WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 5, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay ka qayb gallay dufcadii 13aad ee ka qalinjabisa jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo tiradoodu dhamayd 862 arday oo ka baxay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu ka kooban tahay.

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda, waxaana ka soo qayb galay ardayda qalin jabinaysa, waalidkood, maamulka jaamacadda, macalimiinta, masuuliyiiinta uu hogaaminayo madaxweynaha.

Markii uu mdaxweynuhu halkaasi gaadhay waxa si toos ah loo gudo galay ujeedada munaasibada waxaana hadalo halkaa ka jeediyey, Maamulka Jaamacada, macalimiinta, xubno ka mida waalidiinta iyo gudida sare ee Jaamacada Hargeysa, waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiinta xisbiyada qaranka oo ay ka joogeen Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye Muuse Biixi iyo Waddani oo isna uu u hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaji Cali Axmed, Wasiiru-dawlaha waxbarashada Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka,waxaanay dhamaantood u hambalyeyeen ardaydan,waxaanay u rajeeyeen horumar iyo guul.  “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qayb galo xaflada qalin jebinta Ardayda maanta ka baxday Jaamacada Hargeysa University, waa arrin aad iyo aad u weyn, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa Ardayda, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladdeenu ku dedaalayso weeye, waxyaalaha ugu waa weyn ee qarankani u baahan yahay weeye, waxyaabaha horumarkeena iyo horu-socodka, dadkeenna iyo dalkeenna anfacaya weeye, aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa oon idinku hambalyeynayaa insha Allaa halkaana waynu ugala sii dhawaan doonaa ee dadaalkiina ha ka caajisina”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo madasha qalinjabinta ka hadlayey.

SomlegalAds

Intaas ka dib Madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay kuuliyadaha ay dhigan jireen iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey Jaamacada Hargeysa University.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shahaado sharaf  ay maamulka Jaamacaddu u garteen gudoon siiyey ardaygii ugu dedaalka badnaa jaamacada oo ahaa arday aanu laxaadkiisu dhamayn balse, kaalin muhiim ah ka ciyaaray sidii uu ula tartami lahaa ardaydaa uu ka midka ahaa kana qalinjebiyey jaamacada Hargeysa. Waxa isna Shahaadada PHD, la gudoonsiiyey oo ay ku maamuustay Jaamacada Hargeysa University, Odayga ugu da’a weyn Xildhibaan, Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ay ku qiimeeyeen, doorka muuqda ee uu ku leeyahay Xaajigu arrimaha nabadaynta iyo waayo aragnimada uu marwalba ku xaliyo xaaladaha la soo dersa dalka, isla markaanu uu madaxweynuhu gudoonsiiyey xaajiga.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeer ku soo maray, xadhigana ka jaray qaybo cusub oo lagu soo daray Jaamacada Hargeysa University.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.