WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, June 09, 2018 (Saxafi) – Waaxda Duulista Hawada ee dalka Kenya ayaa ruqsadii duulimaadka kala noqotay dhawr shirkadaha diyaaradaha ah ee ka dhex shaqeeya Kenya iyo Wadamada dalalka dariska la ah.

Shirkadaha lagala noqday ruqsadda ayaa waxay buuxin waayeen shuruudihii laga rabay in ay soo dhameystiraan ka hor bishii aan soo dhaafnay ee May 31keedii.

SomlegalAds

Amarka ka soo baxay hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa wuxuu farayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee lagala noqday ruqsaddii shaqada in ay si deg-deg ah dib ugu soo celiyaan dayaaradooda ku sugan dalalka dibadiisa. Waxaana loo ogolyahay in ay ka dhex shaqeeyaan dalka Kenya oo kali ah.

Shirkadaha diyaaradaha ee laga joojiyey in ay ka hawl-galaan dibadda dalka Kenya ayaa waxay gaadhayaan ilaa 41 shirkadood oo sagaal (9) ka mid ah ay si toos ah ama si dadbadan uga hawl-galaan dalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Sagaalkaas shirkadood ruqsadii shaqada lagala noqday ayaa waxay kala yihiin:

1) Freedom Airlines Express, 2) Blue Sky Aviation, 3) Safari Express Cargo Ltd, 4) Flex Air Charters 5) Transafrican Air Limited, 6) Rudufu Limited, 7) East African Air Charters, 8) Skyward Express 9) SAC(K) Limited

Ruqsad kala noqoshadaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xil ay hay’adda Qaramada Midoobi u qaabilsan duulista ee ICAO ku sameyndoonto baadhitaan (AUDIT) hay’adda duulista ee dalka Kenya ee KCAA.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.