab iyo shaqsiyaad iskood isku xilqaamay oo ay ka mid tahay kuwii ugu horeeyay marwadii madax waynihii u hore ee Somaliland, Marwo Edna Aadan, mashaariicda hooyada uurka leh, kalkaalisooyinka, daryeelayaasha ummulisooyin iskugu jira iyo kuwo kale oo aan cudud buuran lahayn, inta laga helayo deeq ama kaalmo caalami ah oo bulshada caalamku hormood ka tahay, foogada banaanni waa ay jiraysaa.

Si looga midho dhaliyo hindisaha caalamiga ee ah ee hormarinta dadka ku nool kownkan,  (SDM) nolol wanaagsan oo caafimaad qabta waxa laf dabar u noqonaya adeeg quman oo caafimaad oo geedi ku ah, halka uu higsanayo, mudo cayiman iyo heer cayimin (effective health management strategy ) sidaa darteed bulshada omaliland waxay baahi wayn u qabtaa in dib loo dhiso siyaasada caafimaadka taasi oo ka shaqaysiinaysa  shaqaale loo carbiyay si ay is kugu badasho mid sii wadi karta oo wax tar leh,

Hada labada waji ee adega caafimaad ee Somaliland waa kan la wada leeyahay ee dowliga ah iyo ka gaarka loo leeyahay, waxa shiiqayay kana gacan sareeya ka gaarka loo leeyahay. Cusbitaalada dawliga ahi waa kuwa habacsan oo aan isku jaan gonayn, waxtarkooduna maba ladhna labadana.

Doorashadii hada ina dhaaftay madaxwaynaha kursiga ku guulaystay mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carab baabay khudbadiisii, sidi balanka uu ku qaaday markii uu masharaxa ahaa in si toos ah ugu lug yeelan doono siyaasad dawladu hormood ka tahay oo lagu dardar galin doono Adeegyada caafimaadka, lana xidhiidha. Layliga shaqaalaha, maamulada caafimaadka, xoojin doono cilmi korodhsiga xirfadlayaasha caafimaadka cududa guud ee xooga caafimaadka dalka.

Dib u dhis kasta oo ay ku samayso adeegyada caafimaadka dawlada Somaliland waxa uu la kulmaa caqabado khaas ku ah, dal burbur ka soo kabanaya oo aan lahayn aqoonsi caalami ah, oo la galgalanaya iskii inuu wax u qabsado isaga iyo dadkiisa oo aan arrin iyo itaal isku dhaamin.

Waxa se marag ma doon ah in dalkan yar uu iskii uga soo dabaashay, marxaladdo kala duwan, iyagoon gacan shisheeye taageero ka helin, kuwaasi oo ay ka mid ahayd dagaalo sokeeye oo ay ka soo gudbeen oo wadano kale sida koofurta Suudan, Yemen iyo koonfurta Soomaaliya ka yeelay WARKA MADAXDIISA DHAMAN SHABAKADAha WARARKA CAALAMIGA AH ee dunida, aadna looga wada bartay, waana sababta aanay u maqal magaceeda in badan dadka ku nool dunidani,

Dhinaca kale, kuwa xaqiiqada soo taabtay Somaliland waxay u tahay bartilmaameed taariikhda Afrika, inteeda kale waxqabadkoodu oo ka soo bilaabmay min gun ilaa baar, guud ahaan marka la eego geeska intiisa kale.

Tan hada taagan dalku wuxuu wajahayaa mar xalad kalle oo ku lamaan tan horumarka markii u horaysay oo ah inay quustaan hadii aan dunidu siin, tixgalinta ay ku soo jiiteen Indhaha caalamka iyo waxa ay xaqa u leeyihiin. Taas oo keeni doonta in aan lagu dhiiran doonin ama wadanadda kale ee Afrika aanay u dhagtaagi doonin dimuqraadiyad ka hana qaada. Waayo, waxay arkaan wadan curdin ah oo aan wax dheefa kaga helin dunida inteedii kale, taas oo la mid ah “ISHA CALI KA LAAD LAADA’

Si aan mar hore u dhicin, dhawaaq iyo muran xoogan ayaa ka aloostay dowlada Ingriiska iyo umadaha midoobay hadalkii ka soo yeedhay sarkaal Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa uga hadlay mar la qaadaa dhigayay qorsha hormarinta heer caalami, kaas oo soo jeediyay in kaabayaasha rayidka caafimaadka ee Somaliland taaganyihiin wakhti adag, ayna ku haboontay in la dhinac joogsado gacan buuxdana laga siiyo, sidii loo hormarin lahaa, isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu eeda arrintaas dusha ka saaray bulshada caalamka oo uu ku sheegay inay is ka indho mariso xaqiiqooyin wax ku ool ah oo dhinaca dimuqraadiyada ah beesha caalamku, wadankan yar oo socod baradka dimuqraadiyada ka soo bilaabay heerka 1 aad waxa uu si la taaban karro ugu soo gudbay nabad iyo xasilooni, waxaanu ku talaabsaday maamul wanaag iyo kala danabayn madaxbanaan, isagoo maalin kasta ay jiraan caqabado hor taagan haddana tan ugu wayn waxaa weeyan ayuu xusay in bulshada calamku indhaha ka labato, hadii ay taasi sii socotana waxay keenaysaa niyad jab. haddana nidaamka ka jira Somaliland waa mid taakulaynaya habsami u socodka himilida hormarinta ee bulshada caalamku ku haminayaan, waxa inta u sii dheer wadanka Ingiriiska oo ahaa kii hore u gumaystay ayaa isaguna si wayn u badhi taaraya sida la filayo hirgalinta qorshahan iyo hadalka uu ka dhawajiyay ergayga aan kor ku soo xusnay, iyadoo aanay meesha ka maqnayn danno gaar ah oo ay ka leedahay dawlada Biritan.

Wuxuu ku so gunaanaday qoraagii qoray warbixintu, waxa aynu isha ku haynaa inagoo uga faa’iidaysanayna daneeheena shacabka si loo hormariyo baahiya bulshadeena caafimaad inaynu kala shaqayno bulshada caalamka iyo Mustacmaraadkii hore ee wadankeena waa dawlada Ingriiske qorshe dheer oo laba geesood ah. Fursadan oo dunida kale soo jeleecday waa wakhtigii aan mudo sugaynay si aan uga kasbano aqoonsi iyo taageeradda aan xaqa ugu leenahay.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)