WorldRemitAds

Aabe u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa ku talaabsaday dhacdo geesinimo iyo sama fal heerkii ugu sareeyay ka gaadhay, ka dib markii uu xabsiga ku booqday nin wiil uu dhalay si u kas ah u dilay oo lagu xukumay in loo qisaaso, aabahan ayaa markii uu jeelka tagay ku kacay dhacdo ruxday dareenka iyo shucuurta maxaabiistii iyo ciidamadii ilaalada xabsigaas.

Sida warbaahinta dalka Sucuudigu ku  warantay, gacan ku dhiigle Faysal Caamiri ayaa anfariir iyo naxdin aan la koobi karayni hadhaysay markii uu arkay in qofka soo booqday ee sugayaa yahay, aabaha dhalay wiil dhalinyaro ah uu u ninkani ku dhagaroobay oo lagu magacaabi jiray, Marxuum Cabdalla Duusari, hasa yeeshee waxa uu waalidkaas kala kulmay xaalad kale oo dib u soo noolaysay shucuurtiisa.

SomlegalAds

Gacan ku dhiigle Faysal Caamiri waxa maxkamadda danbiyada ee dalka Saudi Arabia ku xukuntay dil seef qoorta lagaga jarayo, kaas oo ah in loo qisaasayo Marxuumkii uu dilay, kaas oo uu ku dhagaroobay wakhti dagaal xafadeed dhex maray dhalinyarada xaafada ay ku wada noolaayeen.

Aabahan ayaa gacan ku dhiiglaha u sheegay in uu saamaxayo oo qoortiisa u xoraynayo isagoo Illaahay (SW) kaga doonaya ajar iyo xasanaad isagana u samaynaya wanaag iyo sama fal, oo uu dhiiga inankiisi uu dilay ka cafin doono, laakiin waxa uu shardi uga dhigay in uu xafido Qur’aanka Kariimka ka hor intaanu ka bixin jeelka.

Sida shareecada diinta Islaamku dhigayso haddii qofka la dilay ehelkiisu cafiyaan oo saamaxaan qofka dilka u gaystay waa laga dhaafayaa qisaastii, waxaana la marinayaa shuruudo diintu u dhigtay oo ah, in uu sadex bilood oo xidhiidh ah soomo, in uu adoon xoreeyo iyo inuu lixdan miskiin quudiyo.

Aabahan ayaa gudidda Heshiisiinta iyo isku soo dhawaynta shacabka ee dalka Sucuudiga oo arrimaha dilalka iyo isa saamaxaada bulshada ka shaqeeya u sheegay, in aanu ninkaas mag ka doonayn, si buuxdana u saamaxay isaga oo wajiga Alle dhiganaya, laakiin waxa uu aabahani shardiga kaliya ee uu soo jeediyay ahaa in ninkaas gacan ku dhiiglaha ahi xafido sodonka jis ee Qur’aanka Kariimka ka hor inta aanu xabsiga ka soo bixin.

Talaabadan ayaa sida muuqata uu aabahaasi u qaatay in wiilkaas uu ku hanuuniyo jidka toosan, taas oo ay dhabb tahay in haddii uu kitaabka Alle xafido, maskaxdiisa ka maydhmi doonaan wixii naxli iyo xumaan ah ee galay, isla markaana wax badan ka bad baadin doono qulubka iyo fiigsanaanta ka dhasha, dhagarta iyo dhiiga Muslimiinta.

Saamaxaada iyo isku sama falku waa muhiim, waxaanay ka mid yihiin, waxyaabaha lagu gaadho raali ahaanshaha Alle iyo maslaxada umada muslimiinta dhexdooda, mar kasta oo is cafintu badato waxa kordha, naxariista iyo isku soo dhawaanshaha dadka Islaamka ah dhexdooda ka jira.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.