WorldRemitAds

Guinness World Record Book oo ah buuga dhacdooyinka iyo arrimaha ugu layaabka badan ee dunida lagu qoro, ayaa ninka ugu gaaban raga aduunka u aqoonsatay oday laba iyo todobaatan jir ah oo u dhashay dalkaNepal, kaas oo lagu magacaabo, Chandra Bahadur Dange.

Odaygan ayaa la sheegay in dherarkiisu leeg yahay hal dhudhun ama 54,7cm oo kaliya, waxaanu marka la qiyaaso ka gaaban yahay qiyaasta dherarka hal warqad ee wargeysyada ka soo baxa dalkeena, waxa kale oo uu odaygani sadex santimitir ka gaaban yahay ninkii rikoodhkaas hore u haystay, taas oo ka dhigaysa qofka ugu gaaban raga ku dhaqan dunida.

Masuuliyiinta guddida sare ee Guinness World Record ayaa sheegay in odaygani sadex Centimeters uu ka gaaban yahay Gold Maxamed oo isagu u dhashay dalka Hindiya kaas oo rikoodhkan hore u haystay qiyaasta dherarkiisuna ahayd todoba iyo konton senti mitir ama qiyaas dhan hal dhudhun.

SomlegalAds

Ninkaa hore ee Hindiga ah oo isagu wakhti hore dhintay ayaa ahaa qofkii ugu muddada dheeraa ee rikoodhkaas haystay dunida, waxaana markii ugu horeeyay rikoodhkaas jabiyay odaygan oo aad u gaaban qofkasta oo arkaana uu aad uga yaabayo heerka dherarkiisu yahay, waayo? Waxa uu xitaa ka gaaban yahay ilmaha raad qaadka ah ee socod baradka imikuun ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.